Jigjiga(CakaaraNews).Sidaan la wada Socono waxaa waayadanba ka socda Hoolka Shirarka ee Sayid Maxamed Cabdule Xasan Shir lagu Qiimaynayay Waxqabadkii 6dii bilood ee la soo dhaafay,Dhamaanba Heerarka kala Duduwan ee Qaabdhismeedyada Dawlada,Haday Ahaan lahayd Xafiisyada Heer-Deegaan,Maamulada Heer-Gobol iyo Heer-Degmo.sidoo kalana 4ta Ismaamul Magaalo ee ka jira DDSI. Qiimayntan ayaa ah Mid Sal iyo Baara oo lagu shaybaahayo Waxqabadka 6dii bilood ee la soo dhaafay,taasoo Qodob qodob loo Qaadaa Dhigayo Fulinta Hawlihii Qorshaysnaa Sanadkan wixii Qabsoomay iyo Waxaan Qabsoomin oo lagu Miisaamayo Xil gudashada Masuuliyiinta. Hadaba Saaka ayaa la Qiimeeyay Waxqabadka Xafiisyada Pcdp iyo Horumarinta Wabiyada iyo Dooxooyinka,islamarkaana la dhagaystay warbixintoodii waxqabadkii 6dii bilood ee la soo dhaafay,islamarkaana uu Gurigu su’aalo ka waydiiyay Waxqabadkii laga Filayay. Labadan Xafiis oo iyaga si gaara loo Qiimaynayay Waxqabadkooda ayaa Xafiiska Pcdp Isaga lagu booriyay in uu Waxqabadka Horumarineed ee uu u fidiyo Bulshada uu Dardar hor leh galiyo,Maadaama Mashruuca Pcdp Miisaaniyadiisa Captalku Badnaan wax ay ka qabto ay ku labanlaabmayso Miisaaniyada Mashaariicda(Capital ee loo Qabto Sanadkii Degmooyin badan oo ka mida Degmooyinka DDSI.
Mashruuca Pcdp ayaa mudo gaaban loo qabtay sidii ay u dardargalin lahaayeen fulinta mashaariicda horumarineed,madaama ay jiraan cabashooyin ka imanaya dhanka bulshada reer guuraaga iyo xoolo dhaqatada ah,sidoo kalana waxaa loo sameeyo gudiyo ka kooban shaqaalaha xafiiska Pcdp ee ka hawlgala degmooyinka iyo maamulka degmo kasta oo uu mashruuca Pcdp.islamarkaana gudi kasta ay ku jiri doonaan xubno ka mida shacabka,iyadoona gudi kasta uu hogaamin doonaan gudoomiyayaasha degmooyinku. Gudiyada la magacaabay ayaa isku xidhi doona Xukuumada,Xafiiska Pcdp Heer-Deegaan iyo Degmooyinka,taasoo xili gaaban loo qabtay inuu xafiiska PCDP ee heer deegaan isbedel horleh,dardarna galinaya hirgalinta mashaariicda horumarineed in uu ku keeno. Dhan kale xafiiska barnaamijka horumarinta wabiyada iyo dooxooyinka DDSI,ayaa isna lagu booriyay,iyadoo si gaara loo qiimeeyay Qorshaha cusub ee sanadkan loo qoondeeyay in dibudejin loo sameeyo 55,000 oo Qoys,inkastoo wajigii 1aad ee dibudejinta sanadkan 6dii bilood ee hore la soo dhamaystiray,balse Wajiga 2aad oo ah 6da bilood ee Sanadkan ka hadhay,uu Dhexda u Xidho sidii uu u Dhamaystiri lahaa Dejinta Qoysaska uguna Dhamaystiri lahaa Baahida iyo Adeegyada aasaasiga ah ee Qoysaska Dibudejinta loo samaynayo. Dibudejinta Qoysaska Sanadkan ayaa ay Qaar ka Mida Degmooyinku ay iskood(Isxilqaan) u sii bilaabeen,in ay Dejiyaan Qoysaska wajigii 2aad ee Sanadkan oo ah 6da bilood ee Hadhay,islamarkaana Dadkii sii dajiyeen bilaabeena Waxsoosaarkii dhinaca Beeraha. Sidoo kale Qiimayntan oo uu Hogaaminayay Madaxweyne kuxigeenka DDSI,ahna kusiisimaha Xafiiska Madaxweynaha DDSI Mudane C/fataax Maxamuud Xasan,ayaa ku aamaanay Degmooyinkii Isxilqaanka ku sii Bilaabay in ay Sii bilaabaan Dejinta Qoysaska wajiga 2aad,yidhina Xukuumadu waxay Bixin doontaa Abaalmarino Shaqo.