Jigjiga(CakaaraNews).Waxaa Saaka si Rasmi ah uga Furmay Hoolka Shirarka ee Sayid Maxamed Cabdule Xasan Shir lagu Qiimaynayo Waxqabadkii 6dii Bilood ee la soo dhaafay,taasooy ay ka soo Qayb galeen Dhamaanba Maamulada Degmooyinka,Madaxda Gobolada,Ismaamulada Magaalooyinka,Dhamaanba Madaxda xafiisyada heer deegaan shirkan ayaa lagu eegayaa miisaanka waxqabadka dhamaanba xafiisyada Ku jira Qaab-dhismeedka dawlada heer-deegaan,heer-gobol,heer-degmo iyo 4ta ismaamul magaalo,taasoo lagu qiimaynayo waxqabadkooda ilaa heer tuulo. Qiimayntan waxqabadka 6dii bilood ee la soo dhaafay ayaa uu hagayaa madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar,islamarkaana uu furitaankii shirka madaxweynuhu Tibaaxay In Halbeega Qiimayntani Tahay "I Tus oo I Taabsii",laguna Shaybaadhi Doono Waxa laga Qabtay Qorshihii Shaqo ee u Yaalay Qaab-dhismeedka Dawlada 6dii Bilood ee la soo Dhaafay ilaa Heer Tuulo. Madaxweynaha ayaa Carabaabay in Qiimayntan laga Duuli Doono Warbixinta ay ka keeneen gudiyada dabagalka mashaariicda iyo waxqabadka xafiisyada ee hoos yimaada xafiiska xafiiska madaxweynaha. Sidoo kale Madaxweynaha Ayaa Carabka ku adkeeyay in si dhab ah loo Guda gali doono Qiimaynta Warbixinada ay Xafiisyada Heer deegaan,Gobol,Degmo iyo Ismaamuladuba Soo Gudbiyaan ka dib. Halbeeguna yahay ayuu yidhi madaxweynuhu i tus oo i taabsii. Furitaankii iyo Warbixintii madaxweynaha ka dib ayaa loo dareeray qadadii si la iskugu soo noqdo Qadada ka dib.