Qurbajoogtii Deegaanka ee Ka Soo Jeeday Gobolka Shiniile oo Maanta Booqday Dugsiga Hooyga Agoonta,Jaamacadda Jigjiga iyo Referal Hospitalka.

altJigjiga(CakaaraNews).Qurbajoogta deegaanka ee ka soo jeeda gobolka shiniile,ayaa maalmahanba booqasho ku joogtay deegaanka,iyagoona horay u booqday magaalada godey iyo wajaale.sidoo kalana uu madaxweynuhu ugu sameeyay Casho-Sharaf Guriga Martida Dawladda,halkaasoo kulan aad u xiiso badnaa oo fool ka fool ah uu kula yeeshay,Taasoo Qurbajoogta ku sii xiiso Galisay Jacaylka ay Dhulkooda Hooyo u qabaan iyo Sii laba-laabida Taageeradooda ku Aadan Xukuumadda DDSI.
Hadaba Waftigan oo ay Daadihinayeen Wasiirka Qurbajoogta DDSI Mudane Cabdi Maxamed Gamaadiid iyo Madax Websiteyada DDSI Mudane Bashe Cabdi,ayaa Saaka Booqday Meelo Badan oo ay ka mid ahaayeen dugsiga hooyga iyo waxbarashada ee agoonta ay waalid tireen nabad-diidkaUBO,taasoo ay dhamaan qurbajoogta booqatay ay ka damqadeen arxan xumada ay u gaysatay Caruurta Agoonta ah UBO.
Waftiga Qurbajoogta ah Iyo Masuuliyiinta Xukuumadda ayaa uu Maareeyaha Dugsiga Hooyga iyo Waxbarashada  Caruurta Agoonta Mudane uu Tusay Ardaydoo Fasalada Wax ku Baranaysa,Qololka Ay seexdaan Wiilasha iyo Gabdhuhu Sidoo kalana Meelaha Cuntada Caruurta Agoonta loogu Sameeyo iyo siday isugu dheeli Tiran tahayba.
Qaar ka Mida Qurbajoogta ayaa ay ka soo Baxaysay Afkooda ereyo Tilmaamayay mahadcelin ay u jeedinayeen Xukuumadda,sida Wadaninimada leh ee ay isaga xilsaartay Caruurta ay ka Dhabqiyeen Meertadii Nolosha Waalidka Qawlaysatada UBO.
Sidoo kale waftiga qurbajoogta ayaa booqday jaamacada wayn ee magaalada jigjiga,halkaasna kula kula kulmay kuxigeenka Madaxweynaha Jaamacada Dhanka Daraasaadka Mudane Siciid,islamarkaana si Fiican ugu Soo Dhaweeyay Xafiiskiisa.sidoo kalana warbixin ka siiyay Qurbajoogta Adeegyada Qaybaha Waxbarasho ee ay Bixiso Jaamacaddu iyo laamaha ay ku leedahay Godey,Liban iyo Dh/buur.
alt Mudane Siciid ayaa ka dib u sii gadhqaaday waftiga dhanka fasalada,jiifka,waaxaha iyo librariyada ardayda ee jaamacadda,halkaasooy qurbajoogtu lug ku soo mareen fasalada ardayda jaamacadda jigjiga wax ku baranayeen,goobaha libarariga ardayda iyo Qolka information technologyga.
Qurbajoogta ayaa aad ugu riyaaqday Jawiga haboon ee lagu faani karo,islamarkaana ka Jira Jaamacadda Jigjiga,sidoo kalana aad ugu riyaaqay baaxada Spaceka ay ku fadhido jaamacaddu iyo librariyada Casriga ah,Halkaasoo Sawiro Xasuus ah ku wada galeen.
Dhanka kale Qurbajoogta Qaar ka mida ayaa Jaamacadda Jigjiga u balan qaaday in ay ka caawin doonaan Dhanka Buugaagta Libraryga,islamarkaana ay ku dadaali doonaan in ay xidhiidho caalami ah ugu soo samayn doonaan qaar ka mida Jaamacadaha Adduunka ugu qaalisan.
Waxaa xusid mudan in ay Qurbajoogtan Wajiyadooda ay ka muuqatay Sida ay ugu faraxsan yihiin Muuqaalka Qurxoon ee ka Jira DDSI iyo horumarka baaxada wayn ee lagu talaabsadayba.
ugu danbayntii ayaa ay Qurbajoogta Deegaanka ee ka soo jeeda gobolka shiniile booqdeen dhismaha isbitaalka wayn ee magaalada jigjiga kuna dhaw dhamaadka(Jijiga Referal Hospital) taasoo ay aad ugu bogeen muuqaalka iyo tayada dhismaha hospitaalka,siina kordhisay Aragtidoodii ku wajahnayd in Horumar Baaxad Wayn oo aan la inkiri karin ka Hano Qaaday Guud ahaan DDSI.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews