Habka Barida Iyo Wacyi-galinta Bulshada ee bixinta Canshuuraadka Dawladda.

altJigjiga(CakaaraNews).Xafiiska Dakhliga DDSI Ayaa Waayadan Dibuhabayn iyo dardargalin Nidaamka canshuuraadka loo bixiyo ku wada Dhamaan Ganacsatada,si bulshada loo fahansiiyo in bixinta canshuuraadku  ay qayb Muhiima ka tahay Horumarka Dalku Hiigsanayo.
Hadaba Mar Wariyaha cakaara uu maanta xafiiskiisa kula kulmay Wasiirka xafiiska Dakhliga DDSI Mudane Xabiib Muxumed Yuusuf, ayaa uu wax ka waydiiyay Qorshayaasha Iyo Dardargalinta nidaamka canshuuraadka ee Xafiisku Ku Wado Ganacsatada,Iyadoona wasiirku uu yidhi "waxaan noqonay XAFIIS AY DADKU LEEYIHIIN, UNA SHAQEEYA BULSHADA, maxaa yeelay mar kasta oo ay arkaan shaacabku lacagtii ay bixinayeen in BULSHADA LAGU HORMARIN, waxay Bilaabeen in ay bixiyaan CANSHURTII KU WAAJIBTAY.".
Sidoo Kale Wasiirka ayaa tibaxay in xafiisku uu Sameeyay Dhamaystirka Naqshadaynta Web-site Iyo Networkinga  Xafiiska,taasoo Macaamilku Ay iibka ganacsigooda u isticmaalaan Cash sales machine oo dhacdo kasta oo iib ah lagu diiwaan galiyo,iyadoona mashiinkan Cusubi si dhib yar uu xafiiska dakhliga DDSI ugala socon karo Diiwaanka Iibkaas,qalabkan Sells Machine oo Casri Ah iskuna Xidha Wasaarada Dakhliga DDSI Iyo Wasaarada Dakhliga Iyo Jibriga Federaalka,taasoo xakamaynaysa Musuqii Badnaa.
Dhanka Kale Hirgalinta Sells Machineka Ayaa uu Deegaankeenu ka Mid Yahay Deegaanada Ugu Horeeya Dalka ee Isticmaalka Sells Machineka Bilaabay,waa Sida uu Yidhi Wasiirkuye.
Wasiirka oo hadalkiisii Sii wata Ayaa Carabaabay Diniyaarinta iyo Gudbinta fariinmaha Canshuuraha si gaar ah (Qaab sawir ah) in  loogu Gudbinayo Bulshada,sida Tabeelayaal Waawayn oo Tilmaamaya Nidaamyada Canshuur bixintana Looguna Dhajiyay Wadooyinka Magaalada Jigjiga,Taasoo Micnaheedu Yahay  QORSHAHEENA BARI WAA DEKHLIGEENA MAANTA...
Isku Soo Wada Duuboo Xafiiska Dakhliga DDSI ayaa Culays Saaray Sidii Canshuurta Dakhliga Iibku ugu Soo Xaroon lahayd Dawladda,Taasoo Rasiidyada VATka(Value Added Tax) dhamaan Meheradaha Iibka Ganacsiga La Wada Geeyay.


 

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews