Jigjiga (Cakaaranews) Sida lawada ogsoonyahay xukuumada dawladda deegaanka soomaalida itoobiya ayaa wakhtixaadirkan leh cudud cuudan oo kufilan iyo waax sirdoon oo aad u xoogan aadna u heer iyo tayo saraysa, waxaana waaxda sirdoonka ee deegaanka lagu xasuustaa guulihii wax ku oolka ahaa ee laga soo hooyay hawlgaladii lagu adkaynayay xuduuda dheer ee uu deegaanku la leeyahay wadamada dariska ah oo ay kamid tahay hawlgalkii lamagac baxay Qab iyo hanjabis.
Haddaba waxaa maalmo ka hor degmada gaashaamo lagu qabta gacantana lagu dhigay afar nin oo alshabaab ah sitoosana uga soo duulay muqdisho iyagoo watay qorshe ay rabeen inay ku afduubaan hayadaha samafalka ah ee ka hawlgala degmada gaashaamo kadiba toos ugeeyaan muqdisho iyo meeshii uu alshabaabku joogay iyagoo gaar ahaan uu qorshahoodu ahaa inay afduubaan hayada samafalka ee mercy corp qaybteeda kahawlgasha gaashaamo ayaa waxaa si taako taako ah dhaqdhaqaaqooda ula socday waaxda sirdoonta deegaanka oo ilaa socdaalkoodii ka warhaysay lana sugaysay inta ay carada deegaanka lugta kasoo galinayaan.
Haddaba iyagoo nimankani kuhubaysnaa afar baskooladood iyo banbooyin islamarkaana watay gaadhi ay hawshan ugu soo tallo galeen ayaa waxa ay soo mareen gaalkacyo iyo buuhoodle sida ay iyagu afkooda ka qirteen lalana socday waxayna ugu danbayntii soo gaadheen degmada gaashaamo oo ahayd meeshii ay rabeen inay kafuliyaan qorshihii loosoodhiibay waxayna gaashaamo kaga hoydeen guri ay qaraabo ahaayeen mid kamida afarta nin oo ahaa ninkii isagu hogaaminayay nimankan oo lagu magacaabo xulayfa, waxaana markiiba xogtii helay oo ay waaxda sirdoonku u gudbisay booliska degmada gaashaamo iyadoo ay isla wakhtigaasna shacabka degmada gaashaamo booliska usoo gudbiyeen nimankan oo ay kashakiyeen.
Haddaba ugudanbayntii ayaa waxaa gurigii ay nimanku kujireen sidii ugu dhakhsaha badnayd ugu wareegay oo dhinacwalba ka istaagay booliska degmada gaashaamo oo kaashanayay shacabka degmadaas waxaana lagu wargaliyay inay isdhiibaan balse waxay bilaabeen inay xabado kasoo dhex rideen gurigii kana soo tuureen bambo gacmeed waxaana intaas kadib gurigii u daatay booliska degmada gaashaamo oo adeegsanaya tababarkii khaaska ahaa ee ay qabeen iyagoo afartoodii midna ku dhaawac sahlan ku qabtay sadexdii kalana gacmaha kusoo qabqabtay iyagoona ayna waxba gaadhin.
afartan nin ee alshabaabka ah ayaa loosoo gudbiyay saldhiga booliska ee magaalada jigjiga oo ay wakhtixaadirkan ku jiraan halka uu kii dhaawaca ahaa oo ay kaga dhacday lugaha iyo gacmahana kujiro hospitalka saldhiga koomishinka booliska oo ay halkaas ugu socoto daawayn.
waxaana dib idiinkasoo tabin doonaa barnaamij kusaabsan afartaa nin ee alshabaabka ah oo maqal iyo muuqaal ah haddii alaha awooda lihi raali ka noqdo..