Jigjiga(CakaaraNews).Madaxweyne ku-Xigeenka DDSI ahna Wasiirka Madaxtooyada DDSI Mudane C/fataax Maxamuud Xasan Ayaa Maanta Hoolka Shirarka ee Sayid Maxamed Cabdule Xasan ugu Furay,Tababar Socon doona Muddo 5 cisho ah. Tabababrkan oo uu soo Qabanqaabiyay Xafiiska Guud ee Kobcinta Awooda iyo Tayada DDSI oo kaashanaya Xafiiska Dhigiisa ah ee Federaalka,ayaa ay Ujeedadiisu Tahay,sidii kor loogu soo qaadi lahaa Awooda hogaamineed ee Qaabdhismeedyada Heer Gobol iyo Heer Degmo. Sidoo kale tababarkan ayaa ay Masuuliyiintu ku qaadan doonaan Casharo la xidhiidha Nidaamka Xisaabaadka(Accounting),Nidaamka Hanti-dhawrka(Auditing),Qorshaynta iyo Dabagarka Mashaariicda,Hogaaminta(Leadership). Dhanka kale Casharashada Tababarkan ayaa uu Bixinayaa Wasiir ku Xigeenka Xafiiska Civil service Beureu ee Dawlada Federaalka Mudane Adunya,Isagoona Sharax Dheer ka bixinayay Isbedelada Hogaaminta iyo Gudi ku Shaqaynta(Change Management And Team Building).
Dhanka kale Wasiirka Xafiiska Kobcinta Awooda iyo Tayada DDSI mudane maxamed faatax ayaa kula dardaarmay hogaaminta dhexe ee tababarkan qaadanaysa,in ay ka faaiidaystaan tababarkan oo loogu talo galay kobcinta awooda hogaamineed ee qaab-dhismeedyada Gobolada iyo Degmooyinka. tababarkan ayaa la filayaain ay ka faaiidaysan doonaan masuuliyiinta heer degmo iyo gobolba,islamarkaana wax wayn ka tari doonto qaababkooda hogaamineed.