Budhcadkii waynaa ee Shugri Jaamac oo indhaha loogushiday aaga sanxofayle iyo toondifalay.

Jig-jiga (Cakaaranews) Dhamaan dadka jecel nabada deegaanka dal iyo dibadba waxaa loogu bishaaraynayaa in maanta ay halyayada ciidanka liyuu boolisku indhaha ushideen budhcadkii waynaa ee aad u dhibaatayn jiray shacabka rayadka ah ee Shugri Jaamac iyo afartii isaga ilaalinaysay halka ay 7 kamida shuftadii uu watayna gacmaha taageen kadib markii dagaal cilmiyaysan lagu qaaday.

Horaa looyidhi Geeloow daaqoo daaqoo markaad qoombaar daaqdaa laguu yaabaayee budhcadkan ayaa waxa uu sidii caadada u hayd duldagay oo uu dhibaatayn culus kubilaabay shacab reer guuraa ah oo degan inta u dhaxaysa Sanxofayle iyo Toondifalay isagoo budhcadku shacabkaas xoog kaga qaatay adhi ay dhaqanayeen halkaasna dhagta dhiiga ugu daray isagoo waliba ninkii xaynta adhiga ah lahaa budheeyay kuna dilay war xoolaha iidaayadii uu kuyidhi oo kaliya balse ninkii adhiga lahaa ee dulmiga ay budhcadaas ubo ulayimaadeen oo kamida shacabka deegaanka ee marwalba garab taagan ciidamada liyuu booliska ayaa sida uu sheegay waxa uu hoosta iska yidhi oo uu ilaahay kabaryay inayna budhcadaasi calfanin adhigan ay xooga kaga gawracdeen wuxuuna islamarkiiba ninkii adhiga lahaa usoo dhaqaaqay halkii ugu dhawayd ee uu ka gaadhi karay ciidanka liyuu booliska isagoo gurmad usoo raadsaday wuxuuna nasiib wanaag sidhibyar ula kulmay ciidankii oo hawl gal kujira kuna raadjooga nimankaas budhcada ah halkaas ayuuna kasoo horkacay oo uu dul keenay budhcadii ubo oo aana wali adhigii ay qaleen dhadhaminin, waxaana halkaas indhaha loogu shiday budhcadkaas wayn ee shugri jaamac iyo afar kamida kuwii uu watay iyadoo sidaan kor kusoo sheegnay ay 7 dii kalana gacmaha taageen markii ay kayaabeen qaabkii loolaayay iyo sida dhibka yar ee durba xabada loogu hafiyay.

Budhcadkaas waynaa ee indhaha looshiday ee shugri jaamac ayaa waxaa laga helay documentiyo badan oo tilmaamaya inuu mudo yar joogay shacbiya kana mid ahaa kuwii afarta sano lagusoo tababaray shacbiya sidoo kale budhcadkan wayn ayaa kamid ahaa hogaamin kusheegtii UBO ee dabargoday hadana ay kasii noolyihiin shakhsiyaad iyadoo la ogsoonyahay in maalmo uun ay kasoo wareegtay markii gacanta lagu dhigay budhcadkii waynaa ee Dhoonbe Xirsi allaale oo isaguna kamid ahaa shakhsiyaadka kasii nool hogaamin kusheegtii UBO.

iskusoo duuboo iyadoo lala wada socdo inay hogaamin kusheegtii UBO noqdeen gorayo uu gabalkeedii dhacay wakhtixaadirkana lagu raadjoogo shakhsiyaadka tirada yar ee kasii nool hogaamin kusheegtii dabar go'dey ayaa waxaan idiin balan qaadaynaa inaan dib idiin kasoo tabin doono wakhti dhaw shakhsiyaadkaas lagu raadjoogo inta indhaha looshido iyo inta gacanta lagu dhigo labadaba.



Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews