Caleemo Saarka Garaadka Beesha Absame oo Ka Dhici Doona Degmada Birqod February 5 2012.

Jigjiga(CakaaraNews).Dhaqanka Soo jireenka ah ee Beesha Absame ayaa ku salaysnaan jiray Hogaan Dhaqameed kaliya amaba Hoos tagi jiray Garaad yacquub ilaa faarax iley,Taasoo la baalmaray waayadan danbe Hogaan-dhaqameedkii Beesha Absame Asalka u lahaan Jirtay. Sidoo kale Shirar iyo Wada-xaajood Xeer dhaqameed oo waayadanba u socday Dhamaanba Hogaamiye-dhaqameedka Beesha Absame ayaa ay ku Go'aansadeen in dib loo Soo celiyo Hogaankii Dhaqameed ee Soo jireenka ahaa,beesha Absamena Yeelato Hal Garaad,Garaadkaas oo ah Curadka beesha Absame. Hadaba Waxaa la ogaysiinayaa Dhamaanba Beesha Absame Meel kasta oo ay Dunida ka joogaanba in maalinta caleemo saarka garaadka beesha absame, garaad maxamuud garaad dool ay noqon doonto 5ta bisha february 2012,amaba taariikhda itoobiya 27ka tir 2004,Maalinta Axada.iyadoona munaasabada caleemo saarka garaadka absame ay ka dhici doonto Degmada Birqod,taasoo mudo badan diyaar garoowgeeda lagu jiray,islamarkaana beeshu ay sugaysay. Munaasabada Caleemo-saarka Garaadka Beesha Absame Garaad Maxamuud Garaad Dool Garaad Xirsi,ayaa si aad u Heer saraysa loo soo abaabulay,Huwana Maamuuskii Sharaf Dhaqameed ee Beeshu Asalka u lahaan Jirtay. Isku Soo Wada Duuboo waa in Ay Dhamaan Beeshu Ka Soo Qayb Galaan Munaasabada Caleemo Saarka Garaadka Absame,Cidii uu Wakhtigu u Saamixi Waaya ee ka Fogna ay kaga Soo qaybgalaan Aaladaha Casriga(Technology).

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews