Tababar ku Saabsan Miisaamida Adeeg-Bixinta(Blanced Scord Card) ee Xafiisyada DDSI ee Laga Dhaqan Galiyay Barnaamijka Bprka Ayaa Loo Qabtay Madaxda Xafiisyada Xukuumadda.

altJigjigaWaxaynu wada ogsoonahay in hada ka hor DDSI laga hirgaliyay Barnaamijka Dibu-habaynta Shaqada iyo Shaqaalaha si loo Tayeeyo adeeg-bixinta Shaqaalaha Afka Qalaadna lagu yidhaahdo(Business Process Re-engineering).
Hadaba si loo miisaamo adeeg-bixinta xafiisyada xukuumada ee laga dhaqan galiyay Nidaamka BPR ayaa uu xafiiska guud ee kobcinta awooda iyo tayada DDSI uu tababar 2 cisho ah ugu qabtay dhamaanba madaxda xafiisyada DDSI hoolka shirarrka ee isla xafiiska.
Tababarkan oo ay bixinayaan macalimiin heer federaal ah ayaa daba socda barnaamijkii dibuhabaynta adeeg-bixinta shaqaalaha BPR ee hore looga dhaqan galiyay xafiisyada xukuumada,si loo miisaamo habkuu u dhaqan galay(Blanced Scord Card)
Sidoo kale Tababarkan Lagu Miisaamayo Adeeg-bixinta Tooboon ee Xafiisyada DDSI ayaa iyana Todobaadka Danbe la siin doona Dhamaanba Agaasimayaasha Xafiisyada Muddo 6 Cisho ah.
mar wariyaha cakaara oo ku sugnaa goobta tababarka lagu bixinayay uu wax ka waydiiyay ujeeda tababarkan,ayaa uu wasiirka xafiiska guud ee kobcinta tayada iyo awooda DDSI mudane maxamed faatax uu tibaaxay in tabarkan looga gol leeyahay in lagu  miisaamo isbedelka ku yimid adeeg-bixinta xafiisyada laga dhaqan galiyay nidaamka BPRka.
sidoo kalana yidhi waxaa la isbarbar dhigayaa nidaamkii hore ee laga guuray iyo nidaamka cusub ee la dhaqan galiyay,iyadoona ay casharada bixinayaan ayuu yidhi macalimiin ka socota xafiiska dhigayaga ah ee federaalka.


Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews