Gurmadka Talaalka Xoolaha Degmooyinka Dh/buur iyo Birqod oo La Soo Gabagabeeyay

Dh/buur(CakaaraNews).Waxaa Degmooyinka Dh/buur iyo Birqod la Soo Gabagabeeyay Barnaamij loogu Talo galay Talaalka Xoolaha oo ay Wadeen Dhakhtarada iyo Khabiirada Xoolaha ee Xafiiska beeraha xoolaha iyo horumarinta reer miyiga ee Degmada Dh/buur. Waxaynu wada ogsoonahay In Xooluhu yihiin Lafdhabarka Dhaqaalaha Bulshada Deegaanka Soomaalida Itoobiya,in la Xanaaneeyo lana Daweeyana waa mid ka mida waajibaadyada Dawlada ka Saaran,Daryeelka Xoolaha. Hadaba Wariyaha noo jooga Magaalada Dh/buur ayaa tibaaxay in Hawlwadeenada Xafiiska beeraha xoolaha iyo horumarinta reer miyiga ee Degmada Dh/buur ay Hawlgal Talaal Xoolaha ku Dhaqan Degmada Dh/buur iyo degmada birqod ee ay ka midka yihiin Geela,Lo’da iyo Adhigaba. Warka ayaa intaa ku daraya in Xoolo ka badan 100,000 neef(Boqol kun oo isugu jiray geel,lo’iyo adhiba in la siiyay adeeg caafimaad oo isugu jiray talaal iyo dawayn kalaba la siiyay,waa sida uu sheegaye madaxa Xafiiska beeraha xoolaha iyo horumarinta reer miyiga ee Degmada Dh/buur mudane cali xuseen c/laahi. Mudane cali xuseen oo ka mida masuuliyiintii ku timid Degmada Dh/buur Nidaamkii Dibucurashada,ayaa Carabaabay in Goobo Badan oo aan weli laga HirgalininTalaalka Xoolaha, la gaadhsiiyay Sanadkan kana Mid yihiin ayuu Yidhi Goobaha Ceelasha ah ee ay xooluhu isugu yimaadaan iyo Goobaha Ardaaga Xeryaha Xooluhu ku Xaroodaanba. Dhanka kale Shacabka Degmooyinka Dh/buur iyo Birqod ee isugu Jira Xoolo-Dhaqato Beeralayda ayaa aad ugu Mahadceliyay Hawlwadeenadii Talaalka Xoolaha Fulinayay,ka dib markii ay ugu Yimaadeen Xeryihii Xoolaha,islamarkaana ku siiyeen Talaal iyo dawayn kalaba xoolahoodii.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews