Suuqa Xoolaha Lagu Kala Iibsado ee Magaalada Garbo oo Sare u Kacay

altGarbo(Cakaaranews). Magaalada Garbo Ayaa ay Xadaaradda Ganacsiga Xooluhu kor u kacay Waayadan,iyadoo uu Sanado Badan Suuga Ganacsiga Xoolaha Nool ee Magaalada Garbo Hoos u dhacay,islamarkaana Yaraadeen Tiradii Xoolaha Saylada loo iib keeni jiray iyo Ganacsatadii iyo Shirkadihii Xoolaha iibsan jirayba.
Isbedelka kor u kaca Sayladda Xoolaha ee Magaalada ku Yimid Wakhtigan Ayaa uu Sababay Dibucurashada Dhanka Horumarka ee ka Taabo Gashay Guud Ahaan DDSI.Taasoo Xukuumadu ay Ka taabo Galisay Degmada Garbo Dhamaanba Kaabayaashii Dhaqaale.
Sidoo kale Suuqa Xoolaha Magaalada Garbo ayaa ay Saylada Maalintii lagu kala iibsadaa Xoolo dhan 585 neef oo isugu jira Geel lo' iyo Adhi.Mar wariye Ka tirsan Xafiiska Arimaha Dawladda Deegaanka Soomaalidu uu waraysi la yeeshay nin ka tirsan dilaaliinta saylada xoolaha Garbo ayaa uu u sheegay in xadaarada ganacsiga ee Suuqa xoolaha Garbo uu kor u kacay.
Dilaalka ayaa intaa ku daray in wakhti xaadirkan sayladda xoolaha garbo maalinkii lagu kala iibsado geel dhan 70 neef,halka maalintii adhiga lagu kala iibsadana uu kor u dhaafayo 450 neef,sidoo kale wuxuu intaa ku daray in suuqa xoolaha garbo lo'da lagu kala iibsadaa dhan tahay 65neef,taasoon uga mahadcelinayno ayuu yidhi xukuumada uu hogaanka u hayo madaxweyne cabdi maxamuud cumar.
 Dhanka Kale Shacabka Garbo Ayaa isugu jira beeraleey iyo xoolo dhaqato,xiliyadii horena magaalada garbo ay ahaan jirtay xarun ganacsi,iyadoona wakhti xaadirkan magaalada garbo ay dib ugu soo noqotay xadaaradeedii hore ee dhanka ganacsiga,kana mid tahay suuqaqa ugu caansan deegaanka ee xoolaha lagu kala iibsado

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews