Shirwaynihii Ururka Nabada Qaatay ee ONLF oo Si Rasmi ah Uga Qabsoomay Magaalada Jigjiga.

altJigjiga(CakaaraNews).Shirwaynaha ururka nabadda qaatay ee onlf ayaa waayadanba saxaafada lagu shaacinayay, xiliga uu qabsoomi doono shirwaynaha ururka nabadda qaatay ee onlf,iyadoona loo cayimay in uu ka qabsoomo magaalada jigjiga  loona xushay in uu ku haboon yahay Shirweynuhu.
Hadaba Shirwaynihii Ururka Nabadda Qaatay Ayaa Si rasmi ah uga Qabsoomay Hoolka Shirarka ee Sayid Maxamed CAbdulle Xasan iyadoona ay Ka soo Qayb Galeen Dhamaanba Masuuliyiinta,Xubnaha iyo Taageerayaasha Ururka ONLF ee ku dhaqan Dalka iyo Dibadaba.Sidoo Kale Waxaa Shirwaynaha Ururka ka soo qayb galay Mudane C/raxmaan Sheekh Maxamed oo ah Xidhiidhiyaha Ururka iyo Dawladda.
altShirwaynahan oo Si aan Caadi ahayn Ay Xubnaha iyo Taageerayaashu u soo Buux dhaafiyeen Hoolka Shirarka ee SMCX,ayaa lagaga Hadlay Dardargalinta Waxqabadka ururka,Islamarkaana Sidii Doorka kaga aadan Horumarka,Dibucurashada,Maamulka Suuban iyo Nabadgalyada Ka Taabo Gashay DDSI uga Qayb qaadan lahaayeen.
Dhanka Kale Shirwaynahan ayaa lagu Ansaxiyay 3 Guddi oo kala ah 1-Gudiga Arimaha Gudaha ee Ururka Nabadda Qaatay ee ONLF.2-Guddiga Arimaha Dibadda Ururka iyo Gudiga Dibudejinta,Sedexdan Guddi ayaa uu Gudoomiye u sii yahay Gudoomiyaha ururka Nabadda qaatay ee ONLF Mudane Nabadoon xasan cabdi(Ilkacase)
Shirwaynahan u Qabsoomay Ururka Nabadda Qaatay ee ONLF ayaa ay Shacabweynaha Ku Dhaqan Dalka iyo Daafaha Duniduba ay aad ugu soo hambalyeeyeen Natiijadii ka soo baxday,islamarkaana ugu baaqay in Ururku uu ka Midho Dhaliyo Hindisayaashii Nabad ku Soo Dabaalida Deegaanka.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews