
Gunagado (Cakaaranews) Sidaan lawada socono madaxwaynaha oo looga bartay inuu socdaalo dhulka ah kusoo bixiyo degmooyin iyo tuulooyin badan oo deegaanka kamida si uu usoo ogaado xaalada dhabta ah ee ay kusugan yihiin shacabka deegaanku islamarkaana aan socdaaladiisii hore ee uu deegaanka kusoo marayay aan kasoo qaadan karno, socdaalkii gobolka godey,socdaalkii gobalka jigjiga, gobolka shiniile, gobolka fiiq iyo meelo kale oo badan iyo waliba gobalo kale oo badan oo u qorshaysan inuu soo wada maro.
Haddaba iyadoo ay arintaas cidkastaa ogtahay inay noqotay qodob cusub oo uu madaxwayne cabdi maxamuud cumar kusoo biiriyay xukuumada deegaanka ayaa wuxuu wakhtixaadirkan socdaalo kusoo kalabixinayaa oo uu ku jiraa degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaada gobolka dhagaxbuur waxaana la ogsoonyahay inuu durba maray meelo badan oo ay kamid tahay dhagaxbuur, birqod, gosolalay, bulaale iyo gunagado, wakhtixaadirkana uu kusugan yahay degmada gunagado.
Sidoo kale Madaxwaynaha oo looga bartay cadcadaan iyo shacab jacayl dheeri ah oo uu shacabkiisa jecelyahay inuu marwalba agjoogo oo uu laxaajoodo ayaa waxaa kale oo socdaaladaas udheer inuu commitment u galay inuu kadib markuu maalinimada ujeedada socdaalkiisa dhamaysto inuu meel walba oo uu habeenkaa u hoyanayo uu kasoo galo webka caanka ah ee paltalk oo ah mid ay qurbajoogda deegaanku aad u isticmaalaan isagoo habeenkii xalay ahaa soo galay qolka DDSI ee paltak halkaasna uu kula kulmay qurbajoog aad u tiro badan iyadoo uu qolku buux dhaafay aadna ay dadka qaar ugu adkaatay xitaa soo galida qolka maadaama uu qolku buux dhaafay.
Wuxuuna madaxwaynuhu halkaas kasoo jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa wuxuuna qurbajoogtii khudbadiisa dhagaysanaysay oo run ahaantii aad dhagta ugu dhigayay uu madaxwaynuhu warbixin qiimo badan oo dhamaystiran kasiiyay xaalada uu maanta deegaanku marayo iyo isbadalada taamka ah ee maanta deegaanka ka hanaqaaday hadii ay noqoto dhanka horumarka iyo haddii ay noqoto dhanka xasiloonida amniga labadaba.
Sidoo kale qurbajoogtii qolkaas ku jirtay ayaa fursad loosiiyay inay wixii ay madaxwaynaha su'aalo u qabaan inay soo dhigtaan oo ay sitoosa iyadoo lawada dhagaysanayo uwaydiiyaan halkaasna su'aalo badan oo wax ku ool ah dadkii qolka ku jirayna uwada faa'iideeyay ayaa lagu waydiiyay wuxuuna madaxwaynuhu su'aalahaas uga wada jawaabay si aad loogu wada qancay aadna ay ugu farxeen qurbajoogtii halkaas ku sugnayd, ugudanbayntiina wuxuu kulankaasi ku dhamaaday farxad iyo jawi wanaagsan.
Haddaba qurbajoogta kasoo jeeda gobolka dhagaxbuur gaar ahaan meelaha uu hadda madaxwaynuhu maray iyo meelaha uu kusii socdaba ayaa waxay nasoo gaadhsiiyeen emailo aad u fara badan oo aanaan halkan magacyadooda kusoo wada koobi karin, iyadoo ay qurbajoogtani emailadan nagasoogaadhsiiyeen meelo badan oo yurub, maraykanka, carabaha, south afrika iyo kenya ah.
Waraaqahan faraha badan ee ay qurbajoogtu nasoo gaadhsiisay ayaa u badan farxad ay ku faraxsanyihiin socdaalka madaxwaynaha ee degmooyinka ay kasoo jeedaan iyagoo aad ugu dheeraaday farxada ay socdaalkaas ku faraxsan yihiin iyagoo leh waxaan aaminsanahay in dhamaan meesha uu madaxwaynuhu maro oo dhan uu ka caawin doono dhamaan wixii ay in laga caawiyo ay u baahanyihiin shacabkaasi, taasina ay tahay nasiib wanaag ay shacabkaasi heleen.
Dhanka kale waraaqahaas ayaa ay kamid yihiin emailo badan oo taageero ah oo ay ku taageerayaan guud ahaan xukuumada deegaanka iyo tan wadankaba iyagoo leh wuxuu madaxwaynuhu nadareensiiyay oo uu nagu abuuray dareen wadaninimo, wuxuuna nagu dhiiri galiyay inaanu soo booqano magaalooyinkii aanu mudada dheer kasoo maqnayn waxayna aad ugu wada dheeraadeen taageerada ay lagarab taagan yihiin xukuumada deegaanka iyo xisbiga dimuqraadiga shacbiga soomaalida itoobiya oo ay cadeeyeen inuu madaxwayne cabdi horseed u yahay taageeradooda....
CUDURDAARASHO
waxaan ka cudurdaaranaynaa waraaqaha oo aad u badna awgeed inayna noosuurto galin inaanu dhamaan magacyadiina soo wada daabacno aad ayaanad ugu mahadsantihiin wakhtiga aad u uhurteen inaad nasoo gaadhsiisaan....