Cabdi Cali Raage Waa Qurbajoog ugu Deeqay Magaalada Yucub Dhisme Dugsi Sare ah Kuna Wareejiyay Furayaashii Maamulka Gobolka Wardheer.

Yucub (cakaaranews) altWaxaa 11/12/2011 yimid Casimadda Dawlad degaanka soomaalida itobiya ee jigjiga, 9 qurbajoogta waddanka u dhalatay kana kala timid wadamo kala duduwan, iyadoo ujeedadoodu ahayd Booqashada waddankooda iyo ka qabgalka furitaanka Dugsiga, sare ee magaalada yucub uu u dhisay muwaadin qurbajoog ah oo lagu magacaabo.

Sidoo kale taariikhgu markay ahayd 13/12/2011kii ayeey kabexeen Caasimadda Jigjiga Waftigan Qurbajoogta ah,iyagoo u dhaqaaqay dhinaca gobolka Wardheer, waxaa safarka ku wehelinayay Qurbajoogta, Qaar ka mida Ganacsatada Deegaanka Deegaanka kana koobnaa 5 Qof, 17/12/2011 ayaa uu Xadhiga ka jaray Dugsiga Sare ee Raage Maxamuud Guddoomiyaha Gobolka Wardheer oo ay ku weheliyaan Madaxda gobolka, Dagmada Wardheer iyo Taliska Ciidanka.

Dugsiga Sare ayaa ka helay Aqoonsi Wasaarada Waxbarashada DDSI,islamarkaana soo dhaweysey una dirtay Macalimintii iyo dhammaan Qalabkii waxbarashada Dugsiga Sare ee Raage Maxamuud,iyadoona durbadiiba duruusta ku qaadatay Arday dhan 46 Arday.
alt
Sidoo kale Qurba joogtii Dugsiga dhistay waxaay bilabeen in ay Macalimiinta u dhisaan Guryo ay dagaan, waxaa kale oo ay ku dhaqaaqeen in iyagoo ku dhiiri galinaya Macalimiin ay ka kabana dhinacyada Degaanka iy Raashinka, Qurbajogat iyo ganacsatadii la socotey waxay dadweynihii ay la kulmeen ku baraarujiyeen in ay ka fa’idaystaan barnaamijka dawlda degaanku wado gaar ahaan dibucurashada ka hana qaday, dhinacyada nabadgalyada iyo horumarkaba.

Dhanka kale Shacabkii ku Dhaqnaa Magaalada Yucub,ayaa Si xiiso leh u Soo dhaweeyay Walaalahooda Qurbajoogta ah,islamarkaana Maalkooda ugu Dhistay Dugsi Sare,oo ay ku Baxday Adduun lacageed oo kor u dhaafaya 1,300,000 Birr.sidoo kalana si kal iyo laab walaalnimo ku dheehan tahay ugu mahadceliyay qurbajoogta.

Dugsigan oo uu dhisay Muwadin u dhashay kana mid ah qurbajoogta ku nool waddanka dibadiisa Cabdi cali raage,looguna magac daray Rage Maxamuud waxaa ku baxday lacag dhan 1,300,000 Birr, waxaa laga dhisay Gobolka wardher, Qabalega YUCUB, iyadoona ay dhistay shirkada lagu magaaco Beedaan oo ka mida ganacsatada deegaanka islamarkaana ku tabarucay hawlgalinta shaqaalaha iyo qalabka dhismaha,qabalegu waxaa uu lahaa Dugsi Hoose Dhexe oo ay dhigtaan arday gadhaysa 726, Ardaydaas oo markay u gudbaan Dugsiga sare ay ku adkaan jirtay Dugsiyada sare ee ku yalla Dagmooyinka sida Wardheer iyo Qabridahare.

Sidoo kale Qurbajoogta,Ganacsatada iyo Shacabka Magaalada Yucub oo iskaashanaya Ayaa ku talo jira in ay Magaalada Yucub u soo iibiyaan,win generator oo dabka dhalinaya kuna shaqeeya hawada islamarkaana Tankiisu yahay 126,000kwt,taasoo ay guud ahaan Yucub heli doonto awooda Korontada Laydhka,taasooy shacabku bixiyeen 100 neef oo geela qiimahahooduna u dhigmo 30,000kun oo dolar,halka kharashka ku bixi doona win generatorka lagu qiyaasayo kharash ka badan 65,000 oo $us dollar,iyadoona kharashka inta ka dhiman ay wadajir u bixin doonaan qurbajoogta iyo ganacsatada.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews