Jigjiga(CakaaraNews)Ka dib markii uu madaxweynuhu soo ebyay wajigii 2aad ee hawlgalkii UBO-0QUUSIS ayaa uu hawl shaqo oo sal balaadhan uu ugu baxay Magaalada Addis-ababa,taasoo uu kala soo xajooday dhamaanba hay'adaha ugu sareeya Dawlada Federaalka. Xukuumada ayaa ku hawlan sidii ay u sii ambaqaadi lahayd sidii loo sii dardargalin lahaa,isbedelada kobaca dhaqaale,kol hadii ay gabaabsi tahay Turunturooyinkii lagala kulmi jiray Nabad-diidka UBO. Madaxweynaha ayaa kala soo xaajooday hay'adaha ugu waawayn ee dhanka horumarka dawlada federaalka,sidii ay kaalin xoogan uga qaadan lahaayeen taabo galinta kaabayaasha dhaqaale ee deegaanka soomaalida itoobiya. Hadaba madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Jigjiga,mana cada talaabooyinka ugu horeeya ee uu qaadi doono madaxweynuhu marka uu fadhiisto xafiiska,inkastoo warar xog ogaal ah oo aanu ka helnay madaxtooyada ay qeexayaan,in xukuumadu qaadi doonto isbedel dhab ah oo lagu dardargalinayo horumar baaxad wayn ee wada gaadha dhamaanba bulshadu meel kasta oo ay ku dhaqan tahayba. Sidoo kalana xididada loo taagay hogaamin maamul suuban oo si dhab ah u hanan karta masuuliyada hogaamineed ee loogu dhiibay shacabka,islamarkaana kalsooni galin kara waxqabadkoodu shacabka u baahan daboolida baahiyahooda aasaasiga ah,sida biyaha,waxbarashada,beeraha,xoolaha,caafimaadka iyo dhamaanba Kaabayaasha Dhaqaale. Dhanka kale Xukuumada ayaa Diirada saaraysa sidii Bulshada Xoolo-dhaqatada ah loogu Bedeli lahaa Xoolo-dhaqato-Beeralay Degan,oo la Gaadhsiin karo Dhamaanba Adeegyada Aas-aasiga ah,si looga baxo Saboolnimada Ragaadisay Hab-Nololeedka Bulshada.