Shirkii Caadiga ahaa ee gudiga fulinta X.D.SH.S.I oo bilaabmay iyo Xoghayihii Xisbiga Maxamed Rashiid Isaaq oo Noqdoy Gudoomiyaha Xisbiga.

Jigjiga (Cakaaranews) Maanta oo ay taariikhdu tahay July 23 maalin sabti ah ayaa waxaa Hoolka shirarka ee xarunta dhexe ee xisbiga kafurmay Shirkii Caadiga ahaa ee Gudiga fulinta Xisbiga.

Shirkan oo ah shirkii sadex biloodlaha ahaa ama dib loogu eegayay shaqooyinkii qabsoomay sadexdii bilood ee lasoo dhaafay ayaa sidoo kale maadaama sanad cusub lagalay waxaa shirkan lagu qiimeeyay guud ahaan shaqooyinkii sanadka ee dhanka  Xisbiga iyo xukuumadaba.

Horaantii shirka ayaa la ansixiyay ajandayaashii shirka u yaalay oo kala ahaa 1. In ladhagaysto warbixinta Shaqo ee xisbiga kadibna laqiimeeyo 2. In ladhagaysto warbixinta shaqo ee xukuumada kadibna laqiimeeyo 3. In xubnaha gudiga fulinta shakhsi shakhsi looqiimeeyo.

Ajandayaashaas oo ahaa kuwii maanta shirka u yaalay ayaa durba lagudagalay in ladhagaysto ajandihii koobaad oo ahaa waxqabadkii shaqo ee xisbiga warbixinta oo uu soojeediyay gudoomiyuhu ayaa kadib laga dooday su’aalo muhiim ahna la iska waydiiyay, Waxaana warbixintii kasoo baxday inay jiraan shaqooyin loobaahnaa in laqabto balse aana laqaban aadna loodhaliilay, waxaana shaqooyinkaas kamid ahaa xarunta xisbiga ee magaalada addis ababa iyo xarunta xisbiga ee magaalada dirdhaba oo sidii loobaahnaa aana u hawlgalin ama ay dhibaato kajirto Sidoo kale waxaa warbixinta kasoo baxday inay jiraan shaqooyin kale oo aana qabsoomin.

Dhanka Kale waxaa aad loo amaanay  shaqooyinkii muhiimka ahaa ee sanadkan xisbiga u qabsoomay oo ay kamid ahaayeen Dib ucurashadii Deegaanka taasoo noqotay mid deegaanka u jihaysay wadadii lagu gaadhi lahaa horumar waara islamarkaana uu deegaanku gabi ahaanba kaga bixi lahaa arimaha laxidhiidha qabyaalaysiga, iyo qodobo kale oo badan oo qabsoomay aadna loo amaanay.

Kadibna waxaa la isla meeldhigay shaqo wanaagii xisbiga iyo waliba shaqooyinkii aan qabsoomin sababta ay u qabsoomi waayeen, waxaana la islaqaatay in si lookala ogaado meesha uu dhibku kajiro in waxyaabihii qabsoomiwaayay lagu eego qiimaynta shakhsiyaadka.

Intaa kadib waxaa loogudbay Ajandihii labaad oo ahaa Qiimaynta waxqabadkii shaqo ee xukuumada sadexdii bilood ee lasoo dhaafay iyo guud ahaanba sanadka hawlihii qorshihii uyaalay xukuumada, warbixintana waxaa soo jeediyay madaxwaynaha Deegaanka Mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Warbixinta oo ahayd mid aad u dheer aadna u cilmiyaysan ayaa kadib markii uu madaxwaynuhu soojeediyay kadib uu gurigu ama Gudiga fulintu kadoodeen warbixintii madaxwaynaha waxaana lagosoojeediyay su’aalo ku aadan warbixintaas.

Haddaba iyadoo ay aad u farabadnaayeen qodobadii xukuumada lagu amaanay iyo shaqooyinkii qabsoomay ee aadka loogu bogay ayaa waxaa kamid ahaa hadii aan soo qaadano dhanka beeraha, 1. Seedka Ama Shinida tayaysan ee sadexda bilood ku go’da ayaa hada ka hor  ay ku bixijirtay lacag dhan 30 milyan iyadoo laga soo iibin jiray beeralay deegaanka oromiya ah lacagtaasina ay sanad walba u xaroon jirtay ama ay ka faa’iidaysan jireen beeralayda oromiya 18 kii sano ee lasoodhaafay, Waxaana sanadkan lagu guulaystay in si loobadbaadiyo lacagtaas loogana faa’iideeyo beeralayda deegaanka in latababaray iskaashatooyin beeralay ah oo kukala sugan Gobolada Godey, Liibaan, Jigjiga iyo Afdheer waxaana lagu guulaystay in lacagtii 30 ka milyan ahayd beeralayda afartaas gobol dib loogaliyo islamarkaasna beeralaydaasi waxay soosaartay abuurkii ama shinidii tayaysnayd ee loo baahnaa taas oo sanadkii afar jeer lagoynayo halka shinida aan tahaysnayn aysanadkii laba jeer go’do.

Waxaa kale oo qodobada aadka loogu bogay ee dhanka beeraha ka mid ahaa inay sanadkan qorshaha ku jirtay in laqaybiyo 13,147,600 oo kiintaal laguna guulaystay in laqaybiyo 11 milyan oo kiintaal waxaana looga faa’eedeeyay ama looqaybiyay 10503000, 43574 oo qoys.

Sidoo kale waxaa aad loogu bogay, Dadka ladajiyay dacalada wabiyada oo ay sanadkan qorshaysnayd in ladajiyo dad dhan 99700 oo qoys waxaana lagu guulaystay in ladajiyay 87851 qoys iyadoo dadkaas loo diyaariyay dhamaan waxyaabihii ay u baahnaayeen sida dhanka waxbarashada oo loo diyaariyay 147 Dugsi dhanka caafimaadka 58 Health Post iyo 71 Animal Health post dhanka biyahana waxaa loodiyaariyay 55 Xarumo biyood si dadkaas loogu fududeeyo deganaanshahooda islamarkaana loohirgaliyo qorshaha kafaa’iidaysiga wabiyada.

Dhanka waxbarashada marka aan ugudubno sidoo kale iyadoo ay qodobada aadka loo amaanay aad u badnaayeen kuwii ugu muhiimsanaa waxaa kamid ahaa.
Luuqada afsoomaaliga oo aana hada ka hor kujirijirin imtixaanka national exam ka ee dugsiyada sare lagu qaato oo la ogsoonyahay inay national exam ka kujirijireen luuqadaha Amxaariga, tigreega iyo luuqada oromada iyadoo ay ardayda amxaarada,tigreega iyo oromada usuuroobi jirtay meel walba oo ay itoobiya waxkaga baranayaan inay fursad u helijireen marka ay national exam u fadhiistaan inay luuqadaha kala doortaan halkaasna ardayda soomaalida ah dhanka imtixaanka lagaga guulaysan jiray.

Haddaba Xukuumada oo sidii horayba loolasocday dadaal dheer ugashay geed dheer iyo mid gaabana u fuushay sidii luuqada afsoomaaliga loogudari lahaa national examka dugsiga sare ee itoobiya ayaa waxay xukuumadu ku guulaysatay in luuqadeena lagu daro imtixaanaadka dugsiyada sare waxaana la ogsoonyahay in taariikhda markii ugu horaysay ay ardayda soomaalida ah ee guud ahaan dugsiyada sare ee dalka iyo deegaankaba wax kabarta  inay fursadii ardayda kale heleen luuqadoodii hooyana ku qaateen imtixaanaadkii national examka.

Waxaa kale oo dhanka waxbarashada qodobadii aadka ugu muhiimsanaa kamid ahaa iskuulada Hoyga oo ay qorshaysnayd in laxareeyo 1000 arday laguna guulaystay in laxareeyo 800 oo arday kuwaas oo kukala xaraysan dugsiyada hoyga ee gobolka fiiq iyo jigjiga.

Sidoo kale qodobada ugu muhiimsanaa ee dhanka waxbarashada waxaa ka mid ahaa kaqaybgalka waxbarashada ee dumarka oo qorshuhu ahaa 47% in lagaadhsiiyo ayaa lagu guulaystay in lagaadhsiiyo 44%.

Waxaa kale oo qorshaha kamid ahaa in lahirgaliyo 545 Dugsiyada AB ga ah dhamaantoodna waa lagu guulaystay, waxaa kale oo qorshaysnayd in lahirgaliyo 135 dugsi hoosaad waxaana lagu guulaystay in lahirgaliyay 128 dugsi hoosaad taas oo ah 92.7%.

Tirada dugsiyada deegaankuna haatan waxay marayaan 52 Dugsi sare, 18 Preparatory , 173 Dugsi hoosaad oo 1 – 8 ah, 2495 iskuulada AB ga looyaqaano ah, Lix collage iyo Hal Jaamacad.

Dhanka waxbarashada qodobada kale ee aadka loogu bogay waxaa kamid ahaa inay sanadkan qorshaysnayd in latababaro 3778 macalin waxaana latababaray 2794 macalin tirada guud ee macalimiintuna waxay noqotay 12577 macalin.

Hadaba iyadoo halkan lagusoo wada koobi Karin qodobadii aadka loo amaanay ee waxqabadka xukuumada ayaa waxaa intaa dheeraa waxqabadkii dhanka caafimaadka deegaanka oo isbadal aad u wayni uu kasoo baxay iyo dadaalkii dheeraa ee ay xukuumadu u gashay qurbajoogta deegaanka oo midhihiisii aad loogu bogay lagana marag kacay isbadalka kayimid dhanka qurbajoogta deegaanka.

Sidoo kale waxaa aad iyo aad loo amaanay guulaha isdabajooga ahaa ee kasoo hoyday dhanka amniga oo ay ugu horeeyay halyeeyada liyuu booliska deegaanka oo markii waxqabadkoodii lasoobandhigay ay dhamaan xubnihii gudiga fulintu u riyaaqeen qodobada aadka loogu riyaaqayna waxaa kamid ahaa hawlgalkii qab iyo hanjabis ee kadhacay xuduuda Somaliland iyo deegaanka iyadoo la ogsoonyahay in 204 nabad diidka ahayd wax lalaayay iyo wax nolosha lagu qabqabtay laga dhigay islamarkaana la ogsoonyahay in 80 kamida kuwii nolosha lagu qabqabtay ay xabsiga dawlada ku jiraan halkaasna lagu fashiliyay laguna burburiyay qorshihii shacbiya 100 kiiba 100.

Ugudanbayntii ayaa waxaa loogudbay qiimayntii shakhsiyaadka xubnaha gudiga fulinta xisbiga dimuqraadiga shacbiga soomaalida itoobiya, Waxaana xubnihii gudiga fulinta looqiimeeyay shakhsi shakhsi, Waxaana qiimayntaas kasoo baxday in markii laqiimeeyay gudoomiyihii xisbiga mudane C/fataax sheikh c/laahi ay soo baxday in ay xubnaha gudiga fulintu ku dhaliileen in ay jiraan shaqooyin badan oo looga baahnaa inuu qabto balse uusan qaban, isna uu qirtay oo uu aaminay inay arimaha loosoodhigay run yihiin wuxuuna gudoomiyuhu kagaraabay in loobaahan yahay isbadal dhanka hogaaminta ah maadaama ay lagamamaarmaan tahay in ay shaqooyinku usocdaan sidii loobaahnaa waxaana ugudanbayntii cod buuxa lagu ansixiyay in uu gudoomiye noqdo Mudane Maxamed rashiid isaaq oo ahaa xoghayaha xisbiga ahna Afhayeenka baarlamaanka deegaanka, sidoo kalana C/fataax sh. c/laahi ayaa cod buuxa lagaga qaaday xubinimadii gudiga fulinta.
 
Gudoomiyihii Hore ee xisbiga dimuqraadiga shacbiga soomaalida itoobiya mudane C/fataax Sh. C/laahi ayaa dhankiisa kasheegay in talaabada laqaaday ay tahay mid muqadas ah islamarkaana uu u hogaansami doono xeerka iyo nidaamka xisbiga wuxuuna u hanbalyeeyay gudoomiyaha cusub ee xisbiga dimuqraadiga shacbiga soomaalida itoobiya mudane Maxamed Rashiid Isaaq.

Shirka oo maalinka bari ah inuu dhamaado lagu wado ayaa ajandayaasha shirka u laaban waxaa kamid ah ansixinta miisaaniyada deegaanka oo loosoo kala jajabiyay 67 degnmo 4 m.maamul iyo heer deegaan.

Dib ayaan idiinka soo tabin doonaa natiijooyinka kale ee kasoo baxa shirka…


Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews