Jigjiga(CakaaraNews).Jaamacada jigjiga ayaa qabatay bandhig ay ku soo bandhigayeen daraasaad ay ku sameeyeen,waxyaabaha ugu waawayn ee saamaynta ku leh waxbarashada gabdhaha iyo xoolo-dhaqatada DDSI.
Dood-cilmiyeedkan ayaa ay ka soo qayb galeen masuuliyiinta jaamacada,macalimiinta iyo waliba macalimiintii daraasaadkan ka soo samaysay Qaar ka mida Ardayda Jaamacadda Jigjiga Wax ka barata,Masuuliyiin ka socotay Xafiisyo kala duduwan iyo Madaxda Kuliyadaha.
Furitaankii Dood-Cilmiyeedkan ayaa uu furay Ku xigeenka Jaamacadda Jigjiga Mudane Siciid Maxamed Cali,Isagoona Tibaaxay Sababihii ku dhaliyay In ay sameeyaan Daraasaadkan oo ahayd ayuu Yidhi,Muhiimada ay leedahay in la Ogaado Sababta Gabdhaha Ardayda Ahi badaana uga hadhaan Dugsiyada iyo Jaamacadahaba(Student Girls Drop-Out).
Dood cilmiyeedkan lagu soo bandhigayay asbaabaha ugu waawayn ee kalifa in ay gabdhaha ardayda ahi dhexda uga hadhaan waxbarashada oo ay sii wadan kari waayaan,ayaa ay Soo Bandhigeen Qoraal Qabyo ah oo Ay Qaar ka mida Macalimiinta Jaamacadda Jigjiga Daraasaadkii ay ku soo sameeyeen Xog Arurinta 70 Gabdhood,280 Wiil,150 Macalin,300 oo ah waalid iyo 70 Khabiiro ah.
Sidoo kale Soo bandhiga Daraasaadka Asbaabaha Kalifa in ay Gabdhuhu Waxbarashada ka hadhaan ayaa ay ka mid ahaayeen Guurka Degdega ah(Early Marriage),Waalidka oo Aalaaba Gabdhaha ka hor istaaga Waxbarashada,Aragtida Duugoowday ee Gabdhaha Kolay Dhari baad Karin doontaa iyo waxyaabo kalaba.
Dhanka kale Daraasaadkan oo ah Tuducdii 2aad ee lagu Sameeyo Sababaha Kalifa in ay Gabdhuhu waxbarashada Dhexda ku joojiyaan,ayaa ah Weli Qabyo oo aan laga sal-gaadhin Dhamaystirkiisii.Sidoo kalana Waxaa barbar socda Sidii looga Gaadhi lahaa Xal sidii ay Gabdhuhu u sii wadan lahaayeen Waxbarashadooda,loogana Gudbi lahaa Caqabadaha Haysta Gabdhaha.
Samaynta iyo Suurto-galinta Daraasaadkan ayaa ay iska kaashadeeb xafiiska waxbarashada DDSI iyo jaamacadda jigjiga.