
Cakaaranews (Faalo) Waxaa lawada ogsoonyahay in uu Maalmo ka hor soo gabagaboobay socdaalkii uu kujiray waftigii balaadhnaa ee uu madaxwaynuhu horkacayay Lana magac baxay UBO-QUUSIS, Socdaalkaas oo ahaa mid uu waftigu kusoo marayay tuulooyin iyo degmooyin aad u tiro badan oo kala hoosyimaada sadexda gobol ee kala ah gobolka Dhagaxbuur, Qoraxay iyo wardheer halkaas oo ay madaxwaynaha iyo shacabka ku dhaqan tuulo walba oo uu waftigu marayay ay kuyeelanayeen wadaxaajood lagaga hadlayay dhinacyo badan oo isugu jira horumarka deegaanka maanta ka hana qaaday iyo nabagalyada deegaanka.
Sidoo kale waxaa socdaalka waftiga kuwehelinayay kooxo dhakhaatiir ah kana kala socday xafiiska caafimaadka ee heer deegaan iyo xafiiska beeraha iyo xoolaha ee heer deegaan waxayna iyagoo waftiga lasocday dhinacooda ka wadeen dadaal aad u xoogan oo uu madaxwaynuhu horseed u ahaa kaas oo meel walba oo uu waftigu maro lagu baadhayay caafimaadka dadka laguna daawaynayay islamarkaana daawooyin kala duduwan loogu qaybinayay halkaas Sidoo kalana waxaa goobahaas oo dhan lagu daawaynayay xoolaha ay shacabkaasi dhaqdaan oo ay daawaynayeen khabiiradii kasocday xafiiska beeraha iyo xoolaha ee heer deegaan.
Dhanka kale waxaa waftiga lasocday raashin mucaawimo ah oo kala duduwan looguna tallo galay in shacabka deegaanka lagu caawiyo iyadoo meel walba oo ay waftigu maraan ama ay ku hakadaanba shacabka loogu dajinayay raashinkaas intii kaga soo hagaagi lahayd waxaana lama ilaawaana oo in laxuso mudan in ay Xooga ciidanka gaarka ah ee deegaanka liyuu boolisku ay tunkooda kudajinayeen raashinkii shacabka loogu tallo galay iyagoo marwalba ukala baratamayay diyaarna u ahaa sidii ay raashinkaas shacabka ugu dajin lahaayeen.
Haddaba Marka aan eegno faa'iidooyinkii iyo guulihii wax ku oolka ahaa ee kasoo baxay socdaalkaas waxaan soo qaadan karnaa mida koobaad oo ahayd tii ugu muhiimsanayd ee socdaalkan kasoo baxda taasina waa Madaxwaynaha oo ah meeshii xukuumada ugu saraysay iyo shacabkii ku dhaqnaa tuulooyinkaas miyiga ah oo fool ka fool isu horfadhiistay una wada hadlay iyadoo qofwalba oo waxbartay uu dareemi karo ama qiyaasi karo faa'iidada halkaas kadhalatay inta ay le'egtahay maadaama ka dawlad ahaana ay dawlada xogta dhabta ah ee ay shacabkeedu kusugan yihiin heshay wixii ay tabanayaana kadhagaysatay wixii tallo ahaanana ka qaadatay sidoo kalana ka shacab ahaan maadaama ay shacabka u suuro gashay inay madaxwaynahoodii horfadhiistaan ayaa waxaa faa'iidooyin balaadhan unoqotay kow inay helaan kalsooni kaduwan tii ay markii hore qabeen maadaama iyagoona waligood marna ku fikirin madaxwaynaa tuuladiina idiin ku iman ay usuuro gashay inay hor fadhiistaan toosna ula hadlaan kana dhagaystaan wixii ay dawladu fariin ahaan ugu gudbinayso islamarkaana ka dhiibtaan fikirkooda dawladana ugudbiyaan wixii tallo iyo tusaale ah ee uu tuulahoodu ama degmadoodu u baahantahay.
Sidoo kale waxaa shirarkaas balaadhnaa ee ay madaxwaynaha iyo shacabku ku kulmayeen marwalba iyo kulanwalba oo dhacaba kasoo dhex baxayay dad isla shirka dhexdiisa intay gacmaha taagaan iskudhex fashilinayay inay kamid ahaayeen Hadhaaga yar ee budhcada UBO balse kadib markay madaxwaynaha horfadhiisteen fariintiisa iyo khudbadiisana dhagaysteen islamarkaana arkeen socddaalka dheer ee uu madaxwaynuhu usoogalay kaliya lakulanka shacabkooda ayaa waxay sheegeen inuu hal mar iskubadalay dareenkii iyo fikirkii khaldanaa ee ay qabeen wixii hadda laga bilaabana ay dawladooda iyo shacabkooda garab taaganyihiin isla goobtaasna ay cafis ku waydiisteen shacabkii shirka ku sugnaa iyo madaxwaynaha dawlada deegaanka soomaalida mudane cabdi maxamuud cumar, taasina waxay noqotay guul aad u wayn oo usoo hoyata guud ahaan deegaanka tusaale fiicana u noqotay dhamaan shacabka kudhaqan tuulooyinkaas iyo degmooyinkaas kala duduwan ee uu waftigu soomarayay.

Dhanka kale waftiga ayaa tuulo walba iyo degmo walba oo ay maraan sookormeerayay soona indha indhaynayay horumarka goobtaasi meesha uu marayo iyo mashaariicdii horumarineed ee loogutallo galay halka ay marayaan iyadoo ay taasi sahlayso inuu madaxwaynuhu sitoosa ula socdo horumarka kajira goobahaas oo dhan islamarkaana wixii ubaahan taageero dheeri ah iyo wixii u baahan dhamaystirba si cad loosoo kala ogaaday, waxaana sidoo kale goob walba oo uu waftigu maro uu madaxwaynuhu ku qiimaynayay warbixintoodana kaga dhagaysanayay maamulka tuuladaas ama degmadaas iyadoo kadib marka ay warbixinta soo jeediyaan uu haddana madaxwaynuhu indhihiisa kusoo kormeerayay sida ay wax ujiraan iyo qorshihii ay dawladdu degmadaas ama tuuladaas ugu tallo gashay meesha uu marayo, taasina waxay si cad oo aad u fudud uhirgalisay nidaamka lamagac baxay itus oo itaabsii mar haddiiba uu madaxwaynaha laftigiisu dul joogsaday tuulo walba iyo degmo walba oo kamida goboladaas uu soo marayay.
Sidoo kale haddii aan jaleecno isbadalka dhanka aragtida ee uu socdaalkaasi horseeday waxaa jirta in ay qurbajoogta u dhalatay deegaanka ee dunida daafaheeda ku kala sugan qaar kamida oo aad utiro yari wali aaminsanaayeen amaba dadkii ay budhcada ubo fikirka ka khaladay qaarkood aaminsanaayeen inay wali deegaanka si waxoogaa ah uga dhaqdhaqaaqaan Budhcada UBO balse waxaa ilaahay mahadii ah dhamaan qurbajoogtii deegaanka iyo cidwalba oo fikirka khaldan ee UBO qabtayba ay maanta indhahooda ku arkeen wararkii socdaalkaasna meelwalba oo ayjoogaan kala socdaan taasina ay horseed u noqotay inuu gabi ahaanba socdaalkaasi badalay image kii ama aragtidii ay dadka qaar kaqabeen nabadgalyada deegaanku meesha ay maanta marayso, maadaama uu madaxwaynaha laftiisu socdaal dhulka ah kusoo marayay goobihii ugu badnaa ee ay budhcada ubo dadka qurbajoogta ah waayadii hore kumaaweelin jireen balse maanta xaqiiqdii ay banaanka usoo baxday.

Dhanka kale waxaa xusid mudan Video Documentry Film aad uqiimo badan isbadal aad u balaadhana ka keeni doona dhanka nabadgalyada deegaanka iyo guud ahaan xaaladaha qurbajoogta deegaanka, filinkaas oo wakhtixaadirkan diyaargarayntiisa lagu jiro laguna rajo waynyahay inuu mudo 7 maalmood ah gudahood kusoo gabagaboobi doono qorshaha filinkaasna ay kamid tahay in intii cajaladaha nooca dvd ga ah lagu badiyo in jaaliydaha qurbajoogta ee wadamada kala duduwan ku nool looqaybiyo hadyad ahaana loogaadhsiiyo, waxaana hubaala in marka uu filinkaasi hawada gallo ee dunida dacaladeeda laga daawado ay noqondoonto markii lawaayilahaa budhcad danbe oo UBO ah wixii hadala ee dhankooda ku aadan ee markaas la iswaydiiyaana uu noqon doono oo kaliya war xagay ku danbeeyeen xagayse cidhib iyo raad dhigeen.
Haddaba guud ahaan iyadoo aana qoraalkan lagusoo wada koobi karin Faa'iidooyinkii iyo natiijooyinkii kasoo baxay socdaalkii waftiga madaxwaynaha dawlada deegaanka soomaalida mudane cabdi maxamuud cumar ayaa waxaa sidoo kale iyana wakhtixaadirkan ay dawladu ku hawlan tahay udiyaargarawga wareegii sadexaad ee socdaalkan oo dhawaan ama maalmaha fooda inagusoo haya loobixi doono hadii eebaha wayni raali kanoqdo.
Dib ayaad kala socondoontaan socdaalka wareegiisa sadexaad ee soosocda.....