London (Cakaaranews) 19/01/2012 Waxaa markii ugu horeysey warbaahinta Caalamiga ah ee Cakaaranews usuuro gashey iney hesho warbixin iyo tafaasiil dheer oo sharxaya qaabka beecinta iyo tafaashiisa Saamiga ee biyaxidheenka wayn ee dalka Ethiopia. Safaaradaha dawladda Ethiopia ku leedahay daafaha adduunka iyo guud ahaan dawladda Ethiopia ayaa suuq geyn balaadhan ka wadda caalamka iyo gudaha waddanka sidii loo heli lahaa faaiido doonayaal badan oo gata Saamiga Biyaxidheenka iyadoo kulamo badan oo arintanla xidhiidha lagu qabtey laguna qaban doono waddamo badan oo dunida ku yaalla. Yaa gadan kara saamiga maxaase looga baahan yahay iyo su aalo badan oo la xidhiidha arimahanba waa sida 1. 1. Dabeecadaha Boondhiga Biyoxidheenka Dibu Curashada Boondh(Bond) waa maxay ? 1. Boondh waa nuqul deymeed oo dib loo bixinayo ayna dammaand buuxda ay dawladdu siineyso dulsaarna lagu helayo. 2. Boondhiga biyo xidheenka dibucurashadda waa Boondh iib loo diyaariyey looguna tala galay in lagu arruuriyo lacagta ku baxayea biyo xidheenka weyn ee webiga Nile ay Dawladda Itoobiya ka dhisayso. 2. Noocyadda Boondhiga • Boondh dulsaar lagu bixinayo • Boondh aan dulsaar lagu bixineyn 2.1.Boondhiga waxaa laga iibinayaa qofka Itoobiyaanka ah, dhalasho Itoobiyaanimo haysta iyo dadyoowga u dhashay waddamada uu webiga Nile maro ee dariska ah oo ay (Eritrean ku) ku jiraan. 2.2.Dulsaarka Boondhiga waxaa la bixinayaa lixddii biloodba mar. 3. Faa’idooyinka lga helayo Boondhiga 3.1.Iibka Boondhiga dulsaarka laga hellaa waa canshuur la’aan. 3.2.Boondhiga iyadoo la isticmaalayo ayaa bangiyadda dalka gudihisa deyn laga qaadan karaa. 3.3.Qofka iibsada wuxuu helayaa dulsaar joogto ah. 3.4.Maadaama damaanad dawladeed uu haysto waa aamin. 3.5.Bangiyadda caadiga ah dulsaarka ay bixiyaan mid karoon ayaa laga helayaa. 3.6.Qofka iibsadda dhaxalkisa sharciga ah qof saddexaad ayuu ku wareejin karaa. 1. Qiimaha Boondhiga 4.1.Qiimaha ugu hooseeya ee Boondhiga (Minimum Bond) Dollar, Euro iyo Pound sterling ahaan iyaddoo ay tahay 50 ayaa Boondhiyo qiimahoodu lacagahaas ku yahay 100,300,500,1,000, 3,000, 5,000, iyo 10,000 la iibinayaa. 4.2.Waxaa kaloo iyaddoo la tixgalinayo sarifka, la soo bandhigay iibka Boondhiyo qiimahoodu Dollar, Euro iyo Pound Sterling ahaan uu yahay 5 iyo 10. Tusaale ahaan qofka haddii uu doono innuu iibsado Boondh qiimahiisu yahay 55 dollar waxaa la siinayaa hal Boondh oo qiimhiisu yahay 50 Dollar iyo mid dheeri ah qiimahiisuna yahay 5 dollar. 4.3.Boondhiga waxaa lagu iibsan karaa Dollar, Euro, Pound sterling, Swiss Franc, Riyal, Dirham, Swedish ama Norwegian Kroner iyo lacagaha shisheeye ee Bangiga Ganacsiga ee Itoobiya uu wax ku kala iibsado. 1. 5. Shuruuradaha la fulinayo si loo iibsado Boondhiga 5.1. Qaan gaadhnimo,inuu qofka iibsanayaa qaangaadh yahay 5.2. Haysasho Baasaboor Itoobyaan ah. 5.3.Haysasho aqoonsiga Jaaliyaadka. 5.4.Haysasho Warqadda aqoonsiga ee dhalashadda Itoobiya 5.5.Haysashada dadka u dhashay Itoobiya ee baasaboor shisheeye. 5.6.Haysasho aqoonsi kasta oo muujinaya ku dhalasho itoobiya. 5.7.Haysasho dadka Itoobiyaanka ah ee Dookumantiga Socdaalka (Travel Document). 5.8.Aqoonsi dad aan haysanin hase ahaatee xaqiijin kara in ay Itoobiyaan yihiin. 5.9.Keenid sawir yar (passport size) 1. 6. Xilliga bislaanshaha (Maturity) iyo dulsaarka Boondhiga 6.1.Heerka dulsaarka. Heerka dulsaarka ee la bixinayo isagoo ku xidhan xilliga bislaanshaha (maturity)ee Boondhiga. • 5 sano Boondhyadda u bislaanshahoodu yahay (maturity period) – LIBOR + 1.25 boqolkiiba. • 6 illaa 7 sano Boondh yadda u bislaanshahoodee yahay (maturity period)-LIBOR + 1.5 bogolkiibaa. • 8 illaa to sano Boondh yadda bislaanshahoodu yahay- LIBOR + 2.0 boqolkiiba ayuu heerka dulsaarku noqonayaa. 1. 7. Boondhiyadda la soo celiyo xilliggi bixinta (bislaanshaha) ayadoon la gaadhin. Dadka iibsada Boondhiga iyadoon la gaadhin wakhtigii bixinta (bislaanshaha) ayey soo celin karaan. Sidaa darted: • 1-5 sano Boondhiga ah kuwa iibsaday xilligiay boondhiga iibasadeen laga bilaabo ugu yaraan hal sano ka dib lacagtooda way qaadan karaan. • 5 sano ka badan Boondh bislaanshahooda ah kuwa iibsaday Boondhiga xilliga ay iibsadeen laga bilaabo ugu yaraan saddex sano ka dib ayey lacagtooda qaadan karaan. Hababka Boondhiga loo iibin karo. 8.1.Waxaa lagu diri karaa Bangiyadda xidhiidhka la leh Bangiga Ganacsiga ee Itoobiya. Bangiga ganacsiga ee Itoobiya 40 ka Bangi ee waaweyn ee uu la leeyahay xidhiidhka SWIFT waxaa ka dhaxeeya xidhiidh wadashaqeyn bangi. Iyadoo la adeegsanayo laamaha bangiyadaas ee dalalka ayaa si dhib yar lacagta loo diri karaa. 8.2. Lacagta Boondhiga iyadoo safaaradda ama qunsuliyada la keenayo ayaa loo gudbin karaa Bangiga Ganacsiga ee Itoobiya. 8.3.Iyaddoo la adeegsanayo shirkadda xawaaladda ee Blue-nile African Art ayaa loo gudbin karaa Bangiga Ganacsiga ee Itoobiya. 8.4.Bangiyadda wadanka gudihiisa ah xisaab adag oo hore looga furtay ayaa laga bixin karaa. 1. 9. Sida Boondhiga Dib u curashadda loogu wareejiyo qollo labaad 9.1.Boondhiga waxaa qollo labaad loogu wareejin karaa qofka Itoobiyaanka ah ee dibadda ku nool ama qofka markiisii hore Itoobiya ku dhashaslay ee haysta dhalasho shisheeye. Hase ahaatee Boondhiga in lqcagta Itoobiya in looga iibiyo hadduu doonayo qof wadanka gudihusa ku nool oo Itoobiyaan ah ayuu uu gudbin karaa. 9.2. Qofka Boondhiga iibsaday qollo labaad intuu bogga dambe ka sixiixo/xdo ayuu dhaxal ahaan ama deeq ahaan qof kale ku wareejin karaa, boondhiga isagoo dhiibaya ayuu/ay wadanka bangiyadiisa deyn ka qaadan karaa, ama suuq labaad (secondary market) qof kale uu uga iibin karaa. 1. 10. Sida Boondhiga dibu curashadda magac qof labaad loogu iibin karo 10.1 Boondhiga qof kale waa loo iibin karaa. Hase ahaatee magaca Boondhiga lagu qorayo waa in uu noqdaa magaca qofka loo iibinayo Boondhiga (mulkiilaha Boondhiga). Boondhiga qof kale qofka u iibinaya Boondhiga dushiisa isagoo “sida” leh waa inuu saxiixaa. Dulsaarka ama lacagta Boondhiga qofka hadii uu soo celiyo Boondhiga waxaa la siinayaa Boondhiga qofka loo iibiyay ama wakiilkiisa/keeda sharciga ah oo keliya. 10.2 Carruurta aan qaan gaadhin waalidintooda ama dadka masuulka ka ah ayaa Ilmaha magacooda intay ku qoraan Boondhiga dushiisa kunasaxiiaan “sida” u gadi kara. Ilmuhu 18 sano intuu ka gaadhayo faa’idada laga helayo Boondhiga haddii walidka ama qofka mas’uulka ka ah uu doonayo in loo hayo sidaas waa la sameyn karaa. 1. 11. Deeqda la siinayo Biyoxidheenka Dhismihiisa 11.1 Dhismaha Biyoxidheenka dib-u curashadda deeq lacageed waa la siin karaa. 11.2 Qofka Deeqda bixinaya receipt sharciyeysan oo lacagta uu bixiyey in le’eg ku qoran tahay ayaa la siinayaa. 12 Haddii aad u baahato Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Iibsashadda Boondhiga. 12.1 Soo dir Telefoon Lambarka 02075897212 si aad u heshid faahfaahin dheeraad ah. 12.2 Waxaad kaloo macluumaad dheeraad ah aad ka heli kartaa websiteka www.ethioembassy.org.uk. LIBOR London Interbank Offer Rate micnaheedu was Heerka dulsaarka ee maalinlaha ah ee suuqa lacagaha ee London bangiyaddu dhexdooda ay isku deymiyaan. Heerkani waa mid bangiyadda badankoodu heerkooda dulsaar si ay u go’ aamiyaan ay saldhig ka dhigtaan. Heerka LIBOR ka fiiri websiteka Bangiga Ganacsiga ee Itoobiiya.