Waxbarashada iyo Nidaamka Baris Barasho ee Degmada Xamaro oo Kor u soo Kacday.

Xamaro(CakaaraNews).Madaxa Xafiiska Waxbarashada Degmada Xamaro Mudane Maxamuud Bashiir Maxamuud ayaa sheegay in Isbadal fiican oo la taaban karo oo ah Dhinaca Barnaamijka Horumarinta Waxbarashada iyo Nidaamka Baris-barashaba uu ka jiro Degmada Xamaro.
Sidoo kale Masuulka ayaa Tibaaxay in Degmada Xamaro ay Wakhti Xaadirkan ka jiraan 15 Dugsi oo isugu Jira Dugsi oo isugu jira Dugsiyada caadiga ah iyo Dugsiyada reer guuraaga ee loo yaqaan ABE.
Dhanka kale madaxa xafiiska wasaarada waxbarashada ayaa munaasabada uu kaga warbixinayay heerka ay taagan tahay waxbarashada degmada xamaro,islamarkaana ku gudoonsiiyay halkaa abaalmarino 9 gabdhood oo ka Mida Ardayda Degmada Xamaro islamarkaana kala galay kaalimaha 1aad.
Sidoo kale Madaxa Xafiiska Waxbarashada Degmada Xamaro ayaa Halkaa ku Gudoonsiiyay Shahaado Sharaf Shaalaqaha (Sarkaalkla)Haysta Ciidanka Liyuu-Policeka Rijmantiga 1aad ee ku sugan Degmada Xamaro oo dadaal fiican ka gaystay sidii loo kobcin lahaa waxbarashada Degmada Xamaro.
Dhanka kale Munaasabadan oo ay Ka soo Qaybgaleen Dhamaanba Waalidiinta,Macalimiinta,Maamulka Degmada iyo Shaqaalaha Xafiiska Waxbarashadaba ayaa uu Mudane Maxamuud Bashiir ku Booriyay in Shaqsi kastaa Doorka kaga Aaadan Horumarinta Waxbarashada Degmada Xamaro uu ka Qaato,isagoona Carabka ku Dhuftay in Ka dib Dibucurashadii ay kor u soo kacday Tayada Baris Barasho ee Degmada.