Taageerayaasha Real Oo Qaraw Ka Qaada Kulamada Barcelona Iyo Guul Darooyinkii Oo Kusii Badanaya

Spain(CakaaraSport).Carlos Puyol iyo Eric Abidal ayaa kusii kordhiyay carada ay taageerayaasha Real Madrid ka qaadaan kulan kasta oo ay Barca la ciyaarayaan kadib guul daro kale oo 2 gool iyo a ah. Koobkan yar ee Copa Del Ray oo inta badam la quursado ayey labadan kooxood ee waawyni lasoo shir tageen intii ugu waaweyneyd xidigahooda taas oo inta badan looga baran tartamada koobkan marka ay kooxo kale la ciyaarayaan, laakiin kulankan ayey koox waliba is lahayd dhinaca dhulka ka cesho. Ronaldo oo maalmahan qeyb kamid ah taageerayaashiisa Real ku bilaabeen inay ku oriyaan maadaama uu meel ka saari waayay Barcelona oo xitaa oo goolal ka dhalin waayo, marka laga reebo finalki koobkan ee sanadkii hore, kulankan ayuu gool ku bilaabay laakiin wixii ka danbeeyay uu u ekaa nin qalqalsan oo walwalsan kubado badana si qalad ah uga fakanayeen. Dhanka Messi oo ciyaarihii ugu danbeeyay rukun ka dhigtay inuu Real bah dilo, ciyaartan waxba ma dhalin, aad ayaana loo raacay loona ilaaliyay, maadaama uu tababare Mourinho isticmaalay qidad kale oo uu dhexda ka wada ciyaarsiiyay 3 kubad burburiye oo kala ahaa Lass Diarra, Alonso iyo ninka madax wareerka badan ciyaartoydana haraatida kala daala Peppe oo caadi ahaan difaac ah, laakiin kulankan loo doortay inuu dhexda waalo. Messi ayaa ugu danbeyn ka gaarsiiyay Real baas aad u qurux badan uu daba mariyay difaacii Real, xabadkana u saaray Abidal oo si fiican u dhaliyay, inkasta oo Real Madrid looga adkaaday ciyaartan garoonkooda hadana ma ciyaar xumeyn oo waxa ay hada rabaan inay uga soo aargutaan gurigooda todobaadka soo socda ciyaarta labaad ee isla tartanka oo laba ciyaar ah. Hadaba isku sii wada duuboo, Real madrid iyo tababare Mourinho waxaa weli ka maqan oo ay heleeli la'yihiin halka ay Barca u jilicsantahay, iska daa inay helaane, waxaa kulankan looga badiyay barta ay Barcelona ugu liidato ee ah goolasha madaxa lagu dhaliyo ama lagu difaaco maadaama ay u wada badanyihiin rag gaagaaban. Waxaan ka war sugeynaa kulanka 2aad ee arbacada soo socota ka dhici doona garoonka Barcelona ee Cam Nou.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews