Casriyeynta Isticmaalka Milixda God Cusbo iyo Xafiiska Caafimaadka DDSI oo Shaaciyay Ku Darida Milixda Ayo-dhiin.

altJigjiga(CakaaraNews).Waxaa maanta Hoolka Shirarka ee Sayid Maxamed Cabdule Xasan lagu qabtay munaasabad shaaca looga qaaday casriyaynta iyo ku darida Kiimikada loo yaqaan Ayo-dhiin,khayraadka cusbada ee alle ku manaystay deegaanka soomaalida itoobiya,god cusbo oo ka mida gobolka afdheer ayaa uu alle ku manaystay khayraadka dihin ee cusbada.
Munaasabadan oo ahayd Mid si heer sare ah loo soo diyaariyay ayaa ay ka soo qayb galeen Madaxweyne Ku Xigeenka DDSI Ahna ku siisimaha Madaxweynaha Mudane C/fataax Maxamuud Xasan,Masuuliyiin Heer Federaal ah iyo Masuuliyiin Sare oo Ka Mida Golaha Capinetka DDSI,Ganacsatada DDSI iyo Dhamaan Qaybaha Bulshada.
Munaasabadan ayaa uu Furay Madaxweyne ku xigeenka Ahna Kusii-simaha Xafiiska Madaxweynaha Mudane C/fataax Maxamuud Xasan,Islamarkaana Tibaaxay in Xukuumada DDSI iyo DFI ay Dadaal Xoogan ugu jiraan sidii looga Faaiidaysan lahaa,islamarkaana loo Casriyayn lahaa Khayraadka Dihin ee uu Alle ku Manaystay DDSI Sida Cusbada God-Cusbo ee ku taal Gobolka Afdheer.
Mudane C/fataax ayaa carabaabay in Milixda God-Cusbo oo aan hada ka hor looga faaiidaysan hab casriyaysan,ay wakhti xaadirkan xukuumadu u samaysay mashiino casri ah oo xaqiijiya tayo u yeelida milixda,iyadoona lagu darayo aalada kiimikaad ee ayo-dhiin.
Sidoo kale Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa carabka ku dhuftay in degmada hargeele oo ka mida gobolka afdheer laga dhisay(Sharciyeeyay) Iskaashatooyin Wadani ah oo ku hawlan Soo saarista Milixda God-Cusbo,Islamarkaana Geeya Suuqyada Dalka,taasoo Fursado Shaqo u abuuraysa Dhalinyaro Badan oo u Dhalatay Deegaanka Soomaalida.
Dhanka Kale Kusii-simaha Madaxweynaha ayaa Carabka ku adkeeyay in Xukuumada DDSI Ay Muddo dhaw ku Dhamaystiri doonto Wadada wayn ee isku xidha God-Cusbo iyo Magaalada Goday,Sidoo kalana Xukuumadu Suurto galin doonto in ay Shacabka Afdheer wada helaan Biyo Nadiif ah,islamarkaana ugu Baaqay Maalgaliyayaashu in ay ka soo qayb galaan Soo saarista iyo Suuq gaynta Milixda God Cusbo oo haatan la Casriyeeyay.
Sidoo kale waxaa munaasabadan ka Hadlay Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDSI Mudane Rashiid Cabdi Guuleed,oo iyagu ahaa Xafiiska soo diyaariyay Munaasabadan Qayb wayna ka Qaatay Casriyaynta iyo Ku Darida Ayo-dhiinta Milixda God Cusbo.
Mudane Rashiid ayaa Carabaabay In Maalintan loo Aqoonsado Shaac ka Qaadida Ku Daridda Ayo-dhiinta Milixda God-cusbo,taasoo ayuu yidhi milixda aan ayo-dhiin lagu darin ay dhibaato caafimaad daro u keento hooyada iyo koritaanka aqliga caruurta.
Ugu danbayntii ayaa uu Madaxweyne Ku Xigeenku ku gudoonsiiyay Abaalmarino Xafiisyadii iyo Hay'adihii Gacanta ka Gaystay Casriyaynta iyo ku Darida Ayo-dhiinta Milixda God Cusbo,Hirgalinta Mashruucan ayaa ay iska Kaashadeen Xafiiska Caafimaadka Dawlada Federaalka iyo Xafiiska Caafimaadka ee DDSI>


Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews