Gabagabo (Cakaaranews) Sidaad horay ula wada socoteen waxaa socdaal qoto dheer oo loogumagac daray UBO-QUUSIS kujira madaxwaynaha deegaanka iyo
wafti uu hogaaminayo waxayna socdaaladaas ku marayaan degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaada gobolka dhagaxbuur.
Haddaba iyadoo lala socday inuu maalinkii shalay ahaa kusugnaa degmada gunagada oo uu halkaas ku qabtay shir aad u qiimo badnaa taariikhdana galay sidoo kalana uu xalay kusugnaa isla degmadaas gunagado ayaa waxa uu saaka aroornimadii ukicitamay dhanka tuulada balisareedo waxaana halkaas si aad u heer saraysa ugu soo dhaweeyay shacabka kudhaqan tuulada balisareedo oo run ahaantii si aan caadi ahayn usoo dhaweeyay madaxwaynaha iyo waftigii balaadhnaa ee wehelinayay iyagoo caleemo qoyan watay halkaasna kusoo bandhigayay ciyaaro dhaqameed kala duduwanaa oo isugu jiray dhaantooyin, gabayo iyo dumarka oo gooni u buraaburayay.
Haddaba madaxwaynaha iyo waftigii balaadhnaa ee uu horkacayay ayaa halkaas kula kulmay shacabka tuuladaas ku dhaqan qaybihiisa kala duwan waxaana halkaas ka dhacay shir aad u balaadhan oo ay udhanaayeen dhamaan shacabka bali sareedo yar iyo ciroolaba iyagoo shacabku aad u baaxad waynaa waxaana halkaas khudbad dheer oo dhaxal gal ah kasoo jeediyay madaxwaynaha deegaanka mudane cabdi maxamuud khudbadaas oo ahayd mid aad u dheer dhinacyo badana taabanaysa, waxaa sidoo kale goobtaas ka hadlay odayaal dhaqameedka , waxgaradka iyo culimaa'udiinka tuulada bali sareedo.
Sidoo kale waxaana iyana meesha aana ka maqnayn Abwaanka abwaanada macalin qadhyaan dhoodaan oo waftigaas madaxwaynaha ku wehelinaya goob walba oo uu madaxwaynuhu ka khudbadeeyana kasoo jeedinayay gabayo iyo hadalo aad u cilmiyaysan isagoo hadal hays ka dhigtay anigoo da'daasa waxaan aagan u wareegayaa baadi goobka UBO.


Intaa kadib madaxwaynaha iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa u kicitamay dhanka faramadaw waxaana halkaas loogu soo dhaweeyay si aad u heer saraysa oo ay run ahaantii waftigii uu madaxwaynuhu hogaaminayay aad iyo aad ugu farxeen qofwalba oo daawada filinka aan dib kasoo tabin doonana uu indhihiisa ku arki doono baaxada shacabka usoo baxay soo dhawayn madaxwaynaha iyadoo shacabkaas farxadii ka muuqatay ay ahayd mid qofka daawada uu aad ula dhici doono aadna u qiiro galindoona, waxayna shacabka oo aad runtii u tiro badnaa ay halkaas ku soo bandhigayeen ciyaaro dhaqameed kala duduwan, soodhawayntaa kadib waxaa faramadaw ka dhacay shir aad u waynaa oo ay ku kulmeen madaxwaynaha iyo shacabka faramadaw shirkaas oo ahaa mid si aada loogu wada xaajooday aadna loogu bogay kuna dhamaaday jawo farxadeed oo aad u wanaagsan, waxaana sidoo kale meel walba oo uu madaxwaynuhu maro shacabka kudhaqan loogu qaybinayay mucaawimo farabadan oo kala duduwan isugna jirta raashinka noocyihiisa kala duwan iyo qalab dheeri ah.
Intaa kadib madaxwaynaha iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa usii gudbay gabagabo oo wakhtixaadirkan halkaas ku sugan si aad u heersaraysana loogu soo dhaweeyay iyadoo ay ilaa wakhtixaadirkan aan ku jirno ay ciyaaraha dhaantooyinka ee soo dhawaynta ahaa ay wali kasocdaan gabagabo.
Wixii faahfaain ah ee kasoo kordha socdaaladan iyo joogitaanka madaxwaynaha ee gabagabo dib ayaan idiinkasoo tabin doonaa ..
Waxaad dib kala socondoontaan documentry film aad u qiimo badan oo ay bahda cakaaranews idiinkasoo diyaarin doonto socdaalada madaxwaynaha ee gobolka dhagaxbuur insha allah...
