Jigjiga (CakaaraNews)xukuumadda DDS ayaa ahmiyad gaara siisa kor u soo qaadida tayada jeelka iyo suurto galinta jawi wanaagsan oo loolana macaamiloodo maxaabiista iyo u abuurida maxaabiista helid fursado waxbarasho si kor loogu soo qaado garaadkooda maskaxeed.
Hadaba booqashada Madax-waynaha ee xabsiga ayaa u sii gogol-xaadhaysa warbixinta
ay gudiga caafiska DDS u soo gudbiyeen Madax-waynaha, nuxurkeeduna ahaa liiska maxaabiista shuruudaha cafiska buuxiyay iyagoo ay gudigu waayadanba ku mashquulsanaayeen xaqiijinta maxaabiista cafiska helaysa, balse Madax-waynaha oo ku guda jira booqashadiisa ayaa la kulmay 2 Gabdhood iyo wiil nabadiid u xidhnaa iyagoo jaamacad dhiganayaana lasoo qabtay xukumaadda oo fiiro gaara siinaysa xaqa-muwaadinka iyo xuquuqda shaqsigaa ee helida waxbarasho ayaa u fasaxday in ay sii wataan
3 dan arday ee kamidka ahaa maxaabiistii waxbarashada siiwadatay qaarkoodna ayba ku qalin jabiyeen iyagoo xabsiga ku jira ku dhamaysteen waxbarashadoodii heerka jaamacadeed ahayd iyagoo ka kala qalin jabiyay kulliyaddaha Caafimaadka iyo Jaamacadda Jig-jiga, lana gudoonsiiyay shahaadada Diploma.
kuna cadsadeen ardeydaasi xafladii qalin jabinta in la cafiyo, Madax-waynaha ka ogolaaday iyadoo kadibna uu madax-waynuhu la kulmay xobno kale oo fal-danbiyeedyo ka baxsan nabad-diidka lagu soo xadhay.
Gaba-gabadii booqashadan Madax-waynaha ayaa waxa uu carabka ku dhuftay in sidii caadada u ahayd cafiska maxaabiista in cafis loo samayn doono maxabiista buuxisay shuruudaha cafiska ee ay gudiga cafiska DDS, soo go'aamiyeen lana cafin doono subaxnimada salaada Ciidal Fitriga hadii alle idmo