Qaar kamid ah gabdhaha Godey, Qoraxay iyo jigjiga oo keenay natiijadii ugu saraysay ee dhibcaha 4. ama 100/100 dhanka waxbarashada

altJigjiga (CakaaraNews) Shirwaynaha waxbarashada deegaanka soomaalida oo lagu qabtay hoolka shirarka ee sayid maxamed cabdule xasan oo uu galabta madax waynaha dawlada deegaanka soomaalida mudane cabdi maxamuud cumar soo gababeeyey. shirwaynaha

waxbarashada deegaanka soomaalida oo ah mid Sanadkiiba hal mar la qabto kana soo qayb galaan madaxda Waxbarashada degmooyinka iyo maamulaayaasha dugsiyada Si loo qiimeeyo baaxada wax qabad- kooda Si loo suurto galiyo waxbarasho tayo leh iyo hab baris- Barasho ku haboon lana jaan qaadi karta waxbarashada Casriga ah.

hadaba waa markii ugu horeysay ee Lagu qiimeeyo ,laguna abaal mariyo ardeyda dhibcaha sare keentay Iyo maamulayaasha dugsiyada ee hirgaliyey Nidaam waxbarasho tayo leh kana mid yihiin Maamulayaasha iyo madaxda waxbarashada degmooyinka Iyadoo dhanka ardaydana ay kaalin wax ku ool ah gaaleena gabdhaha qooraxay, goday iyo jig-jiga Keeneena dhibco dhan 4. ama 100/100
Runtii waa dhacdo lagu farxo oo kor uu oo qaadaysa ka qayb qaadashada waxbarashada Gabdhaha xaqiijisayna dadaalkii loogu jiray wacyi galinta in ay waalidiintu si siman waxbarashada ugu Diraan wiilasha iyo gabdhahaba Si loo dheeli tiro waxbarasha gender issue taaso maanta xaqiijisay dadaalka gabdhaha. Iyadoo uu madaxwaynuhu uu amaan gaara u soo jeediyay gabdhaha gaar ka ah ee keenay Dhibcaha 4 kanamidyihiin 1.layla axmed aadan oo degmada godey ah keentayna dhibco dhan 4. 2.raxma maxamed faarax oo keentay dhicaha 4 kana soo jeeda q/dahar 3. Mulki maxamed maxamuud Oo keentay dhibco dhan 4 magaalada jigjiga.

Gabdhaha fasalka tobnaad (10aad)ka keenay natiijada 3 wixii ka sareeya Layla Axmed Aaden, degmada Godey oo keentay 4.

alt
Magaca......................................... Dugsiga ...................Dhibcaha
1-Mulki Maxamed Maxamud ................jig-jiga s.s.s................4 ama 100/100
2-Canab Farah ibrahim ......................Dolo-ado.....................3.8
3-riyaan bule ..................................shilabo.........................3.8
4-tufaax xasan ...............................wardheer.....................3.8
5-ilhan cali cabdi ..............................shiniile.........................3.8
6-xamda ibrahim macalin ...................hargeele......................3.8

Gabdhaha fasalka 12aad ka keenay dhibcaha sadex 3 iyo wixii kasareeya

Magaca .......................................Dugsiga........................ Dhibcaha
1. Raxma maxamed faarax ..................Q/dahar....................... 4 ama 100/100
2. Layla axmed aaden ........................Godey .........................4 ama 100/00
3. Caasha isaaq cusmaan .....................fiiltu .............................3.8
4. Aamina cabdi barkhad ....................Owbare .........................3.8
5. Ayaan mukhtaar xuseen.................. Q/bayax ........................3.7
Raxma maxamed faarax ee degmada Q/dahar keentayna dhibco dhan 4 oo uu madaxwaynuhu gudonsinayo abalmarinalt

Iyadoo la siiyay abaal marino maamulayaasha dugsiyada sare ee degmooyinka jigjiga, godey, iyo qabridahare sidoo kalana lasiiyay maamulayaasha dugsiyo kamida dugsiyada Deegaanka abaal marin shaqo kanamid yihiin maxamed isaaq digaale, maamulaha dugsiga godey , Hooda maxamed maamulaha dugsiga hargeele,madiina maxamed xasan maamulaha dugsiga wardheer, Aadan xasan sanbuul , maamulaha dugsiga sare ee doolo addo, maxamed faarax cabdi maamulaha dugsiga qabridahre, Maxamed axmed , maamulaha dugsiga dhexe ee dhagaxbuur.

Sidoo kalena waxaa abaal marino kale lasiiyay kormeerayaasha dugsiyada, Oo ay kamid yihiin , 1. Maryan cabdilaahi warsame gobolka dhagaxbuur, 2. Cabdiqaadir sheekh xuseen degmada bookh , 3 maxamed cabdulaahi cumar degmada godey 4. Ismaaciil dayib degmada jigjiga 5. Ibraahin xuseen maxamed degmada mooyaale.

Hadaba madax-weynaha dawlada deegaanka soomaalida mudane cabdi max'ud cumar Oo abaal marinta guudoonsiinayey shaqsiyaad kii mutaystay ayaa wuxuu Ereyo taarikhi ah oo dhiiri galinaysa nidaamka bari barasho uu ku Booriyay madaxda waxbarasha iyo maamulayaasha dugsiyada Isagoona carabka ku dhuftay in nay xukuumada ka go'an tahay kor uu soo qaadida Tayada wasxbarasho ee dugsiyada islamarkaana ay dawladu ku xisabtamayso in ay Aqoon yahano tayo lihi ka soo baxaan dugsiyadan deegaankeena si sinaan ah.
Madax-weynuhu waxaa kaloo uu tilmaamay in marki ugu horeysay uu golaha Fulinta deegaanka (kabineedku) an sixiyey fursad waxbarasho oo ay ka faa'iidaysanayaan Da'yarta agoonta ah ee nabad diidku waalid tiray ee ay awoodooda dhaqalena u saamiixi waydey inay helaan fursad waxbarasho Ardeydaasoo dhan 700 oo ardey kana soo jeeda degmooyinka fiiq iyo jig-jiga xukumaduna u diyaarisay ardeydaas jiif,cunto,iyo Lacag gacanta laga siinayo una isticmaalayaan sida saabuun iyo wixii la mida waxaa kaloo uu u mahad celiyey Waalidiinta ardayda macaliimiintii waxbaraysay una huray maskaxdooda iyo wakhtigooda si loo soo saaro ardey tayo leh,

Waxaa kaloo uu u mahad celiyey Madaxwaynuhu wasaarada waxbarashada dawlada deegaanka soomaalida ee xooga saartay wacyi galinta dhiiri galinta iyo Kor u soo qaadida tayada macalimiinta iyo dugsiyada.

Ugu danbayntiina Madax-weynuhu mahad'naq gaar ah uu u soo jeediyey jaaliyadaha caawiimada Waxbarasho markasta u soo dira kana mid yihin jaaliyada qoraxay iyo godey oo markasta ka caawiya Dhanka buugaagta iyo macalimiintaba iyadoyna jirin jaaliyado kale oo iyaguna deeq waxbarasho dhankooda ka gaystay ugu Daynbayntiina kula dar daarmay wasaarada waxbarashada in la magacaabo maamulayaasha iyo ku xiigeenadooda ee boordhin Iskoolka laga hirgalinayo degmada fiiq iyo jijiga loona diyaariyo macalimiin tayo leh dhanka kale na wuxuu madaxwaynuhu Ku dhiiri galiyey in guud ahaan macalimiinta, maamulayaasha dugsiyada iyo madaxda waxbarashaduba ay dadalkooda halkaas ka sii wadaan.

alt

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.