Jigjiga (CakaaraNews)
waxaa maanta cod-buuxa baarlamaanka cusub ee Dawlada Deegaanka Soomaalida kal fadhigiisii 1aad ee maant ayeesheen ayaa waxaa lagu ansixiyay Madaxwaynaha DDS Mudane Cabdi Maxamad Cumar.
Gudoomiyaha Xisbiga Dimuquraadiga Shacbiga Soomaalida Itoobiya Mudane C/fataax Sh/cabdilaahi ayaa usoo dhigay baarlamaanku inuu cod ku ansixiyo jagada Madaxwaynaha Mudane Cabdi Maxamud Cumar,
Halkaasna barlamaanku cod buuxa ku ansixiyeen, isagoo mudo dhawr bilooda kusii simaha jagada Madaxwaynaha DDS Matalayay, dabadeetana Madaxwaynaha cusub Madashaasi lagu dhaariyay.
Kalfadhigani kobaad oo ah kii ugu horeeyay ee baarlamaankani cusubi yeesho ayaa waxaa kasoo qayb galay 168
xildhibaan oo noqotay tiradii ugu badnayd ee xildhibaano kalfadhiganoo kale kasoo qayb gala.
Ugu danbayntii waxaa maalinta bariya loo balan san yahay ansixinta mooshino iyo bayaano kala duwan, waxaa kale oo aan idiin soo tabin doonaa dhawaan daqiiqadahan fooda inagu soo haya mooshinadii, bayaanadii maanta la'ansixiyay iyo xubnihii cusbaa ee maanta lamagacaabay wararkii ku soobsaanaa ee haka garab fogaan balankeenu waa warjiraaba cakaara ka daalaco
CakaaraNews