Sanad guuradii 1 aad ee dugsiga hoyga caruurta ay uBO waalid tirtay oo si heer sare ah looxusay.

Jigjiga (Cakaaranews) Sida lala wada socdo xukuumada deegaanka soomaalida itoobiya oo kaduulaysa ugurmadka caruurta yar yar ee ay UBO waalid tireen ayaa waxay hada kahor xukuumadu hirgalisay dhowr dugsi oo ah kuwa hoyga ah looguna tallo galay caruurta ay Nabadiidka UBO waalid tireen, maadama ay lagama maarmaana noqotay inay xukuumadu u gurmato caruurtaas.

Haddaba xukuumada oo run ahaantii kaduulaysa gacanqabashada caruurtaas agoonta ah ayaa waxaa dugsiyo hoy ah laga hirgaliyay dhowr meelood oo ay kamid yihiin, gobolka fiq, jigjiga iyo shaygoosh, islamarkaana waxaa dugsiyadaas ku xaraysan arday aad u tiro badan oo halkaas wax kabarta una hoyda halkaasna ka cunteeya maadaama loogu tallo galay inay waxay u baahanyihiin oo dhan ka helaan dugsiga si ay waxbarashadooda u dhamaystaan mustaqbal fiicana u yeeshaan arintaasina waa mid kamida dadaalada ay xukuumadu ugu jirto horumarinta shacabka iyo deegaankaba.

Haddaba dugsiga hoyga caruurta ay ubo waalid tireen ee ku yaala magaalada jigjiga ayaa waxaa si heer sare ah aadna loosoo abaabulay lagu xusan sanad guuradii koobaad ee kasoo wareegta maalinkii dugsigan la hirgaliyay waxaana dugsigan ku xaraysan oo wax ka barta caruur agoon ah oo aad utiro badan dhamaantoodna waxay halkaas ka helaan dhamaan adeegii ay ubaahnaayeen haday noqoto xag nolosha iyo haday noqoto xaga waxbarashada labadaba.
Xafladaas ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuul sar sare oo ay kamid yihiin, Hogaanka nabadgalyada iyo maamulka cadaalada Mudane C/laahi Yuusuf Weerar, Wasiirada Xafiiska Dhalinyarada, haweenka iyo caruurta Marwo Raxma, Wasiirka Xafiiska waxbarashada Dr. C/qaadir, Wasiirka Caafimaadka Dr. Rashiid iyo Masuuliyiin kale oo badan.

iyadoo ay halkaas masuuliyiin badani khudbado kasoo kala jeediyeen ayaa waxaa sidoo kale khudbad aad u dheer halkaas kasoo jeediyay oo caruurta agoonta ah aad u lahadlay hogaanka nabadgalyada deegaanka oo caruurta u cadeeyay inay xukuumadu marwalba diyaar u la tahay wixii hiil iyo hooba ah iyagana looga baahanyahay inay xooga saaraan oo ay ku dadaalaan sidii ay waxbarashada uga sal gaadhi lahaayeen sifiicana wax ugu baranlahaayeen si ay qoysaska ay kasoo jeedaan dib wax ugu taraan guud ahaana markay waxbarashadooda dhamaystaan ay deegaanka wax ugu tari lahaayeen caruurta iyagoo kale ahna uga gurman lahaayeen inayna dhibaatada iyaga ku dhacday marlabaa ku dhicin.

waxaa sidoo kale halkaas khudbado kasoo jeediyay masuuliyiin kale oo badan sidoo kale waxaa khudbad dheer oo ka hadlaysa aas aaskii dugsigan iyo xaalada guud ee dugsiga halkaas kasoo jeediyay maareeyaha dugsiga oo aad uga faalooday heerka uu dugsigu maanta marayo iyo isbadalka uu ka keenay dhanka waxbarida caruuta oo maanta noqotay mid aad loogu wada diirsaday qaabka ay durba wax u barteen iyo isbadalka caruurtan muuqaal ahaan iyo mooraal ahaanba maanta ka muuqda.


Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews