Jigjiga (Cakaaranews) Ciidamada gaarka ah ee deegaanka ee liyuu booliska oo lala wada socdo inay marwalba kujiraan hawlgallo ay kusoo cidhib tirayaan kuna baabi'inayaan hadhaaga yar ee wali dhuumaalaysiga kaga sii nool budhcada UBO ayaa la wada ogsoonyahay inay maalinba maalinka ka danbaysa soo hoynayaan guulo waawayn oo wax ku ool ah islamarkaana horay usoo hooyay guulihii deegaanka ugu waawaynaa abid, kuwaas oo noqday kuwo taariikhda deegaanka iyo tan wadankaba kubiiray dal iyo dibadna lagu wada diirsaday.
Haddaba saaka barqinimadii ayaa waxaa aaga Qabriga sheekha ee u dhaw tuulo Abraahiin indhaha loogu shiday budhcad uu watay budhacdka wayn ee lagu magacaabo Dhoonbe xirsi Allaae iyadoo ay ciidamada liyuu boolisku ku raad taagnaayeen ilaa xalay islamarkaana ay xogta budhcadaas lakaashanayeen shacabka deegaanka oo marwalba ciidamada liyuu booliska ku garab taagan hawlgaladooda taariikhiga ah ayaa waxay saaka indhaha u shideen 15 budhcadaas kamid ahayd halka ay budhcadkii waynaa ee watay iyo labadiisii stafka u ahaydna nolol gacanta ugu dhigeen iyadoo labadii nin ee sida khaaska ah u ilaalinaysayna midi dhaawac yahay midna uusan waxba qabin.
Budhcadkaas wayn ee lagu magacaabo Dhoonbe Xirsi Alaale ayaa kamid ahaa kuwii iyagu sida xad dhaafka ah ugumaadi jiray shacabka dhibaatooyinka waawayna u gaysan jiray waxaana wakhtixaadirkan gacanta ku haya Halyay'ada liyuu booliska.
Dhanka kale Maalintii shalay ahayd ayaa waxaa sidoo kale aaga xero jaarso indhaha loogu shiday budhcad dhuumaalaysi kumarayay aagaas waxaana halkaas lagu qabqabtay oo dagaal dabadii gacanta lagu dhigay qaar kamida hogaamin kusheega budhcada ubo oo wakhtixaadirkan ay ciidamada liyuu boolisku gacanta ku hayaan waxaana budhcada nolosha lagu hayo ee laga qabtay xero jaarso kamida 1. Haybe Muxumed iyo 2. Maxamed Abuukar Nuur.