Jigjiga(CakaaraNews).Waxaa waayadanba si talantaali ah uga socday hoolka shirarka ee golaha Capinetka Dawladda shir,taasoo lagu qiimaynayay Waxqabadka Xafiisyada waawayn ee horumarinta sida Waxbarashada,Caafimaadka,Biyaha iyo xafiiska beeraha.inkastoo qiimayntii xukuumadu ku samaysay waxqabadka xafiisyada,hadana waxaa aad loo dhaliilay xafiiska beeraha oo ka gaabiyay guud ahaan adeeg-bixintii ay bulshada xoolo-dhaqato Beeralayda ah.
Hadaba Gudiga Fulinta XDSHSI ayaa Kalfadhigiisii Caadiga ahaa ee Qiimaynta Waxqabadka isugu yimid Maalintii Shalay ahay Xarunta Golaha Dhexe ee Xisbiga.Gudiga Fulinta XDSHSI ayaa Si Xeel Dheer u lafaguray Qiimaynta warbixinta Waxqabadka Xafiisyada Xukuumadda,sida Xafiiska Biyaha,Waxbarashada,Caafimaadka iyo Beeraha.
Golaha Fulinta XDSHSI ayaa Cod Buuxa ku Ansaxiyay in Waxqabadka Xafiisyadu Meel fiican Marayo,Xafiiska Biyaha DDSI uu isagu Si ficil ah u Muujiyay in uu Baahidii Biyo bla'aaneed ee haysatay Bulshada kala Tacaalo Ceelal Badana uu ka Qodo Degmooyinka.Sidoo Kale Golaha ayaa Ansaxiyay in Waxqabadka Dibucurashada Degmooyinku Meel Fiican Marayaan.sidoo kalana golaha ayaa ku tilmaamay in waxqabadka Xafiisyada Waxbarashada iyo Caafimaadku Meel fiican Marayo.Walow aad loo dhaliilay Warbixinta Waxqabadka Xafiiska Beeraha DDSI.
Dhanka kale Xisbiga oo Dardar galinaya Waxqabadka Adeeg-bixinta Bulshada ayaa Gudagalay in Shaqsi-Shaqsi loogu Qiimeeyo Xubnaha Gudiga Fulinta Xisbiga,Kaalintii ay ku lahaayeen Taabo Galinta Waxqabadka Horumarineed ee Muuqda,sidoo kale kaalintay ku lahaayeen Curyaaminta Fidinta Adeegyada Horumarineed,Taasoo la wada qiray in uu Dr Suldaan Wali ga gaabiyay Waxqabadkii laga Filayay,sida Dawooyinkii Xoolaha iyo beeraha sida Talaalka oon la gaadhsiinin Bulshada,Daraasaad la'aan,Tayo Xumo Xilgudashada Shaqaalaha,Xidhiidh la'aan ka dhexjirta xafiiska beeraha DDSI iyo degmooyinka iyo nidaamka hawlgalinta xidhmooyinka fidinta oon jirin(Lack of Extention Package Beneficieres).Sidoo kale Dr Suldaan ayaa lagu eedeeyay inuunan lahayn isla-halgan iyo Cadcadaan Xisbinimo.
Ka Dib ayaa uu Gudiga Fulinta Xisbigu Cod buuxa ku ansaxiyay in Dr Suldaan Wali Shaqo Bedel lagu sameeyo si uu ugu shaqeeyo profisionkiisa lagana Qaado Masuuliyadihii uu Hayay Sida Madaxweyne ku Xigeenimadii,Xubinimadii Gudiga fulinta xisbiga iyo Wasiirnimadii Sectorka beeraha,midhaha iyo xoolaha DDSI,Taasoo Dhamaanba laga Xayuubiyay.
Dr Suldaan Wali Ayaa Lugaha isugu Duwday In Xafiis Cusub loo magacaabo Noqdayna Wasiirka Xafiiska Cilmi Baadhista DDSI,Halka C/fataax Maxamuud Xasan oo Ahaa Wasiirka Madaxtooyada DDSI,si ku meelgaadh ah loogu Siidhiibay inuu Sii Wado Xilkii Madaxweyne kuxigeenimo iyo Sectorkii Xafiiska Beeraha,Midhaha iyo Xoolaha DDSI.
Sidoo Kale Golaha Gudiga Fulinta XDSHSI ayaa ansaxiyay xubinimada gudiga fulinta XDSHSI ee Axmed Maxamed Shukri oo ah Gudoomiyaha Degmada Dh/buur