Munaasabad ka dhacday Xarunta Ghana ee Accra khamiistii Shalay ayaa lagu soo bandhigay 3 ciyaartoy oo abaalmarintaas u caleemo saarnaa inkastoo Yaya Toure oo u ciyaara Naadiga Manchester City kaga guuleystay labadii ciyaartoy ee kale.
Seydou Keita oo u ciyaara Kooxda Barcelona ayaa kaalinta 2-aad galay halka Andre Ayew oo isna u ciyaara Olympique Marseille uu kaalinta 3 aad ciriirsaday waxayna labadan ciyaartoy u wada dhasheen Waddanka Ghana.
Yaya Toure oo ciyaar wanaag iyo kubad awood badan leh lagu yaqaan ayaa qiimo weyn ku ag yeeshay Naadiga uu u ciyaaro ee Manchester-city,ka dib markii uu ka soo tagay Barcelona oo uu u ciyaari jiray.
Wuxuu sidoo kale ka mid ahaa ciyaartoydii sida guusha leh Dalkooda ugu horseeday inay usoo gudbaan Ciyaaraha Qaramada Qaaradda Afrika ee Sanadka soo socda 2012 la qaban doono.