Sheekh Dawaaf Sheekh Cumar Abiib oo Ka Digay Dibindaabyada Ay Maleegayaan Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab oo Huwan Shaadhka Reer Fiqi Cumar.

Jigjiga(CakaaraNews).Sheekh Dawaaf Sheekh Cumar Abiib oo Waraysi ku Bixiyay Studiyaha Shabakada CakaaraNews ayaa warbixin dheer ka bixiyay shaqsiyaad huwan shaadhka reer fiqi cumar oo ka soo doolay ayuu yidhi dhanka soomaaliya. Sheekh dawaaf ayaa ku tilmaamay shaqsiyaadkaas,in ay shacabka reer fiqi cumar ee asalkoodu yahay itoobiyaanka kuna nool degaanka soomaalida itoobiya,in ay muddo door ah ku marin habaabiyeen mala-awaal iyo been abuur aan sal iyo raad toona lahay,islamarkaana ka dhex alooseen colaad gaamurtay qaar ka mida shacabka aanu walaalaha nahay ee ku dhaqan Qaar ka mida Gobolada DDSI ayuu yidhi Sheekh Dawaaf. Sidoo kale Sheekh Dawaaf ayaa yidhi “Anigoo ah Hogaamiye Dhaqameedka Beesha Reer Fiqi Cumar ee Itoobiyaanka ah waxaan cadaynayaa in Reer Fiqi Cumar(Sheekhaash) aynan noqonayn Oromo,Alshabaab iyo Soomaaliya toona”ee ay Yihiin kana mid yihiin Qabiilada ugu waawayn ee Soomaalida itoobiya,taasoo Dhamaanba Xuquuqihii ka Maqnaa,ilaahay Khayr ha siiyo Madaxweynaha,Baarlamaanka iyo Xisbiguba Sugeen. Dhanka kale sheekh Dawaaf ayaa ku tilmaamay Shaqsiyaadka u tafaxaytay in ay Shacabka reer Fiqi Cumar u Maleegaan Colaad iyo Dhalan Rogida Jinsiyadooda soo jireenka Ahayd ee ay ku abtirsadaan Soomaalida Itoobiya,ee ku dhuumaalaysanaya Addis-ababa ,islamarkaana Hoteelada ugu waa wayn Degan in ka badan 10 sano,yidhina xagay ka keenaan kharashka intaa le’eg ee ay ku dabaraan Noloshooda,hadii aysan jirin urur(Organization)ka danbeeya oo Fund Gareeya. Sheekh Dawaaf ayaa ku tilmaamay shaqsiyaadkaas huwan jinsiyada Soomaaliya ee Argagaxisada ah,in ay yihiin horumar-diid,nolol diid iyo fuliyayaal qorshayaal argagaxiso oo dhan ka ah qaranimada iyo dastuurka dalka itoobiya.sidoo kalana DDSI iyo DFI uga digay falalka Argagaxiso ee ay maleegayaan xubnaha Alshabaabka ee ku dhuumaalaysanaya Addis-ababa iyo Diredawa yidhina waa in si deg deg ah talaabo sharci ah looga qaado,anagoona idin garab taagan idinkuna Caawinayna Talaabo qaadkooda. Mar uu Sheekhu ka hadlayay Xuquuqaha Beesha Reer Fiqi Cumar ee itoobiyaanka ahi ku leeyihiin Xukuumada DDSi,wuxuu yidhi Dhamaanba Gobolada ay Dagaan Beeshu waxa ay ku leeyihiin Xubno Baarlamaan,Madax-xafiiseedyo.Sidoo kalana Ismaamulada la sameeyay Sida jigjiga,Dh/buur iyo Qabridahan Waxa ay Beesha Reer Fiqi Cumar ku leeyihiin Madax.Halka Degamada Raaso Na loo Ansaxiyay ayuu Yidhi. Sidoo kale Sheekh Dawaaf ayaa yidhi Waxaanu nahay Beelaha Colaada nala kala Dhex Dhigay Walaalo Isqoonsaday,waxaanuna ka xunahay Colaadii nala kala Dhex dhigay,waana in wadar ahaanteen ayuu yidhi in aynu isku meel uga soo wada jeedsano Xubnahan Alshabaabka ah,ee ku Guda jira wakhti xaadirkan Sidii ay u sii hurin lahaayeen Colaad ka dhex Abuuranta Beelaha aanu Walaalaha nahay iyo Beesha Reer Fiqi Cumar Dhexdeeda,oo ay Budhcadani Dileen qaar ka mida Jilibka Reer aw Samatar. Ugu Danbayntii ayaa uu Sheekh Dawaaf Sheekh Cumar Mahadcelin Balaadhan u Jeediyay Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar,Yidhina Waxa uu Madaxweynuhu Sharfay Baaqii Reer Fiqi Cumar,Aqbalayna islamarkaana Sugay in uu Dhamaystiro cabashooyinkii beeshu tabaysay.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews