Xaflad Si Heer Sare ah Loo Soo Abaabuley oo Kusaabsaneyd Sanadguuradii SEDYO ayaa Caawa oo Sabti ah Ka Dhacday Hoolka Shirarka ee Safari(Minneapolis).

Minneapolis(CakaaraNews).Dhamaan Jaaliyaadka kasoo jeeda 9ka Gobol ee uu ka kooban yahay deegaanka somalida itoobiya ee ku nool Minneapolis iyo nawaaxigeeda ayaan ukala hadhin Kasoo qaybgalka xafladan,iyadoona ugu horayntii uu Gudoomiyaha ururka SEDYO Mudane Maxamed SHariif uu u umahad celiyay dhamaan bulshaweyntii kasoo qaybgashey sanadguuradan 1aad ee uruka sedyo Gudoomiyaha oo xaflada furey ayaa sifiican ufaafaahiyay qaabkii uu ururkani kusameysmey iyo meesha uu maanta marayo gudoomiyaha oo hadalkii siiwata ayaa mahadcelin aad ubalaadhan usoo jeediyay DDSI ee uu hogaanka uhayo madaxweyne abdi moxamud omar Sidoo kalegudoomiyaha ayaa khudbadiisii ka dib kusoo dhaweeyay Gudoomiye ku-Xigeenka Guurtida Odayaasha Mudane Abdikariin mMuhumed Hasan oo hadalkiisii kubilaabey hambalyo iyo amaan aad usareysa oo uu usoo jeediyay ururka Sedyo oo halsano jirsadey. Mudane Abdikariin ayaa jaaliyada usoo jeediyay ayaa ugu baaqay Dhamaanba Qurbajoogta Cariga Maraykanka in ay Muqadas tahay in la taageero Ururka Sedyo,maadaama dadaal wadaniyadeed oo la taaban karo ay muujiyeen mudadii yarayd ee ay jireen ayuu yidhi Dhanka kale Mudane Abdikariin ayaa soodhaweyey waxqabadka xukuumada abdi mohamud omar sida uu guulaha wax ku oolka uga soo hoyyay dhinaca nabadgalyada iyo horumarka,isagoona salaan diirana usoo direy. Sidoo kale Suldan mohamed bade ayaa isagana hambayo balaaran usoo jeediyay ururka sedyo iyo madaxweynaha DDSI mudane abdi mohamud omar, suldan bade ayaa hambalyo kale udirey Garaad Mohamud Dool oo february 5 2012 loo caleemo saari doono Garaadka Guud ee Beesha Absame oo ah hogaan Dhaqameedkii kaliya ee ay lahaan jirtay beesha absame Xiliyadii hore. Dhanka kale Mudane abdifatah hirsi dool oo ah xubin gudi fulina ayaa warbixin dheer kasoo jeediyay uruka sadyo iyo waxqabadkiisa. Halkaana mahadcelin uga soo jeediyay kasoo qaybgalayaasha shirka iyo dhamaan xukuumada Abdi mohamud omar Kadibna waxaa hadalkii lawareegay faarax abdi hirsi (faarax dhuub) oo uhambalyeeyey ururka sedyo iyo kasoo qaybgalayaasha shirka. Sidoo kale Nabadoon faarax ayaa bulshada kubooriyay in aan loo kalahadhin taageerida iyo garab istaaga DDSI ee uu gadhwadeenka kayahay mudane abdi mohamud omar oo lagu taageero hanaanka wanaagsan ee ay dawladu wax uqabaneyso.salaan diirana halkaa uga direy.aqoonyahan mohamud omar haaguf oo hambalyo usoo jeediyay ururka sedyo iyo wax qabadka madaxweyne Abdi mohamud omar Looma kala hadhin aqoonyahan abdullahi gariile ayaa isna hambalyo balaadhan usoo jeediyay ururka sedyo iyo dadkii kasoo qayb galey xaflada, halkaasna ku kadhageysiiyay ka soo qaybgalayaashii munaasabada fariin kusaabsan hambalyoiyo bogaadin uu madaxweynuhu u soo direy sanadguurada Sedyo iyo dhamaan bulshada Qurbajoogta ah ee ka soo jeeda 9ka Gobol ee uu DDSI ka kooban yahay. Waxaa intaa dhexsocdey heesaha, iyo dhaantooyinka ay soo bandhigayeen qaybta fanka iyo suugaanta ee uruka sadyo. aqoonyahada xaflada kahadley oo aad ufara badnaa ayaa waxaa kamid ahaa abdiasiiz xassan hirsi oo hambalyo iyo mahadcelin usoo jeediyay ururka sedyo iyo kasoo qaybgalayaasha shirka salaan diirana udirey madaxweyne abdi mohamud omar iyo xukuumadiisa. Waxaana hadalkii soo gabagabeeyay Gudoomiyaha Ururka Sedyo Mudane Maxamed Shariif iyo gudoomiye kuxigeenka sedyo Mudane Abdirisaaq Golongol iyagoona hadaldheer kasoojediyay Heerka uu Marayo waxqabadka uruka,sidoo kalana ka faalooday waxqabadka xukuumada madaxweyne abdi mohamud omar uu Hormuudka ka yahay oo ka Taabogalisay Deegaanka Horumar Baaxad Wayn iyo Xasilooni la Taaban karo,iyagoona tusale usoo qaatey socdaalkii madaxweynaha ee ubo quusis,islamarkaana Madaxweynuhu kusoo marey Dhamaan Gobolada Dhagax-buur,Qoraxeey,Wardheer,Fiiq iyo Gobolka jig -jiga,Iyagoona Masuuliyiinta Ururka Sedyo ay U Mahadceliyeen Ka soo Qaybgalayaasha Sanadguurada 1aad ee Ururka Sedyo. ugu Danbayntii ayaa ay Dhamaanba Ka soo qaybgalayaashii munaasabadan meesha isugu yimid ayaa dhamaantood isku raacey waxqabadka xukuumada DDSI ee uu gadhwadeenka kayahey mudane abdi mohamud omar.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews