Jigjiga (CakaaraNews) kulankan balaadhan ee uu uqabtay kumushneerka Booliska DDS Gaashaanle Dhexe Yuusuf Maxamad Muuse ,isagoo mid kan lamidana kusoo qabtay dhamaan gobolada iyo Dagmooyinka uu deegaanku ka kooban yahay.
shirkan qiimaaynta ah ayaa waxaa kasoo qayb galay dhamaan Sarakiisha xarumaha Booliska ee Magaaladani jigjiga maamula, iyadoo hoos loo eegayo dhaliilaha iyo waxqabadka xubnaha iyagu muujiyay is xilqaanka ee qabtay shaqooyinka dheeraadka ah iyo kuwa aan kasoo bixin wajibaadkoodii kana jawaabin ujeedadii loo dalacsiiyay darajadana lagu siiyay.
Hadaba Gaashaanle Dhexe Yuusuf ayaa waxa uu soo jeediyay khudbad aad uqiimo badan oo dhinacyo badan taabanaysa, isagoo tibaaxay dhanka danbi ka hortaga iyo danbiilayaasha eedaymaha u xidhan in laga daba tagay oo la eegay lana qadariyay xuquuqdooda oo la horgeeyay sharciga madaamoo uu sharcigu ina farayo in 48 saac gudaheed sharciga la hor geeyo laguna xukumo ama danbigii lagu soo eedayay lagu waayo dabadeedna la siidaayo.
Waxaa kaloo uu carabka ku dhuftay dhanka taraafikada oo uu sheegay in uu ka dareemay jiljileec loona baahan yahay in ay muujiyaan dadaal dheeriya kuna adkeeyay in ay fiiro gaara uyeeshaan basaska caasiga ah ee ukala gooshaa magalooyinka deegaanka. waxaa kale oo uu ka shan qadhiyay in hada xal buuxa loo helay dhanka sugida amniga magaalooyinka iyo guud ahaan deegaanka iyagoo ay xil wayn iska saareen iyagoo iska kaashanaya ciidanka booliska gaarga ah iyo booliska caadiga ah iyadoo mid walbaba adkeeyay dhankiisa oo ilaa hada ciidanka boolisku uu ku sugan yahay dhul walba oo uu deegaanku xukumo ilaa xuduudaha aanu dawlada aynu dariska nahay ay ku sugan yihiin ciidanka booliska DDS
Gaba gabadii ayaa waxa la guda galay is qiimayn iyo wada tashi wixii hawla ee lasoo qabtay qaabkii loosoo qabtay, cidii mudan in la abaal mariyo iyo shaqsigii mudan in talaabo
laga qaado, waxaa la ogsoonyahay in mudo 27 maalmood ah ka hor ciidanka booliska D.D.S xubno aad utiro badan oo ka mid ah lasiiyay darajooyin aad usarsareeya , Haddaba iyadoo arintaa iyo dardar galinta firfircoonida saraakiisha lag duulayo ayaa waxa ay qiimayntani xooga saaraysay in cidii waajibaadkooda ka soo baxday ee karti dheeri ah muujisayna abaal marin lasiiyo cidii kale ee xilkii iyo waajibaadkii loo xilsaaray kasoo bixiwaydayna lagu boorinayay in isla goobtii lagu siiyay lagaga qaadi doono darajadii lagu dalacsiiyay.

CakaaraNews