Madaxweyna oo Maanta u Furay Tababar Socon Doona 3 Cisho 220 Ka Mida Xildhibaanada Degmooyinka 4 Gobol.

Jigjiga(CakaaraNews).Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo uu Wehelinayay Afhayeenka Baarlamaanka DDSI Mudane Maxamed-rashiid Isaaq,ayaa Saaka ugu Furay Hoolka Shirarka ee Xafiiska Haweenka DDSI 220 ka mida Xilbibaanada Degmooyinka 4ta Gobol ee kala ah,Gobolka Jigjiga,Gobolka Dh/buur,Gobolka Shiniile iyo Gobolka Wardheer. Mar uu Madaxweynuhu la Hadlayay Xildhibaanada Degmooyinka ee Tababarkan la siinayay,ayaa uu ku Booriyay in ay Guntiga Dhiisa isaga Dhigaan sidii ay uga soo dhalaali lahaayeen gudashada Xilka iyo Waajibaadka Horumarineed ee ka saaran Shacabkii soo doortay,islamarkaana ka soo dhalaalaan taabo galinta Qorshayaasha Horumarineed iyo Kobaca Dhaqaale ee uu dalku hiigsanayo 5ta sano ee fooda inagu soo haysa. Sidoo kale Afhayeenka Baarlamaanka DDSI Mudane Maxamed-rashiid Isaaq ayaa ka warbixiyay Waxqabadka Baarlamaanka DDSI iyo ujeedada tababarkan uu u leeyahay Xildhibaanada Degmooyinka. Afhayeenka oo hadalkiisii sii wata ayaa tibaaxay in tababarkan ay Xildhibaanadu ku qaadan doonaan Casharo la xidhiidha Hababka Qaabdhismeedyada Dawlada,Xeer-nidaamyeeda,Xeer-hoosaadyada,xilka iyo waajibaadka Xubnaha Baarlamaanku,Anshaxa,mabaadiida Aasaasiga ah ee Dastuurka jamhuuriyada federaalka iyo Dastuurka Deegaankaba. Dhanka kale Madaxa Xafiiska Baarlamaanka DDSI Maxamed Ibraahin ayaa isna dhankiisa ka warbixiyay waxqabadkii iyo kormeeradii Dhawaan ay ku tageen Xubno ka tirsan Baarlamaanka DDSI,qaar ka mida Degmooyinka iyo Gobolada DDSI. Sidoo kale waxa uu Xafiiska Baarlamaanku ku soo bandhigay goobta Tababarku ka socday boostaro muujinayay kormeeradii ay baarlamaanka heer deegaan ku soo sameeyeen qaar ka mida gobolada iyo degmooyinka deegaanka. Muuqaalka sawirada Boostarada ayaa ka turjumayay 3 arimood oo kala ah,Kalfadhiyadii ay yeesheen Xubnaha Baarlamaanka ee ka jira Guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka,waxqabadka Baarlamaanka DDSI iyo Kormeeradii Baarlamaanku ay soo sameeyeen. Tababarkan oo kale ayaa ay hada ka hor qaateen qaar ka mida Xildhibaanada Degmooyinka Qaar ka mida Gobolada,waana markii 2aad ee la siiyo Tababarkan Baarlamaanka Degmooyinka

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews