Jigjiga(CakaaraNews).Xafiiska Maamulka Magaalada Jigjiga ayaa Waayadanba Dardar hor leh ku wada sidii kor loogu soo qaadi lahaa Bilicda iyo Quruxda Magaalada Jigjiga,islamarkaana Aqoon kororsi,Iskaashi iyo Indhadhaynba u Tageen Caasimadaha Deegaanada Federaalka. Mar uu Mayorka Magaalada Jigjiga Mudane Cabdi Daahir Qaasim Shir ka Dhacay Caasimada Tigreega ee Maqale ayaa uu ku soo Arkay Habka ay u Goglaan Deegaanka Tigray Wadooyinka Dhagaxa Qoran(Cobble Stone) ,una dhireeyaan. Hadaba Madaxweyne Ku Xigeenka DDSI Mudane Aadan Faarax Ayaa Xadhiga ka Jaray Wado Dhererkeedu yahay 0.2km,balaceeduna yahay 10 mitir,oo xafiiska Maamulka magaalada jigjiga ay ka dhiseen mid ka mida wadooyinka xaafada 1aad. Madaxweyne ku xigeenka ayaa ay ku Wehelinayeen Mayorka Maamulka Magaalada Jigjiga Mudane Cabdi Daahir Qaasim (Cabdi-dheere) iyo Maareeyaha Magaalada Jigjiga Mudane Cabdi Xasan iyo masuuliyiin kalaba. Wadadadan oo ah dhagaxa la goglo cobble stone ayaa kaga duwan wadooyinkii hore ee noocan oo kale ahaa,dhanka tayada iyo habka loo dhireeyay,taasoo ah khibradii ay ka soo heleen caasimada tigreega ee maqale oo noocan oo kale u samaysata wadooyinka dhagaxa qoran. Sidoo kale miisaaniyada ku baxday wadadan ayaa lagu qiyaasaycagta 513,180.24cents (shan boqol iyo sedex iyo toban kun boqol sideetan iyo laba bir24/cents),waana wadadii ugu degdegsiimaha badnayd nooceedan laguna soo ebyo muddo dhan 10 cisho ah.
Dhanka kale Wadadan ayaa wax saas ah kaga duwanayn Wadooyinka laamiga ah Maadaama nooca Dhagaxa Madow ee laamiyada loo isticmaalo laga sameeyay kor iyo hoosba Wadadan.Sidoo kale waxaa Wadadan Fursad Shaqo ka helay Dad Dhan 186 Qof oo ka mida Iskaashatooyinka Wadaniga ah ee Magaalada Jigjiga Taasoo Noloshoodii kor u soo qaaday. Sidoo kale Xafiiska Maamulka Magaalada Jigjiga ayaa ka wada Xaafadaha qaar labo Wado oo noocan ahkalana ah mid Dhererkeedu yahay 0.315mitir Balaceeduna yahay 14,halka ta kalana dhererkeedu yahay 0.320 mitir halka Balaceeduna yahay 12m. Isku soo Wada duuboo Wadooyinka Noocan oo kale ah ayaa kor u soo qaaday Bilicda iyo Quruxda Magaalada Jigjiga,islamarkaana laga taxadaray tayadeeda iyo bilicdaba.Halka ay Fursad shaqo koboc dhaqaalana u abuurtay Shacab aad u badan oo ku nool Magaalada Jigjiga,islamarkaana ay liidatay Noloshooda Dhaqaale.