Jig-jiga (Cakaaranews) Sidaad horay ula socoteen waxaa baryahanba lagu mashquulsanaa oo lagu hawlanaa diyaarinta barnaamijyadii socdaalkii UBO-QUUSIS ee uu dhawaan waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay madaxwayne cabdi maxamuud cumar ay kusoo mareen gobolada kala ah dhagaxbuur, qoraxay, wardheer iyo jigjiga.
Haddaba iyadoo barnaamijyadaas lookala diyaariyay qaybo kala duwan si rasmi ahna looga wada dheehan doono telefishinka caalamiga ah ee ESTV ee dawlada deegaanka soomaalida itoobiya iyo waliba shabakada caalamiga ah ee cakaaranews qaybteeda TV ga ayaa waxa uu barnaamijku caawa telefishinka ka bixidoonaa wararka kadib waxaana cidwalba oo deegaanka kasoo jeeda shacabka iyo qurbajoogtaba loogu bishaaraynayaa inay barnaamijkaas kala socdaan tvga deegaanka iyo shacabkada Cakaaranews TV.
Qaybtan oo ah qaybtii koobaad ayaa waxaa iyana aad sidoo kale dib kala socondoontaan qaybaha kale ee socdaalka oo barnaamij ahaan la idiinkusoo gudbin doono islamarkaana aad indhihiina kaga bogan doontaan dhamaan waxyaabihii kusoo qabsoomay socdaalkii ubo quusis iyo meelihii lamaray iyo waliba kulamadii oo dhamaystiran.
Lasocod wanaagsan.