Jigjiga(CakaaraNews).Maalmahanba Waxaa ka Socda Hoolka Shirarka ee Sayid Maxamed Cabdule Xasan,shir lagu qiimaynayo Dhamaanba Waxqabadka Muwaaqirka Dawlada,haday ahaan lahayd Waxqabadka Xafiisyada Heer-Deegaan,heer-gobol,heer Degmo iyo 4ta ismaamul magaalo. jadwalka qiimayntan ayaa ah in galinka hore ay xafiisyada iyo maamulada la dhagaysto warbixintooda isla goobtaasna lagu qiimeeyo,ka dibna galinka danbe hadana la dhagaysto warbixinada habeenkii ay soo koobaan gudiyadu. Dhanka kale xafiisyada waxbarashada iyo maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI ayaa la dhagaystay warbixintoodii waxqabadka ee 6dii bilood ee la soo dhaafay,inkastoo xafiiska waxbarashada DDSI loo soo jeediyay dhaliilo dhanka waxqabadka fidinta waxbarashada ilaa heer tuulo iyo hirgalinta xidhmooyinkii qorshaysnaa,hadana meelaha qaar waxqabad fiican ayaa ka jira. Xafiiska maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI oo warbixintiisa uu soo jeedinayay mudane mubashir dibad,ayaa uu si faahfaahsan uga faalooday warbixintii waxqabadka 6dii bilood.islamarkaana tibaaxay in Kharashka ku baxa Mushaarka Shaqaalaha DDSI uu Bishii Dhan Yahay14,674,172.41(Afar iyo Toban Milyan lix boqol Todobaatan iyo Afar Kun Boqol todobaatan iyo laba bir41/cents),halka Sanadkii uu ka noqonayo Mushaarka Baxa 79,728,169.44(Todobaatan iyo sagaal milyan,todoba boqol labaatan iyo sideed kun,boqol lixdan iyo sagaal bir iyo 44/cents).
Qiimayntan ayaa aynan fari ka qodnayn ilaa iyo hadana Talaabo kasta oo Qorshayaasha Heer Deegaan,Heer Gobol,Heer Degmo iyo 4ta Ismaamul Magaalo ku jirtayba si xeel dheer loo axadhayo,taasoo ku tusaysa sida loogu baahan yahay in laga Midho dhaliyo Hindisayaasha Horumarineed iyo kobaca dhaqaale ee uu Dalku hiigsanayo