Documentry Filinkii Socdaalkii UBO-QUUSIS oo todobaad gudihii lagusoo bandhigayo iyo wareegii sadexaad ee socdaalka oo loodiyaargaroobayo.

Jigjiga (Cakaaranews) Dhamaan Dadka Jecel Nabada Deegaanka iyo Qurbajoogta deegaanka iyo waliba guud ahaan shacabka deegaanka waxaa loogu bishaaraynayaa in uu gabogabo yahay diyaarintii Documentry filinkii laga diyaarinayay socdaalkii Madaxwaynaha ee lamagac baxay UBO-QUUSIS.

Documentry filinkan oo ah run ahaantii mid wax loodhigaa aysan jirin ama laguqiyaasaa islamarkaana qofwalboo indhihiisa kudaawadaa uu si aana inaba caadi ahayn uladhicidoono una garawsan doono ayaa waxaa diyaarintiisii laga bilaabay maalinkii uu socdaalku bilaabmay ilaa maalintii uu dhamaaday iyadoo meelwalba oo uu waftigu maro iyo talaabo walba oo uu qaado iyo muwaadinwalba oo uu waftigu socdaalka wadada kula kulmaba laga duubayay cajalad, habayaraatee wax socdaalkaas kujiray ama kusoo qabsoomay oo aana laduubina uusan jirin ayaa guud ahaan waxaa socdaalkan laga soo duubay cajalado kor udhaafaya 160 cajaladood maadaama saacad walba iyo marwalba oo uu waftigu hawlqabtaba lagaduubayay taasina waxay suuro galisay in uu socdaalkaas qaaliga ahaa ee UBO-QUUSIS uu kasoo baxo ama laga diyaariyo Video Documentry Film uusan wax loodhigaa jirin islamarkaana qofwalboo daawadaa uu min bilaw ilaa dhamaad waxqabadkii iyo faa'iidadii socdaalkaas indhihiisa kaga bogan doono.

Haddaba maadaama ay cajaladuhu aad u badnaayeen waxaa ilaa hadda lagu hawlan yahay iskuhabaynta iyo iskuduba ridka filinkaas waxaana lagu gabagabaynayaa laguna soo bandhigidoonaa mudo todobaad gudaheed ah, qaabka loodiyaarinayaana wuxuu noqon doonaa in filin kooban hadda laga diyaariyo warbaahintana lagusoo bandhigo maadaama uu aad u balaadhan yahay barnaamijku islamarkaana waxaa barnaamijka oo aad u faahfaahsan sibuuxdana loodhamaystiray lagu qaybin doonaa cajaladaha DVD ga waxaana cajaladahaas hadyad ahaan loogu qaybin doonaa dhamaan jaaliyaadka qurbajoogta u dhalatay deegaanka ee nabada deegaanka jecel kuna kala sugan dunida daafaheeda, taasina waxay suuro galinaysaa in qofwalba oo qurbajoog ahi meesha uu joogo uu ku helidoono filinkan oo faahfaahsan oo dhamaystiran.

Socdaalkan oo sidaad horay ulasocoteen ahaa mid ay dhamaan shacabka deegaanka iyo qurbajoogtuba aad iyo aad ugu bogeen aadna ula dheceen islamarkaana ahaa socdaal loogu tallo galay ama ku wajahnaa ogaanshaha xaalada guud ee dhabta ah ee shacabka deegaanka si uu madaxwaynuhu indhihiisa ugu soo ogaado xaalada ay shacabku kusugan yihiin tuulo walbana shacabka ku dhaqan ula xaajoodo ugana dhagaysto waxyaabaha ay xukuumada uga baahanyihiin iyo wixii ay tallo ahaan useejeedinayaanba ayaa waxaa sidoo kale iyana aana filinkan qiimaha badan ka maqnayn oo aad indhihiina kaga bogan doontaan dhamaan dhulkii lamarayay juqraafi ahaan sida uu yahay, qaab nololeedkiisu sida ay tahay, quruxda deegaanka inta ay le'egtahay iyo mida ugu muhiimsan oo ah xaalada nabadgalyada deegaanku meesha ay kusugan tahay iyo waliba dhibaatooyinka iyo tacadiga xad dhaafka ah ee ay budhcada UBO hadhaaga wali dhuumaalaysiga kaga sii nooli ay shacabka soogaadhsiiyeen.

FB. Waxaa hubaala oo xaqiiqa ah laba calina aysan iswaydiinayn in filinkani markuu dhamaado ee lasoo bandhigo dunida daafaheedana laga daalacdo in lawaayi doono meel alaale meel ay ku danbeeyeen ama cagdhigeen Hadhaaga yar ee budhcada UBO dal iyo dibadba maadaama uu filinkani yahay mid qofwalba oo caqli iyo garaad lihi uu ku dareemi doono kagana bogan doono xaaladaha dhabta ah ee ay shacabka iyo deegaankuba kusugan yihiin.

Dhanka kale waxaa wakhtixaadirkan diyaar garaw loogu jiraa wareegii sadexaad ee socdaalkan lamagac baxay UBO-QUUSIS oo lagusoo mari doono tuulooyin iyo degmooyin aad u badan oo kale islamarkaana isbadal dhan walba ah ka keeni doona dhamaan goobaha uu socdaalkaasi gaadhidoono oo dhan.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews