Jigjiga(CakaaraNews).Mar uu Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar uu la yeeshay Kulan aad u Balaadhnaa Dhamaanba Qaab-dhismeedyada Dawladeed oo Isugu Wada yimid Magaalada Jigjiga,halkaasoo Lagu qiimaynayay Waxqabadkii 6dii bilood ee la soo Dhaafay,ayaa uu Madaxweynuhu Carabka ku Dhuftay,Dhinaca ka qaybgalka Bulshada,islamarkaana Tusaale ku Dayasho leh u soo qaatay Mid ka mida Qurbajoogta u dhalatay Deegaanka oo Waxqabad taageero Wadaniyadeed oo Tusaale u noqotay Guud ahaan Dalka itoobiya Muujiyay ayuu yidhi Madaxweynuhu. Madaxweynaha ayaa ku nuuxnuuxsaday Waxqabadka Wadaniyadu ku dheehan tahay ee Mudane Aadan Dhagax uu kaga Dhisay Dugsi Sare Degmada Bookh,oo Maskaxdiisii iyo Maalkiisiiba ugu Tabarucay Shacabkiisa si ay ugaga faaiidaystaan,isagoona Taariikh lama ilaawaan ah ka gaystay Mudane Aadan Dhagax ayuu yidhi Madaxweynuhu Barnaamijka lagu Horumarinayo Waxbarashada,taasoo Tusaale ku dayasho leh u noqotay dhamaanba Deegaanada Dalka Itoobiya,sidoo kalana in ay kaga daydaan Dadaalka Wadaniyad-horumarineed ee Mudane Aadan Dhagax Dhamaanba Bulshada ku Dhaqan Dalka iyo Dibadiisaba. Dhanka kale Mar uu wariyaha Cakaara Mr Kaabe uu la kulmay Mudane Aadan Dhagax ayaa uu wax ka waydiiyay Waxa ku dhaliyay in uu Maskaxdiisa iyo Maalkiisaba Shaqsi ahaan uu ugu Tabaruco Dhismaha Dugsi Sare uga faaiidaynta Shacabkiisa,taasoo Dhismaha Dugsiga Sare ee Degmada Bookh uu ku Bixiyay Kharash Lacageed oo aad u Badan. Mudane Aadan Dhagax oo si faahfaahsan uga faalooday Taariikh Nololeedkiisii oo ka soo bilaabmay ku Dhalashadiisii Degaanka Bookh oo uu ku Koray isla Deegaanka Bookh,ayaa yidhi Xiligaa Dhibaatadii aan u maray in aan waxbarto,anigoon haysan Dawlad iyo Cid kale oo iga caawisa ayaan xasuustaa,Inkastoo Wakhti Xaadirkan aynan Haysanin Guud ahaan Shacabka DDSI,Gaar ahaana Shacabka Degmada Bookh oo ay Haystaan Dawlad u Heelan Horumar Gaadhsiinta Shacabkeeda,ayaan Doorbiday in aan kaalinta igaga aadan Horumarinta Shacabka ka qaato,ileen Wax kasta Dawlada uun laguma Halayn karee ayuu yidhi Mudane Aadan Dhagax.
isku soo wada duuboo mudane Aadan dhagax ayaa taariikh dhaxalgal ah ka galay barnaamijka horumarinta waxbarashada deegaanka soomaalida itoobiya,islamarkaana tusaale fiican oo ku dayasho mudan u noqday Guud ahaanba Deegaanada ay ka kooban tahay dawlada federaalka.sidoo kalana waa kaalin u banaan in ay Qurbajoogta kale ee u Dhalatay DDSI ku Daydaan Mudane Aadan Dhagax.Inkastoo muwaadin qurbajooga oo lagu magacaabo mudane uu isna ka dhisay dugsi sare magaalada yucub