Minneapolis(CakaaraNews).Hogaaminta Ururka Dhalinyarada SEDYO ee Fadhigoodu yahay Cariga Maraykanka,Gaar ahaan Magaalada Minniapolis ayaa Shabakada CakaaraNews u soo Diray e-mail ay ku soo Asteeyeen Qoraal aad u Qurux badan oo ay Hambalyo iyo Bogaadin ugu Soo direen Socdaalkii 2aad ee Taariikhiga ahaa looguna Magac daray UBO-QUUSIS,ee uu Horkacayay Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar.
Ururka Dhalinyarada wadaniyiinta ah ee Sedyo ayaa Door Muhiima ku lahaa Daah-furkii Qurbajoogta,islamarkaana Kaalin laxaad leh ka Qaatay Soo dhawayntii Waftigii uu Madaxweynuhu Hogaaminayay ee Booqashada ku tagay Cariga Maraykanka.
SEDYO ayaa Baal Dahab ah kaga Jirtaa Ubucda DDSI iyo Shacabweynaha ku Dhaqan 9ka Gobol iyo 67da Degmo ee uu ka kooban yaqhay DDSI,Waana Mida ay ku Leeyihiin Cariga Maraykanka ee ay Caanka ku yihiin Samo wadayaasha Horumarka iyo Nabadgalyada.
Hadaba Nuxur-Qoraalkayaga Ayaa ku wajahan e-mail aanu ka helnay Ururka Wadaniyiinta ah ee Dhalinyarada SEDYO,oo Tibaaxayay Sida Dhalinyarada SEDYO ay ula Dhacsan yihiin Socdaalkii 2aad ee UBO-QUUSIS ee Waftigii uu Horkacayay Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ku soo Maray 3da Gobolee Dh/buur,Qoraxeey iyo Wardheer.
Ururka SEDYO,ayaa ku Tilmaamay Socdaalkii UBO-QUUSIS waa cusub oo u beryay Guud ahaan DDSI,gaar ahaana shacabka DDSI taasoo ciidamada geesiyiinta ah ee liyuu-police ay ka dul qaadeen Heeryadii waxashnimo ee Qawlaysatada Gabalkeedii dhacay ee UBO ee ay shacabku kaloa kulmi jireen.
Dhanka Kale Ururka Dhalinyarada SEDYO ayaa u soo jeediyay Dhamaanba Qurbajoogta ka soo kala jeeda 9ka Gobol ee uu ka kooban yahay Deegaanka Soomaalida Itoobiya,in ay Gacmaha Is Qabsadaan islamarkaana u Midoobaan sidii looga Midho dhalin lahaa Horumarka iyo Nabadgalyada ka Taabo Gashay DDSI,Door firfircoona laga Qaato Maalgashiga Horumarineed ee Deegaanka.
Isku Soo Wada duuboo hambalyadan Taageerada ah ee ka timid ururka wadaniyiinta dhalinyarada SEDYO ayuu uu noo soo gudbiyeen Gudoomiyaha Ururka Maxamed Shariif,Ku-xigeenka iyo Xoghayaha Ururka.