Jigjiga(CakaaraNews).Shaki kuma jiro in aynu kala wada soconay shabakada tebinta warka ee cakaaranews,in uu waayadanba uga socday hoolka shirarka ee sayid maxamed cabdulle xasan,shir lagu qiimaynayay waxqabadka 6dii bilood ee la soo dhaafay dhamaanba qaabdhismeedyada dawlada heer deegaan,heer gobol,heer degmo iyo 4ta ismaamul magaalaba. Sidoo kale qiimayntan ayaa ay natiijo waxqabad oo ifafafaalo Waxtar fiican lihi ka soo baxday,ayaa la soo gabagabeeyay,iyadoona Abaalmarino kala duduwan la gudoonsiiyay Qaar ka mida maamulada gobolada iyo degmooyinka dadaalka fiican ee shaqo muujiyay. Hadaba galinkii danbe ee manta ayaa uu madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar kulan aad u balaadhan oo isugu jiray Sagootis,Dardaaran,Wacyigalin iyo warbixinba u ugu qabtay Hoolka Shirarka ee Sayid Maxamed Cabdule Xasan dhamaanba maamulada Gobolada,Degmooyinka,4ta Ismaamul Magaalo iyo Masuuliyiinta Golayaasha Capinootkoodaba. Madaxweynaha ayaa aad ugala dardaarmay maamulada isagoo carabka aad ugu adkeeyay in ay lagamamaarmaan tahay in la gaadhay Xiligii laga gudbi lahaa Eexda,Qabyaalada,Danaysiga,Musuqa,Amiishaarnimada iyo Lunsiga Raashinka Gargaarka ee loogu talo galay shacabka waa in laga gudbo bataatanba loomana dul qaadan doono in la majarahabaabiyo adeega shacabka la siinayo ayuu yidhi madaxweynuhu. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Maamulada in ay Aqoonsadaan,islamarkaana ku dhaqmaan Saraynta Sharciga.Madaxweynaha ayaa Sidoo kale kula dardaarmay Maamulada in ay Gacan Xoogan Siiyaan Bulshada Xoolo-dhaqato Beeralayda ah,islamarkaana loogu yeedho Beeraleey Xoolo-dhaqato,Maadaama la guda galay Sidii Bulshada Xoolo-dhaqatada ahayd looga dhigi lahaa Beeraleey-xoolodhaqato ku nool nolol degan oo lagu gaadhsiin karo Kaabayaasha Dhaqaalaha. Sidoo kale mar uu warbixin siinayay maamulada ayaa uu madaxweynuhu Tibaaxay in Dhanka Qurbajoogta u Dhalatay Deegaanka ee ku kala Nool Daafaha Dunida Guulo wax ku oola laga soo hooyay,islamarkaana Ururada Silent Cry,Sedyo iyo kooxda Waayaha Cusub oo ay Ku Xidhnaan jirtay Mareegtii Mala-awaalka UBO ay Hada Garwaaqsadeen Xaqiiqda Horumarineed ee ka Jirta DDSI,islamarkaana Qayb Libaaxeed oo wadaninimo leh kaga Jiraan Dadaalada Xukuumadu ugu Jirto Taabogalinta Horumarka iyo Nabadgalyada,Taasoo Farxad aan La Qiyaasi karin Galisay Dawlada Federaalka Doorka Ururada Dhalinyarada Qurbajoogta iyo Qurbajoogtuba la Garab istaageen Guud ahaan Dalka Gaar ahaana DDSI,Sidoo kalana Carabaabay in Warbaahinta DDSI ay Door fiican ka Ciyaartay Wacyigalinta Bulshada Dal iyo Dibadba. Dhanka kale Madaxweynaha ayaa Si xeel dheer uga Waramay Socdaalkiisii 2aad ee UBO-QUUSI,taasoo uu ku Qaadaa dhigayay in Wakhtigii UBO uu Gabaabsi yahay,loona Baahan yahay in loo Dhugyeesho Sidii kor loo Soo qaadi lahaa Nolosha Shacabka loona Gaadhsiin lahaa Si xawli ah Dhamaanba Kaabayaasha Dhaqaale Si Siman. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka Warbixiyay Socdaalkiisii Addis-ababa taasoo uu ku Qeexay in uu Federaalka kala soo hadlay Dhinacyada Korontada,Isgaadhsiinta,Wadooyinka iyo Arimaha Dibudejinta Qoysaska Agagaarada Wabiyada iyo Dooxooyinka.
Kulankan uu Maanta Galinkii Danbe uu la Yeeshay Madaxweynuhu ayaa Isugu Jiray Wacyigalin,Dardaaran iyo Sidii Udubada loogu Taagi lahaaba Maamul Suuban oo Hanan Kara Dhab ugu Adeegida Adeegyada Horumarineed ee la siinayo Kana Madax-banaan Musuqa,Eexda,Qabyaalada iyo Ku Tagrifalida Raashinada Gargaarka Shacabka loogu Talo Galay. Isku soo wada Duuboo Kulankan Sagootiska ahaa ayaa Ay Masuuliyiinta Maamulada Gobolada iyo Degmooyinku Balanqaadeen in ay Kaga Dhabayn doonaan Hirgalinta Dhamaanba Dardaaranka Madaxweynaha islamarkaana sii labanlaabi doonaan Waxqabadkooda.Halka uu Madaxweynuhuna Amar Buuxa ku Siiyay Dhamaanba Maamulada Gobolada,Degmooyinka iyo 4ta Ismaamul Magaalaba in Ay Beri Subax u wada Dhaqaaqaan Goobihii ay ka kala Yimaadeen,Si ay Shacabka u Siiyaay Adeegyadii Horumarineed ee loogu Dhiibay. F.Gaara, Dhamaanba Dadweynaha ku kala Nool Daafaha Dunida iyo Dalkaba Waxaa Lala Socodsiinayaa in aad Habeen kasta Warka ka Dib aad Telefishanka Caalamiga ah ee ESTV Warka ka dib aad ka daalacan kartaan Socdaalkii UBO-QUUSIS.