Jigjiga (Cakaaranews) Sida lawada ogsoonyahay Ururka Budhcada UBO (awans) oo habayaraatee aana lahayn siyaasad urur ama wax matali kara shacabka ayaa la ogsoonyahay inay agoomeeyeen caruur ku dhaw 10 kun, iyadoo 10 kaa kun ee agoonta ah uusan ku jirin hal ilmo oo qabiilada kale ee deegaanka daga kasoo jeeda balse ay dhamaantood yihiin caruur laga agoomeeyay qabiilka ogaadeen ee ay budhcada UBO bahdileen magacoodana beenta kasheeganayaan.
Sidoo kale Budhcada UBO hogaaminteeda ayaa caan ku ah tababarkii ay ka heleen nidaamkii shuucinimada ahaa iyadoo hogaamintooda intabadan aysan kasoojeedin deegaanka
Tusaale ahaana waxaan usoo qaadan karnaa dhiigyacabyada kala ah Maadeey oo isagu marna waasha marna ubo hogaamiya oo uu dhakhtar uqoray inuu sida dibjiriinta 24 saac dhagaha kulajiro music iyo C/laahi mukhtaar iyo ina cumar dacay oo la ogsoonyahay inuu isagu xiligii soomaaliya hordhac u ahaa budhcad badeeda hadda aduunka kharibtay, islamarkaana ina cumar dacay ayaa isagu khabiir sare ku ahaa budhcad badeeda kana mida aas aasayaashii budhcad badeedaas balse hadda ku fashilmay budhcad bariyeedka lagu magacaabo UBO (awans).
Haddaba haddii aan usoo noqono dhanka beenta iyo iimaan la'aanta UBO Sida ay cadeeyeen daahir private iyo cabdinuur sooyaan oo wakhtixaadirkan deegaanka kusugan waxaa hadda ka hor jirtay inay maaday cajalad udhiibeen isna Mr.Donald Yamamoto oo wakhtigaa maraykanka u qaabilsanaa arimaha afrika gaadhsiiyay oo uu ugeeyay cajaladaas, iyadoo ay cajaladaas kasoo duubeen nin UBO ah oo xidhan dirayska ciidanka qaranka itoobiya lana yidhaahdo C/raxmaan Daa'uus oo qof shacaba oo aana waxba galabsan garaacaya iyagoo uga danlahaa inay ciidanka qaranka kadhigaan kuwo dadka iska garaaca haddaba beeni isma qarisee waxaa dhacday inuu maaday isla Donald Yamamoto marlabaad ugeeyay cajalad uu sooduubay jefrey genlteman kadibna markay daawadeen shaqaalihii Mr. Donald Yamamoto ay nasiib wanaag cajaladii ku dhex arkeen ninkii shalay dirayska ciidanka qaranka xidhnaa ee wax garaacayay ee ay lahaayeen waa ciidanka itoobiya ee waliba afxabashiga ku hadlayay oo haddana cajalada uu jefrey sooduubay waraysi kabixinaya isagoo leh waxaan ahay sarkaal onlf ah kana warbixinaya arimaha UBO. islamarkaana Shaqaalihii Mr.Donald Yamamoto oo arintii aad ulayaabay maadaama uu maraykanku waxyaabaha noocaas oo kale ah aad u baadho kana fiirsado go’aanqaadashadeeda ayay ugudbiyeen Mr.Donald Yamamoto isaguna wuxuu uyeedhay maadeey oo uu kuyidhi war ninkani shalay waakii isagoo dirayska ciidanka qaranka xidhan waxgaraacayay ee aad igu tidhi waa ciidanka itoobiya oo shacabka laynaya eegana waakanoo isagoo onlf ah ayuu halkan waraysi kabixinayaaye maxaa jira oo goormuu onlf noqday, kadibna maaday ayaa kacodsaday in wakhti lasiiyo si uu ulasootashado kuwii kale, wuxuuna maaday latashaday maxamad ismaaciil waxayna kuwada tashadeen inay yidhaahdaan ninku markii hore wuxuu ahaa ciidanka itoobiya hadana anaguu isu kaayasoodhiibay oo dagaal aan ciidankaas kaga guulaysanay ayuu iskusoodhiibay, intaa kadib ayay u tageen mr. Donald Yamamoto waxayna usheegeen sidii ay kusoo tashadeen, arintaas markay usheegeen ayaa waxa uu mr. Donald Yamamoto maaday kuyidhi dee haday saasba tahay ninkani waa danbiilee noosoo dhiiba sharciga caalamka hala horgeeyee ileen waakii dadka shacabka ah garaacayaye....
Haddaba sheekadaas oo ah mid horay caan u ahayd dad badana la socdeen siday u dhacday ayaa hadana waxaa kale oo dhacday arin kusaabsan filinkii silent cry oo lagasoo bilaabo wakhtigii lasameeyay ee 2009 ilaa intii uu jiray ahaa filin fabricated ah oo loosoojilay sida qanaayadaha filimada hindiga oo kale islamarkaana ay jilayaashu ahaayeen jajabkii UBO ama budhcadii laga dhaawacay UBO ee nayrobi dhuumaalaysiga kujoogay iyo qaar kamida macalimiintii iyagu tababarayay jilayaashii filinka ee ahaa dhaawacii nayroobi ku dhuumanayay balse filinka kumatalayay dad lawaxyeeleeyay, macalimiintaasna waxaa kamida dahir private oo hada deegaanka kusugn iyo tiibaa oo isna ay isla iyaga dhexdoodu indhaha ushideen, sida la ogsoonyahayna macalimiintaasi waxaa kale oo ay ahaayeen kuwii ardaydii ree Britain marin habaabiyay ee beenta usheegay ee khalday.
waxaana la ogsoonyahay inuu filinkaasi qurbajoogta deegaanka iyo caalamkaba kuyeeshay saamayn waxaana xaqiiqa ah inay filinkaas taageerayeen dhamaan budhcada kasoohorjeeda horumarka wadanka itoobiya.
Haddaba ugu danbayntii ayaa waxaa dhacday arin ay aad ula yaabeen dhamaan qurbajoogtii deegaanka kuwii UBO taageerijiray iyo budhcadyadii kale ee horumarka itoobiya kasoo horjeeday kadib markii ay Budhcada UBO dhalinyaradii silent cry wadanka kenya ku afduubeen kuna jidhdileen kana dheceen wixii ay lacag iyo qalab haysteen arintaasi oo noqotay mid ay Budhcada ubo ku fashilantay laguna ogaaday inayna ahayn urur leh siyaasad ama qorshe urur balse ay yihiin budhcad hunguri isku soo urursatay siyaasadooduna ku salaysan tahay hunguri wax habayaraatee hunguri iyo iimaan la'aan dhaafsiisan oo ay leeyihiina uusan jirin.
Arintaasina waxay horseed u noqotay inay dhamaan qurbajoogtii taageeri jirtay iyo caalamka oo dhani inay arkeen siyaasada kadanbaysa budhcada ubo halkaasna kufashilmeen maadaama ay qurbajoogta iyo caalamkuba lasocdeen inay dhalinyarada silent cry kuhawlanaayeen inay itoobiya ugaystaan dhibaato kabadan ta ay UBO isku daydo inay ugaysato ee dhanka diplomacyada ah.
Arintaasina qurbajoogta iyo caalamkaba u cadaysay inayna UBO lahayn siyaasad urur iyo qorshe shacabka wax usoowada toona ee ay yihiin budhcad isku soo uruursaday hunguri kaliya.
Haddaba inkastoo ay qaar kamida ururka ubo iskudayeen inay arintan qariyaan dhalinyaradana raali galiyaan ayaa waxay arintaasi u cuntami wayday dhalinyaradii silent cry oo iyaga laftoodii ay ubo silent galisay oo ay run ahaantii arintaasi layaabka lihi ku noqotay su'aal ay jawaab u waayeen aadna isugu taxalujiyeen sidii ay jawaab ugu heli lahaayeen waxayna ugu danbayntii garwaaqsadeen inay hawshii ay wadeen wax ka khaldanaayeen lana marin habaabiyay ujeedada kaliya ee UBO na tahay hunguri, islamarkaan iyadoo ay dhalinyaradii silent cry arintaasi xal u helideeda ku mashquulsanyihiin ayaa waxay nasiib wanaag martiqaad ka heleen xukuumada deegaanka soomaalida itoobiya waxayna go'aansadeen inay deegaanka soobooqdaan sidaas ayayna kuyimaadeen deegaanka iyagoo raba inay indhahooda kusoo arkaan siday wax u jiraan iyadoo aysan cidna wehelinaynin.
Dhanka kale Dhalinyaradan silent cry ayaa kadib markii ay indhahooda kaga bogteen horumarka kahanaqaaday deegaanka ee xawliga ku socda ayaa waxay go'aansadeen inay socdaal ay ugu magacdareen fact or fiction kusoo maraan deegaanka oo dhan islamarkaana horaa looyidhi ishu waa macaline kadib markii ay indhahooda kusoo arkeen waxyaabo badan oo aysan markii hore filayn aadna ula dheceen horumarka iyo isbadalka ka hanaqaaday deegaanka ee ay kamarag keceen ogaadeena in wixii ay horay usameeyeeni uu ahaa fiction lasoo dhoobdhoobay xaqiiqda deegaanka kajirtana arkeen ayaa waxay go'aansadeen inay sameeyaan filin cusub oo ay ugu magacdareen SILENT CRY PEACE OF FREEDOM.
Haddaba sida aad haddaba daawanaysaan socdaalkaas ayay kusoo xaqiijisteen in wixii hore aha fiction oo kaliya hadana waxaad daawanaysaan waxyaabihii ay socdaalkaas kala soo kulmeen iyo sababihii ay u xaqiijisteen in wixii hore uu ahaa fiction iyo wax lasoo mala awaalay iyagana lagu marin habaabiyay, muuqaalkan aad hadda daawanaysaana waa mid kabaxay TVga caalamiga ah ee itoobiya maalindhawna waxaan idiin soo dayn doonaa isagoo Somali ah.
Dhanka kale Dhalinyarada Silent Cry ayaa maanta shaaciyay inuu dhamaaday filinkii oo dhamaystiran lana magac baxay silent cry peace of freedom.
Filinkan oo ah mid aad iyo aad u heer sareeya aadna cajiib u ah qofwalba oo daawadana uu aad ula dhici doono ayaa hadii aan waxyar ka taabano waxaa filinka aad ku daawandoontaan Sida:- Hay'adaha caalamiga ah ee international NGO's iyo Diplomacyo farabadan oo ay kamid yihiin kuwa yurub iyo ree galbeedka oo kahadlaya arimaha iyo ujeedooyinka filinka sidoo kale dhanka goobaha filinka kamidka ah waxaa kamida :- Bulaale , sulul,dhanka qoraxay shilaabo, Togaga faafan iyo jarar, dhanaan, wabishabeele , godey, nogob, dhulka looyaqaano ciida , laga hida salaxaad,geeldoox , god cusbo, daartii sayidka, jigjiga, toga errar faafan jarar iyo daakhato iyo waliba weyb iyo ganaale iyo gurdumi, iyo goobo kale oo aad u badan oo uu kamid yahay misaajidka caanka ah ee najaashi.
Sidoo kale waxaad ku daawandoontaan oo kahadlaya Culumaa'udiinka, waxgaradka, odayaal dhaqameed, haweenka , dhalinyarada iyo dadka deegaanka aadka caanka uga ah oo uu kamid yahay Abwaanka abwaanada Macalinka afsoomaaliga ee Dhoodaan iyo Garaadada, suldaanada iyo ugaasyada deegaanka.
Filinkan oo ay maanta dhalinyarada silent cry shaaciyeen inuu dhamaaday islamarkaana ay kujiraan diyaargarawga soo bandhigidiisa ayaa waxaa ugu horayn lagusoobandhigi doonaa hoolka wayn ee sayid maxamed cabdule xasan ee magaalada jigjiga kadibna waxaa loosoo bandhigi doonaa qurbajoogta deegaanka ee yurub iyo maraykanka.
Haddaba Guntii iyo Gabogabadii Sdia lagu yaqaano urur hadii uu jiritaankiisu qaan gaadho cidii uu wax u gaystay ama victimkii ubo ee siqiirka ahaana ku qaangaadho islamarkaana dhibaatadiisu qaangaadho ururkaasi guul gaadhimaayo tusaale ahaan ubo oo sheegatay 27 jir, balse aana lahayn habayaraatee wax horumar ah ama natiijo ah oo maraysa inay manta taaganyihiin sheekadii ay ku bailaabatay ayaa dhanka kale waxaa dhibaato ah inay caruurtii ay waalidkood laayeen ku qaandhaageen kuwa ladagaalamina iyagii yihiin taasoo ay calaamad u tahay urur markuu burburo inuu hubkiisa aaso kadibna la ogaado lana soo saaro haatan burburkii UBO oo badhtamihii sanadkii hore bilawday inay aasaan hubkoodii wax isdhiiba iyo wax baxsada, taasoo wakhtixaadirkan aan joogno lasoo saaray 7 god oo ay ku aaseen hub kana midyihiin god ku yaala sibi iyo mid ku yaala dhabaajiriso god ku yaala shawli, iyo mid ku yaala dhagaxmadaw , tantoomin iyo balisareedo, qamuuda, intaas oo god oo laga soo saaray noocyada kala gadisan ee hubka, hubkaas oo ay soossaareen ragii shalay aasay,
UBO oo horay ugaysatay xasuuqii LRA dii Uganda oo kale maantana ay iska cadahay inay marayso burburkii Timen Tigers ee sirilanka oo kale , taasoo dawladii budhcada ahayd ee shacbiyana cunaqabatayn lasaaray oo ay lafahoodii , aduunkana argagixiso loo aqoonsaday , budhcadkii liibiya oo burburtay , iyo arimihii jubooyinka oo kudhaw in xal loohelo, arintii qurbajoogta oo isasooxidhay, dhalinyaradii waayaha cusub oo garwaaqsaday, silent cry oo garwaaqsaday sedyo iyo ururka dhalinyarata ee yurub oo cirka maraya oo garwaaqsaday horumarka, dawladaha yurub iyo maraykan oo argagixiso u aqoonsaday islamarkaana usheegay,, inayna alshabaab wax ay kaga gadisan yihiin uusan jirin lana ogaaday heshiiskooda , shacabka ogaadeen oo sicad uga horyimid kadib markay ogaadeen afduubkoodii,, shacabkii ogaadeenka oo gadooday oo sitoosa dagaal ugagala horyimid sida liyuu booliska oo kale oo manta cida ay ishayaani uu yahay wiilashii ogaadeen , diintii ay kudhaqmayeen ee mahaji ay samaysteen ee tubiiciyo oo fashilintay, xukuumada deegaanka soomaalida oo ay manta ka jirto dawlad cagaheeda ku taagan oo muujisay horumar dhanka waxbarashada biyaha beeraha caafimaadka dib u dajinta wadooyinka isgaadhsiinta cusbitaalada, islamarkaana yeelatay awood ay ku maamulato xadkeeda kuna koontaroosho, jaaliyadihii oo bilaabay inay ka qaybqaataan horumarka deegaanka gaar ahaan iskuulada , hospitaalda oo hantidii ay shalay ubo siinayeen bilaabay inay wadanka ku horumariyaan iyagoo gobol gobol u wada yimid, xukuumadoo xaga mediaha ka qaaday talaabooyin aad u muhiim u ah oo horumar ah, Lana xoojiyay xidhiidhka arimaha bulshada iyo wada tashiga shacabka deegaanka.
Hadaba wakaa Maanta uu UBO Xaalkeed Marayo Goroyooy gabal kuudhac yaa iilahaa iyo adaa iilahaa… hebelbaa iilahaa iyo hebelbaa iilahaa…