Hogaaminta Sar Sare ee Ururka Sewd Foundation oo Casho Sharaf Ku Qabsaday Hotel Hilton(Minneapolis)

Minneapolis(CakaaraNews).Ururka SEWD Foundation Ayaa Ah Urur Sharci ah oo dhawaan ka aasaasmay Cariga Maraykanka,islamarkaana Xidhiidh wanaagsan la leh Dawlada Deegaanka Soomaalida itoobiya iyo shacabka Deegaankaba,taasoo ururkani uu Doorbiday in uu Gargaar u fidiyo Caruuraha Agoonta ah ee ay Waalidtireen Nabad-diidka UBO ee ku kala xaraysan Boarding Schoolska Jigjiga iyo Fiiq.

Hadaba Golaha sare ee urarka SEWD foundation ayaa casho-sharaf ay Ku qabsadeen Hotel Hilton oo ku yaala Magaalada Minneapolis ee Cariga Maraykanka,ayaa kaga wada hadlay Wixii u qabsoomay Qorshayaashii Ururka Sewd,islamarkaana Warbixin kaga Qaadanayay Wafti Dhawaan ururku uu u Diray Dalka Canada wixii u soo qabsoomay.

Waftiga ka Soo Noqday Dalka Canada oo ay Hogaaminaysay Marwo Khadra Cali Xaydar ayaa Hawlo badan ka Soo Qabtay Canada,taasooy Wacyigalin ku soo sameeyeen Qurbajoogta Ku Dhaqan Canada ayna ugu baaqayeen in ay Deegaankooda Maalgashadaan,islamarkaana Caawiyaan Caruuraha Agoonta ah ee ku Dhaqan DDSI.

Marwo Khadra ayaa Warbixintii ay u soo Gudbinaysay Golaha Sare ee Ururka SEWD Foundation,ku qeexday in Guud ahaanba Hawlgalkii Shaqo ee ay ugu kicitimeen Cariga Canada lagu guulaystay,ifafaalo Fiicana ka Muuqdo.

Dhanka Kale gudoomiyaha Ururka SEWD Foundation iyo Ku-xigeenka Marwo Fozia iyo Canab Cali,ayaa si xeel-dheer uga faalooday Qorshayaasha Ururka ee ku wajahan Wacyigalinta Qurbajoogta dhanka Gargaarka Shacabka DDSI iyo Qorshayaasha Adeeg-bixineed ee ku Astaysan Qorshayaasha Ururka Sewd Foundation,Taasooy Asaas u Tahay ayay yidhaahdeen,sidii loo gacan qaban lahaa caruurta agoonta ah ee ay waalidtireen waxmagarada UBO.

Dhanka kale marwo fozia iyo marwo Canab Cali, ayaa Carabaabay in Dhawaan Ururku u Diyaargaroobi Doono Barnaamij loogu talo galay in Ururku ku Caawiyo Dhalinta yar-yar ee Agoonta ah,islamarkaasna ku xaraysan Dugsiyada Waxbarashada iyo Hooyga ee Magaalooyinka Jigjiga iyo Fiiq. 

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews