Jigjiga (Cakaaranews) Xukuumada DDSI ayaa Xooga Saaraysa sidii looga midhodhalin lahaa Adeegyada Xafiisyadu ay siiyaan Shacabka,taasoo Gundhig u ah Hirgalinta Qorshaha Koboca Dhaqaale ee guud ahaan dalku hiigsanayo,taasoo lagu xaqiijin karo Qaab-dhismeedka DDSI oo la yimaada karti fulineed iyo dareen lahaansho oo si xilkasnimo ah u fidiya adeegyada horumarineed ee loogu talo galay shacabka DDSI.
Dhanka kale madaxweynaha ddsi mudane cabdi maxamuud cumar ayaa maalin ka hor uun soo gabagabeeyay socdaalkii 2aad ee UBO-QUUSIS.waxaa Xusid Mudan in uu Madaxweynuhu Dhamaanba Goobaha uu ka Booqday 3da Gobol ee kala ah Dh/buur,Qoraxeey iyo Wardheer,in uu Sal iyo Mugii ku Waydiinayay Baahida Bulshada ku dhaqan Goobahaas,islamarkaana wax ka waydiinayay in Sidii Qorshuha Sanadku ku jaan go’naa ay Qaab-dhismeedyada Dawladu ugu Fuliyaan Adeegyada Horumarineed ee Dhanka Mashaariicda iyo Dhamaanba Dhibaatooyinka iyo Cabashooyinka ay Qabeenba.
Hadaba Shirkan Maanta Galinkii Danbe Ka dhacay Hoolka Shirarka ee Kulliyada Tabarada Macalimiinta ee Dr Cabdul-majiid oo ay ka soo qaybgaleen Dhamaanba Madaxda Wasaaradaha Xukuumada,Agaasimayaasha iyo Khabiirada Xubnaha ka ah Gudiyada Maareynta Xafiisyada (Management Committe),ayaa loo Badinayaa in uu Salka ku hayo Dhibaatooyinka uu madaxweynuhu ku soo arkay socdaalkiisii UBO-QUUSIS.
madaxweynaha ayaa aad ugu dheeraaday in xafiisyada Qaab-dhismeedka Dawladu Yihiin,kuwa la saaray masuuliyadda in Shacabka DDSI la siiyo Adeeg-fineed oo Humar Waara Gaadhsiin Kara,islamarkaana ay ka go'an tahay Fulinta iyo Adeegbixinta Mashaariicda Horumarineed.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Carabka ku adkeeyay in aan loo dulqaadan karin in Awooda Fulineed ee Xafiisyada Deegaanku ku koobnaato Hal Shakhsi kaliya,loona baahan yahay in la Xoojiyo Nidaamka Gudi ku shaqaynta Xafiisyada(Team Work),islamarkaana Shaqaalaha iyo Madaxda Xafiisyadu la yimaadaan ka go'naansho Fulin Adeeg-shaqo,loona Dulqaadan karin in Madax-xafiiseedka kaligii uu go'aan iska qaato,kana talaabsado Shuruucdii wadatashi ee Gudi ku shaqaynta.
Dhanka kale si looga Midho dhaliyo qiimaynta Qorshaha Kobaca Dhaqaale ee 5ta sano ee fooda inagu soo haysa(5yrs GTP),maadaama hada ka hor markii Xafiis kastaa Qorshaha fulineed ee kaga aadan loo jajabiyay sanadle iyo Bile,in lagamamaarmaan loo arkay in xafiis walba Qiimaynta Qorshaha kobaca dhaqaale ee jiray lagu Daro Todobaadle,taasoo Muhiim loo Arkay in ay Munaasib tahay,ka dib Daraasaad lagu sameeyay Dhibaatooyinka Adeeg-Fulineed ee jiray,ayaa uu yidhi madaxweynuhu.
Mar uu ka hadlayay sii xoojinta nidaamyada guddi ku shaqaynta xafiisyada dawlada ayaa uu madaxweynuhu carabaabay,in awoodaha iyo fulinta adeeg-bixineed ee xafiisyadu uu noqdo mid ku salaysan wadatashi iyo awood qaybin,taasoo wixii hada ka danbeeyana todobaad kasta maalinta jimcaha,10ka saac ee galinka danbe xafiis walba gudiyada maarayntu shir yeeshaan,si ay u qiimeeyaan waxa uga qabsoomay qorshihii xafiiska ee todobaadlaha kobaca dhaqaale ahaa.
Madaxweynaha ayaa ku daray in xafiis walba wixii manta ka danbeeya uu warbixinta waxqabadkiisaoo ay la socdaan Chec-listiga iyo Go’aanka Gudiyada Maaraynta ee todobaadlaha ah u soo gudbiyaan xafiiska Madaxweynaha Maalin kastoo Isniin ah Qaybta uu masuulka ka yahay Mudane C/salaam oo dhawaan loo Magacaabay,si uu ula socdo Waxqabadka Adeeg-fulineed ee Xafiisyada DDSI,Gaadhsiisnaadana ilaa heer tuulo.
Dhanka kale madaxweynaha DDSI ayaa ka warbixiyay wuxuu ku soo arkay Socdaalkiisii 2aad ee UBO-QUUSIs,taasooy la gudboon tahay ayuu Yidhi Madaxweynuhu Xukuumada aan hogaankeeda hayo in ay la timaado bixin Adeeg Shaqo oo Wada Gaadha Dhamaanba Goob kastoo Shacabka DDSI ku Nool yihiin,islamarkaana Kalsooni Buuxda Galin kara Shacabka Waxqabadka Horumarineed ee dawlada u ooman. Sidoo kale qaar ka mida xubnaha gudiyada Maaraynta Xafiisyada ayaa ka warbixiyay Cabashooyin ay ku Tilmaameen in Madaxda Xafiisyadu ay caadaysteen,in ay iska indho tiraan,islamarkaana Baal maraan Nidaamyada wadatashiga iyo gudi ku shaqaynta.
Waxaa Hubaal In aynu wada Daliilsanay In Madaxweynaha DDSi Mudane Cabdi Maxamuud Cumar in ay ka Go’an tahay in meel kastoo ay ku sugan yihiin Shacabku,uu la wadaago nolosha ay ku jiraan,taasoo lagu xaqiiqsan karo,sida uu Caruurta,Hooyooyinka,odoyaal-dhaqameedka iyo Dhamaan Qaybaha Bulshada ku noola meelaha uu Socdaalka ku tagay,uu ugu Fidinayay Daryeel Caafimaad iyo Mid Nololeedba.
Isku soo wada duuboo Kulankan ayaa uu Ka soo baxay in Guud ahaan Xafiisyadu Ka soo dhalaalaan Adeegbixintooda,islamarkaana la Caadaysto Nidaamka wadatashiga iyo Gudi ku shaqaynta lagana Gudbo Nidaamka Duugoobay ee breucraciyada.Sidoo kalana Waxqabadka xafiisyadu gaadhsiisnaado Ilaa Heer Tuulo,Maadaama aynu Hiigsanayno Waxqabad Dhab ah oo ina Gaadhsiin kara Himilooyinka Kobaca Dhaqaale ee aynu Hiigsanayno