Xuska 14aad ee Xoolodhaqatada Heer Deegaan Oo Lagu Xusay Maanta Magaalada Dh/buur.

Dh/buur(CakaaraNews).Xuska Xoolo-dhaqatada Heer deegaan,waa xus sanadkiiba mar lagu qabto Magaalooyinka waawayn ee DDSI,iyadoona sanadkan sanadkii ka horeeyay lagu qabtay Gobolka Liibaan. Hadaba Xuskan oo ah kii 14aad ee deegaankeena laga xuso ayaa sanadkan loo xushay in lagu qabto Magaalada Dh/buur,taasooy magaalada Dh/buurna si heer sare ah ugu sii diyaargarawday soo dhawaynta iyo Qaabilaada Ergooyinka iyo Masuuliyiinta ka kala yimid Xukuumada iyo Dhamaanba Degmooyinka DDSI. Shacabka ku dhaqan Magaalada Dh/buur ayaa Wufuuda kaga hor yimid masaafo ka baxsan Magaalada ilaa 7km,halkaasooy si heer sare ah ugu soo dhaweeyeen,wufuuda heer xukuumadeed oo ay ka Mid ahaayeen ku xigeenka wasiirka wasaarada Beeraha,Xoolo-dhaqatada iyo Horumarinta Reer Miyiga DDSI Mudane C/qaadir,Madaxa Xarunta dhexe ee XDSHSI Mudane Ibraahin Mubaarak iyo ku xigeenka xafiiska cilmi baadhista DDSI. Xuska xoolo-dhaqatada deegaanka soomaalida ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee magaalada Dh/buur,taasooy ka soo qaybgaleen dhamaanba xoolodhaqatada heerka fiican ka gaadhay dhaqashada xoolaha ee ku kala dhaqan dhamaanba degmooyinka iyo gobolada uu deegaanku ka kooban yahay. Xoolo-dhaqatada deegaanka ayaa goobta mun aasabadu ka dhacday ku soo bandhigay,heerka ay gaadhsiisan tahay nidaamka ay xoolahooda u dhaqdaan,adeegyada caafimaad ee ay ka helaan xafiisyada heer xukuumadeed ee qaabilsan xoolaha iwm. Sidoo kale Munaasabadan ayaa ay Hadalo ka soo jeediyeen Masuuliyiinta Heer Deegaan taasooy Bulshada Xoolo dhaqatada ah ku booriyeen,in laga qayb qaato qorshayaasha Xukuumadu ay ku Hindistay in Xoolo dhaqatada Deegaanka laga Dhigo Xoolo Dhaqato Beeraleey,si ay Bulshada xoolo dhaqatada ahi u hesho Nolol degan,islamarkaana Xukuumadu u dhamaystirto Dhamaanba Baahida iyo Adeegyada Aasaasiga ahba. Masuuliyiinta ayaa aad uga faalooday Ahmiyada xooluhu leeyihiin,iyo sida dhaqashada geelu u tahay daraasaad la sameeyay ka dib lafdhabarta bulshada.sidoo kalana aduunku ilgaara ku hayo geela,taasoo in ka badan 17 wadan oo caalamka geela dhaqda ahi dhawaan shir isugu yimaadeen Magaalada Jigjiga. Dhanka Kale Munaasabadan Xoolo-Dhaqatada ee Maanta lagu xusay Magaalada Dh/buur ayaa lagu Bixiyay Abaalmarino iyo Shahaado Sharafyo la gudoonsiiyay Qaar ka mida Xoolo Dhaqatada heerka fiican xoolahooda iyo noloshoodaba u maareeyay. Ugu Danbayntii ayaa ayaa ay Munaasabada Xuska 14aad ee Xoolo-dhaqatada Deegaanka Soomaalida itoobiya ku soo gabagabawday Jawi fiican iyo is af garad,halka Shacabka Dh/buurna ay ku damaashaadayeen Ciyaaro Dhaqameed.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews