Shirkii Qiimaynta Waxqabadka 6dii Bilood ee Tagay ooLa Gudagalay Maalintiisii 2aad iyo Hoolka Shirar ee (SMCX).

Jigjiga(cakaaraNews).Subaxnimadii Saaka ayaa la isugu yimid hoolka shirarka ee sayid maxamed cabdule xasan si loo sii ambaqaado dhagaysiga iyo qiimaynta warbixinta waxqabadka Dhamaanba Qaab-dhismeedyada dawlada,iyadoona ay manta hogaaminayeen shirka qiimaynta madaxweyne ku xigeenayaasha kala ah Mudane aadan faarax iyo mudane c/fataax maxamuud xasan. Xafiiska ugu Horeeyay ee Saaka la Dhagaysanayay Warbixinta Waxqabkiisa 6dii bilood ee la soo dhaafay ayaa ahaa Xafiiska Beeraha,Xoolaha iyo Horumarinta Miyiga,iyadoona uu warbixinta soo jeedinayay kuxigeenka Xafiiska Mudane C/qaadir,isagoona Faahfaahin Dheer ka bixiyay Halka ay Marayaan Waxqabadka xafiiska 6dii bilood ee la soo dhaafay. Sida Caadada u ah Qiimaynta Markuu ebyay Warbixintii Xafiiska Beeraha DDSI Masuulku,ayaa uu Gurigu waydiiyay Su’aalahay ugu talo galeen in ay wax ka waydiiyaan.taasoo uu isna Masuulku intii karaankiisa ah ka Jawaabay. Abaarihii kowdii duhurnimo ayaa loo dareeray xili qadadii,islamarkaana sideedii duhurnimo iyo badhkii galinkii danbe ayaa dib loogu soo wada laabtay madashii shirku ka socday oo ahayd hoolka shirarka ee sayid maxamed cabdule xasan. Ka dib ayaa uu Madaxweyne ku xigeenku Idmay in loo Gudbo Dhagaysiga Warbixinta Waxqabadka 6dii bilood ee la soo Dhaafay Xafiiska Caafimaadka DDSI,halkaasoo uu Warbixinta Xafiiska uu soo jeediyay Wasiir ku xigeenka xafiiska caafimaadka,islamarkaana su’aalo iyo jawaabo la is waydaarsaday. Sidoo kale ayaa la Gudagalay Dhagaysiga Warbixinta xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI,iyadoona uu warbixinta waxqabadka xafiiska uu soo jeedinayay wasiirka xafiiska mudane farxaan xuseen cabdi,islamarkaana Si faahfaahsan uga hadlay Dhanka Qodida Ceel-biyoodyada oo laga Qoday Goobo badan ayaa uu Yidhi. Dhanka Kale Galinkii Danbe ee Maanta ayaa Dhamaanba Masuuliyiintii ka kala Socday Xafiisyada Heer-deegaan,Gobol,Degmo iyo 4ta ismaamulba loo Qaybiyay,Gudiyo si ay uga soo wada Munaaqashoodaan Dhibaatooyinkii Jiray,toobiyaha Waxqabadka Horumarineed,Soo Jeedinta Talooyinkooda iyo Fikirka ay ka Qabaanba Sidii Bulshada xoolo-dhaqatada ah loogu bedeli lahaa Xoolo-dhaqato Beeraleey.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews