Jigjiga (Cakaaranews) Sidaad horay ula socoteen waxaa maalinkii shalay ahaa degmada cusub ee araarso soo gaadhay waftigii balaadhnaa ee uu madaxwaynuhu horkacayay oo habeenkii xalay ahaa degmadaas ku sugnaa.
Haddaba waftiga oo hawlgalkiisii socdaal ee lamagac baxay UBO-QUUSIS halkii kasii wata ayaa saaka shir aad u wayn layeeshay shacabka degmada araarso waxaana shirkaas kasoo qaybgalay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada kudhaqan araarso oo isugu jira odayaal dhaqameedyo, culimaa'udiin, haween, dhalinyaro iyo ardayba waxaana shirkaas khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa kasoo jeediyay madaxwaynaha deegaanka mudane cabdi maxamuud cumar oo shacabka aad ugu booriyay inay kaqayb qaataan dadaalka ay xukuumadu ugu jirto guud ahaan horumarka deegaanka ka hanaqaaday iyo xasiloonida nabadgalyada oo ay sidii madaxwaynuhu sheegay ree araarso aad ugu wanaagsanyihiin ilaalinta nabagalyada degmadooda guula waawayna hadda ka hor soo hooyeen taasina ay tahay mid aad loogu wada diirsaday dal iyo dibadba.
Sidoo kale waxaa shirkaas ka hadlay waxgaradka degmada cusub ee araarso oo dhinacooda kacadeeyay inay marwalba iyo wakhti walba taageero buuxda lagarab taaganyihiin xukuumada deegaanka ee uu hormuudka ka yahay Madaxwayne Cabdi maxamuud cumar aadna ay ugu qanacsanyihiin qaabka ay xukuumadu u wado hawlaha shacabka looqabanayo iyo dadaalka horumarineed ee maanta ka hanaqaaday degmada cusub ee araarso iyagoo sheegay inay iyagoo degmonimadii aad ugu faraxsanaa hadana ay ugu biirtay horumar xawli ah oo dhanka biyaha iyo dhinac walba ah in looga hirgaliyo degmada araarso.
Haddaba iyadoo uu shirkaasi kusoo gabagaboobay guul iyo jawi farxadeed oo aad u wanaagsan ayaa waxa uu waftigii uu madaxwaynuhu hogaaminayay usoo kacay dhanka magaalada jigjiga waxa uuna waftigu dhexda kusoo maray Degmada Q/bayax oo loogu soo dhaweeyay si heer sare ah aadna loogu soo wada baxay soodhawaynta waftiga maadaama ay bulshada degmada qabribayax waayadanba sugayeen una jeelanaayeen soodhawaynta waftiga balaadhan ee uu madaxwaynuhu horkacayo.
Intaa kadib waxa uu waftigii si rasmi ah maanta usoo gaadhay magaala madaxda deegaanka ee caasimada jigjiga halkaas oo uu waftigu wakhtixaadirkan kusguan yahay.
Dhanka kale maalmo kadib ayaa lasugayaa in laguda galo wajigii sadexaad ee wareegan lamagac baxay ubo quusis oo uu madaxwaynaha iyo wafti uu horkacayo ay kusoo mari doonaa gobolo, degmooyin iyo tuulooyin aad u badan oo kale, maadaama ay lagama maarmaan tahay in laga midho dhaliyo qorshaha xukuumada ee kuwajahan horumarinta shacabka iyo deegaankaba, socdaalkana uu qayb libaax ka qaadanayo inay xukuumadu ogaato xaaladaha dhabta ah ee ay shacabku kusganyihiin iyo xalinta dhamaan waxyaabaha in laxaliyo ubaahan.
Wixii faahfaahin ah ee kasoo kordha dib ayaan idiinkasoo tabin doonaa .

