Galinkii Danbe Ayaa La Guda Galay Dhagaysiga Warbixinta Waxqabadka 6dii Bilood ee la Soo Dhaafay ee Dhamaanba Qaab-dhismeedyada Dawlada.

Jigjiga(CakaaraNews).Galinkii Danbe ayaa Dib la isugu Soo Noqday Hoolka Shirarka ee SMCX,si loo gudagalo Dhagaysiga iyo Qiimaynta Waxqabadka Qaab-dhismeedka Dawlada ee Heer-deegaan,Heer Degmo,Heer Gobol iyo 4ta Ismaamul Magaalo ee DDSI. Madaxweynaha DDSI oo Hagayay Shirkan Ayaa Idmay in la Gudagalo Dhagaysiga Warbixinta Waxqabadka 6dii Bilood ee la soo Dhaafay ee Xafiisyada Heer Deegaan,si loo guda galo Qiimaynta Waxqabadka. Xafiiskii ugu horeeyay ee lagu bilaabay dhagaysiga warbixinta waxqabadkii 6dii bilood ee la soo dhaafay ayaa ahaa xafiiska Waraabka iyo horumarinta wabiyada iyo dooxooyinka DDSI,iyadoona masuulkii soo gudbinayay warbixinta uu sharax dheer ka bixiyay,ujeedooyinka laga leeyahay wabiyada iyo dooxooyinka deegaanka,tibaaxayna in wajigii 1aad ee barnaamijka dibudejinta wabiyada iyo dooxooyinka lagu guulaystay,islamarkaana la dejiyay ayuu yidhi in ka badan 85,000 oo qoys Godey,Afdheer iyo Liibaan. Sidoo kalana Wuxuu Masuulku Carabaabay in Sanadkan Qorshuhu ahaa in 35,000 oo Qoys,Dibudejin loo Sameeyo Meel fiicana marayaan,taasoo Micnuhu yahay ayuu Yidhi in Bulshada Xoolo-dhaqatada ah loo Bedelo Xoolo-Dhaqato Beeralay si ay uga Xoroobaan Saboolnimada,si ay ugu suurtowdo Nolol Degan oo ay ku helaan Dhamaanba Adeegyada aasaasiga ah ee Dhanka Dawlada. Dhanka kale,ka dib markii uu Masuulku ebyay soo gudbintii Warbixinta xafiiska Waraabka iyo horumarinta wabiyada iyo dooxooyinka DDSI,ayaa uu Gurigu Su'aalo ka waydiiyeen,halka ay marayaan Dibudejinta Qorshaha Sanadkan ee ku aadanayd in la dejiyo Agagaarka Wabiyada iyo Dooxooyinka ee Gobolada Godey,Afdheer iyo Liibaan ee Tiradoodu Dhanayd 35,000 oo Qoys,sidee kalana in loo Diyaarayay Goobihii,Qalabkii iyo Kaabayaashii Dhaqaalaba. Masuulka ayaa Dhamaanba Su'aalihii la waydiiyay ka bixiyay Jawaabo Waafi ah oo ay ku Qanceen Gurigu.Qiimayntan ayaa ah Qiimayntii ugu Balaadhnayd ee la galo tan iyo intii la hirgaliyay Nidaamka Dibucurashada Huwan Maamulka Suuban.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews