Luis Suarez Ayaa La Dul Dhigay Ganaax Culus Markii Lagu Helay Cunsuriyad Uu Kula Kacay Patrice Evra.

altCakaaraSport News.Weeraryahanka ay ku xisaabtamaan kooxda Liverpool Luis Suarez ayaa la dul dhigay ganaax aad u culus,

kadib markii ay maxkamad ku heshay danbi ah cunsuriyad uu kula kacay Difaaca madow ee Manchester United Patrice Evra. waxa ayna jawaabteedii noqotay ganaax dhan 8 kulan uu banaanka ka fiirsado iyo lacag gaareysa 40 kun oo lacagta Ingiriiska ah.

Dhacdadan ayaa ka danbeysay kadib kulankii ay labada kooxood ee is neceb Liverpool iyo Manchester United ku wada ciyaareen garoonka Anfield ee magaalada Liverpool taariikhdu markii ay ahayd 15kii Oktobar 2011ka, waxaana labadan ciyaariyahan dhex maray fara isku taag iyo hadalo uu aad uga xumaaday Evra.

Evra ayaa dacwad ku oogay laacibkan reer Uruguay waxaana muddo qaatay baaritaanadii socday ilaa ay maanta soo baxdo jawaabtii la sugayay oo noqotay ganaaxaa la saaray Suarez oo culeys weyn u keeni doona kooxdiisa Liverpool ka maqnaashihiisa 8da kulan.

Waxaa laga war sugayaa qareenada Suarez oo la filayo inay rafcaan ka qaataan, waxaase dhibku ka taaganyahay shabada la saaray xidigan ee ah inuu yahay cunsuri, taas oo wax badan ka badali doonta sawirkii laga haystay markii uu imaanayay Ingiriiska oo uu muddo yar ku kasbaday taageerayaal aad u fara badan oo reer Liverpool ah.

Ma aha markii ugu horeysay ee uu xidigani qalalaase la kulmo, waxaa loo ganaaxay dhag uu ka qaniinay ciyaariyahan kasoo hor jeeda xilligii uu ka tirsanaa kooxda Ajax ee dalka Holland, sidoo kale waa ninkii qaarada Afrika gaar ahaan dalka Ghana u aqoonsaday horumarkii koobka aduunka, markii uu kubad gacan uga soo saaray goolka.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews