Jigjiga (CakaaraNews)Baryahan danbe oo ay dhamaan deegaanka kasocdaan howlo badan oo la dardargaliyay ayaa waxaa dhawaanahanba dhamaan 9ka gobol ee uu deegaanku ka kooban yahay kasocday tartamo kubada cagta ah oo loo qabanayay Dhalinyarada kubada cagta ciyaarta ee degmooyinka deegaanka oo dhan,
iyada oo goboladu ay degmo degmo usoo tartamayeen, ujeedada ciyaarahana ay ahaayeen in markii ugu horaysay deegaanka laga qabto koob ay utartamayaan sagaalka gobol ee uu deegaanku kakoobanyahay.
Haddaba halka ay goboladu kooxaha gobol ahaan usoo baxa ay usoo gudbinayeen jig-jiga oo uu ka dhici doono koobka goboladu maalinka ciidana bilaabmi doona, waxaa magaalada jig-jiga kusoo gabagaboobay koobkii kadhex socday kooxaha kubada cagta ee gobolka jigjiga taasi oo ay kaqayb qaateen 16 kooxood oo kala duwan, Halka uu habsocodka tartankuna ahaa is reeb reeb.
Haddaba kadib markii ay ciyaartu mudo dheer soo socotay Bulshawaynta jig-jigana ay aad ugaqaybqaadanayeen daawashada ciyaarahan oo ku soo beegmay wakhti ramadaan ah looguna tallo galay in
bishan ramadaan ay dhamaan degmooyinku ugu soo diyaar garoobaan koobka maalinta ciida dhex maridoona sagaalka gobol . ugu danbayntiina waxaa garoonka isugu soo hadhay labada kooxood ee lakala yidhaah HORMUUD IYO KOOXDA GOLDEN DSTV
Haddaba labadan kooxood oo muujiyay ciyaar heer sare ah dhamaana shacabkii kasoo qayb galay ee daawanayay ay aad ula dhaceen sidoo kalana ay kasoo qayb galeen madax uu hogaaminayo Madaxwaynaha D.D.S Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa iyagana sidoo ay ka muuqatay fardxad iyo rayn rayn aad looga dareemayay,
ugudanbayntii labadan kooxood oo ciyaartii ku kala guulaysan waayay ayaa waxaa loo dhigay goolal rikoodhe ah kadib tobankii jeer ee ay fursadaha ukala lahaayeen ayaa markii ay sagaal iyo sagaal gool kala dhaliyeen aadna ciyaartu usii xiiso badatay waxaa fursadihii ugu danbeeyay ay kooxuhu siiyeen labadii gool haye oo iyagu hal gal gool fursado u helay
Haddaba kooxda GOLDEN DSTV ayaa waxay nasiib uyeesheen sagaal gool oo kaliya halka ay kooxda HORMUUD kaga guulaysteen 10 kii gool oo dhamaystiran sidaasna ay ciyaartii ugu soo gabagbawday koobkii mudada dheer lasugayayna ay kooxda hormuud nasiib uheleen kadib markay muujiyeen ciyaar aad loola dhacay
islamarkaana madaxwaynaha D.D.S mudane Cabdi Maxamud Cumar uu gudoonsiiyay koobkii iyo abaalgudkii loogu tallo galay sidaasna ciyaartii kusoo gabagabawday.
